|
Goldogob oo Miinadii Laga Saaray
“Abaar say uga baxaan Dadbaa dhagax oogadi Siraac ku abuuraye Asaagiin eega oo Naftaa orad aamintaye Iskiini wax u qabsada”, Carays C. Kaarshe
Bilawgii gu’gii na dhaafay, waxaa ii suurta gashay in aan waraysto nin Goldogob markaa ka yimid. Maashaa Allaah, waxaa ka muuqday ladnaan iyo nasasho farabadan wuxuuna u ekaa nimay ka mayrayd diihaalka qurbuhu. Haddii aannu cabaar isku tuur-tuurnay, wuxuu ii sheegay in xiisad kululi ka aloosnayd ceelkii Goldogob. Waxa carro Mudug lays dhexmarinayey in la dhisi doono jid dheer oo isku xiri doona dekadda Garacad iyo Itoobiya, Goldogobna dhanka waqooyi-bari ka mari doono. Arintaasi waa mid u cuntami la’ reer Goldogob waxayna ka xigaan geeri iyo magaaladoo baaba’da, ayuu ninkii dhawr jeer ku celceliyey.
Sheekadaasi, waxay noqotay mid baraarujisa intii Goldogob ku dhaqnayd iyo intii ku dhaqmi jirtayba meel-kastooy joogaanba. Cirka ayey isku shareertay waxayna ula muuqatay Goldogob oo xiddigeedii dhacay, ninwaliba go’sii ayuu samada u lalmiyey. Fardax-fardax aad baxsataayaa, kooxiba meel bay afka saartay oo ku barooratay, war-yaa maali jirayey!
Bil xaqiiqa, gurdanka, qaylodhaanta iyo habarwacashadu waxay dhalisay in arinta si qotodheer looga baaraandego loona sukulo sidii badar la tumayo. Taa, waxaa lagu fahmay sababta keentay arinta iyo sidii looga hortagi lahaa, waxaana lays ku afgartay in cilladu tahay miinada ku aasan jidkii hore ee Goldogob iyo Gaalkacyo is ku xira, waana meesha sartu ka quruntay.
Taasi, waxay sunduleysay in reer Goldogob saaxiga keenaan isweydiiyaana, sidee miinada loo saari karaa? Eeg, meeshaas waxa lagu abaabulay maalkii iyo maskaxdii lagu saari lahaa miinada iyadoon meel kale loo baadigoobin. Qaylodhaan ayaa afarta-bayno-jiho loo saaray. Durbadiiba, waxay la yimaadeen qorshe dheelitiran. Ogaw, waxaa halwgalay kii aqoon lahaa, kii maal lahaa iyo kii itaal lahaa, markay iskaashadeenna waxaa ka soo baxay natiijo abuurtay yididiilo iyo dhiiragalin aan horay u jirin. Taasoo macnaheedu yahay, Goldogob waxay gees isaga riixday karti, iskaashi, ismaqal iyo kaladanbayn la’aantii asaageed ka reebtay, waxaana soo ifbaxay ififaalo tilmaamaya awood ka daahsoonayd, Eebow adigaa amarkaaga u suldaana!
Dhanka kale, waxa lagu guulaystay in miinadii laga saaray dibna loo habeeyay wadadii muddo gaaban gudaheed, waxa taa ku amaanan reer Goldogob. Waxa lagu guulaystay in magaalada sumcadeedi kor loo qaaday, taana waa guul reer Goldogob soo hoyeen. Haa, waxaa dhimatay xujadii ahayd in Goldogob miino ka buuxdo wadadana aan la mari Karin, iyana waa gool ay reer Goldogob dhaliyeen. Xaasha, waxa lagu guulaystay in cabsidii dadka laga saaray, gawaariduna maraan iyagoo sidii “cabdi-bile” u lalaya baqdinna ka dheertahay, waa guul u hoyatay reer Goldogob. Hawlgalkaasi, waxay indhaha ciid uga rogtay kuwii islahaa magaalada naafeeya, waxayna cashar lama ilaawaanna u noqotay iyo mahadho aan ka harin kuwa jecel dibindaabyada magaalada, kuwaasi iyo inta la halmaashaba waxay ku baraarugeen Goldogoboo u diyaara shar iyo khayrba kii soo foodsaara.
Dan iyo xeelad, su’aal ayaa ka dhalatay guulaha kor ku xusan, waana tan: haddii bulshoweynta Goldogob ku tashato in talaabo laga qaado dantaguud iyagoo maalkooda iyo maankooda adeegsanaya ma hirgalin karaan? Waa marag-ma-doonto in ay abbaari karaan waxna ka qaban karaan wax Alle iyo wixii la gudboonaada, tusaalena waa mashruucii miino saarka. Runtii, waa guul ay gaareen reer Goldogob in ay dantaguud wax walba ka hormariyaan waxaanad moodaa inay ku dhifatay dabayshii xagaaga oo isbedal wadata. Waxa la gaaray xiligii halganka loo balaarin lahaa si qunyar socoda. Waxaa haboon, sidii mashuurca miinada looga tashaday, in magaaladu uga tashato adeegyada bulshada ee qabyadaa. Waxaa hubaala, haddii si miisaaman loo lafaguro dantaguud in la helayo meeldhexe oo dadka badankiisu ku qanacsanaan karaan xalna u keeni karta carqaladaha lays ku mari waayey sida Isbitaalka.
B. Mohamed
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
|