|
Sida lala wada socdo waxaa maanta adduunka ka taagan dhibaato dhaqaale oo aad u qoto dheer, Waxaana uu jahawareer ku dhacay seyladaha maaliyadda (stock exchange) ee adduunka oo dhan iyadoo qarka loo saaran yahay inuu dumo hanaanka maaliyadeed ee caalamiga ah, Waxaa kacay oo musallafay bangiyo iyo shirkaddo waaweyn oo hanti iyo magac weeynba lahaa.
Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF waxay ku tilmaantay dhibaatadan maaliyadeed tii ugu weyneyd ee adduunka soo marta marka laga reebo dhibaatadii dhaqaale ee weynayd (depression) ee adduunka ku habsatay sanadooyinkii 1930-kii, “Tan oo kale qarnigiiba marbay dhacdaa” ayuu yidhi Alan Greenspan, guddoomiyihii hore ee Federal Reserve Bank oo ah bankiga dhexe ee Maraykanka.
Maxaa sababay dhibaatadan sidaas u culus?
Waxaan isku dayey inaan qaybahan hoose ku qaadaadhigo asbaabihii keenay dhibaatadan iyo herarka ay soo martay, Haddaanse in yar oo hordhac ah ka hormariyo, waxaa dhibaatadan loo aaneynayaa qar-isk-tuurka iyo qayrul-mas’uulnimada hay’adaha maaliyadda ee Maraykanka oo sida muuqata halis galiyey dhaqaalaha aduunkoo gabi ahaanba, aragtida dhaqaale ee ka dhaqan gashay cariga Maraykanka laga bilaabo sanooyinkii 1980-kii oo uu hormuud u ahaa, sida la xusuusto, madaxweyne Ronald Reagan, aragtidaas oo ah in suuqa la xoreeyo oo laga madaxbanaaneeyo wax kasta oo kormeer iyo ilaalin ah iyo dhaqaalaha Mareykanka oo 25-kii sano ee ugu dambeeyey ku tiirsanaa deyn ama amaah, dillaalnimo iyo damac.
Marka hore, bal aan isla fahamno laba eray oo soo noq noqon dona. Labadaas eray waa “recession” iyo “depression”. Ereyga “recession” waxaa la adeegsada markii dhaqaaluhu hoos ugu dhaco muddo ka badan lix bilood, waxaan halbeeg loo qaata wax soosaarka guud ee dalka “Gross Domestic Product” (GDP). Tusaale, “recession”kii 1990-1991 wuxuu socday 9 bilood, waxaana sababay hoos-u-dhac dhan 1.5% ee “GDP”. “Depression” waa marka dhaqaaluhu hoos uga dhaco in ka badan 10%. Tusaale, “depression”kii dhacay 1929-1933 wuxuu sababay hoos-u-dhac dhan 33% ee “GDP”. Sababa mar kasta tusaale loogu soo qaato “depression”kii 1929-1933, loogana cabsado waxay tahay, waxaa waagaas dhacay hoos-u-dhac dhaqaale oo lagu ba’ay oo sababay gaajo, shaqo l’aaan, saboolnimo, diihaal, darxumo iwm. Depression’kaas ayaa loo tiriyaa inuu mas’uul ka ahaa Dagaalkii Adduunweynaha ee Labaad. Sidaas ayuu halis u yahay “depression”ku
Bilowgii mashaakilka.
Waxaa dhibaatadaan dhaqaale ee hadda socota lagu bisleeyaa sidii buufin la afuufay oo qarxay (bubble). Si buufintaan loo fahmo waa inaan aynu dib ugu noqonaa sanadooyinkii 1999 iyo 2000, Waa xilligii la afuufay buufiin kale (dot.com bubble). Isla bangiyada ka dambeeyey dhibaatadan ayaa taasna sabab u ahaa.
Waxaa la dhisay ilaa 500 shirkadood oo la yidhi farasamada cusub ee internetka ayey hirgalinayeen oo iyagoo weli aan waxsoosaar samayn la sii kala gatay saamiyadoodii, la sii buunbuuniyey qiimahoodii ilaa uu buufinkii qarxay. Waxaa ka sii horeeyey qaraxii buufinkii ugu weeynaa ee 1929 “stock market crash of 1929” oo isaguna ka dhashay qiimaha saamiyada oo la buunbuuniyey oo la buufiyey, ka dibna qarxay, Ka dib markii buufinkii “dot.com bubble” uu qarxay sanadkii 2000, dhacdadii 9/11na ay ka dambeeysey, ayaa Federal Reserve Bank uu heerka dulsaarka (interest rate) si isdabajoog ah hoos ugu dhigay min 6.5% sanadkii 2001 ilaa uu gaadhsiiyey 1% sandkii 2004 oo ah heerkii ugu hooseeyey 45-kii sano ee ugu dambeeyey, Waxaa siyaasaddaas lacageed hirgeliyey Alan Greenspan, Guddoomiyihii hore ee Federal Reserve Bank, ujeedadiisuna waxay ahayd inuu ka hortago hoos-u-dhac dhaqaale (recession). Alan Greenspan waxaa wagaas loo haystay nin cabqari ah, macallin maskax badan (maestro), uur-ku-baale og wixii dhaqaalaha ku soo beegan.
Hasa yeeshee hadda waxaa loo arkaa inuu qayb ku lahaa dhibaatada dhaqaale ee hadda taagan isagoo ka gaabsaday inuu xakameeyo hawlaha sharci darada ah ee hay’addaha maaliyadda Maraykanku ku dhaqmayeen sanooyin badan. Isaga, oo ah guddoomiyaha bangiga dhexe, ayaa laga rabay inuu kormeero baniyada iyo hay’addaha maaliyadda balse maa uu yeelin sidaa, waayo isga laftiisu wuxuu ka mid ahaa kooxda aaminsan in suuq xorta ahi uu mar kasta sax yahay, faragelinta dawladduna ay mar kasta khaldan tahay.
Dulsaarka la yareeyey wuxuu dhiirigeliyey dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha. Xagga guryaha waxaa hoos u dhacay dulsaarka amaahda guryaha (mortgage), oo sababay in dalabka guryuhu bato, ka dibna qiimahoodu kaco, Bangiyada oo lacag badan oo naqdi ah helay ayaa bilaabay inay fursaddaas ka faa’iideeystaan, waxayna hindiseen hab maaliyadeed cusub oo aan hoos ku tilmaami doono.
Waagii hore markaad guri iibsanaysid bangi ayaad morgej ka qaadaneysey, Bangigu amaahda ayuu ku siinayey adiguna bil kasta waxaad bixineysey haftooyin ka kooban dulsaarkii iyo lafihii (principal). Habkan cusubi wuxuu deynkaagii ka dhigay sidii badeeco suuqa lagu kala iibsanayo. Bangigii guriga kuu maalgeliyey wuxuu deynkaagii ka gaday Bangi maalgalineed (investment bank), bankigii maalgalintuna kumaankum diyuun ah ayuu isku dhafay oo sarrifay, oo uu u rogay warqado maaliyadeed oo qiima go’an leh (Mortgage-backed securities), oo ka gaday adduunka oo idil, dawladdo, shirkaddo, dadweyne, hay’addaha maamulaha lacagaha hawlgabka iwm.
Meeshii awal hal banki iyo hal deyn-qabe ay macamiili jireen, hadda waxaa beddeley silsilad isku xiran oo ka kooban qofkii morgejka qaatay, bangiga ugu horeeya oo amaahiyey, bangiga weyn oo kala wareegay iyo dadka iyo hay’addaha laga gaday waraaq-maaliyeedka oo adduunka oo idil ku firiqsan. Ogoow, waxa lagu xisaabtamayaa oo la kala gadanayaa waa lacagta dulsaarka ah iyo lafaha uu bixin doono qofka morgejka qaatay.
Warqad-maaliyeed waa shahaado kuu ballaanqaadaysa in maalgelintaadu kuu dhalayso lacag go’an iyo waqti go’an (bille ama sanadle iwm.), isla-mar ahaantaasna aad suuqa ka gaddi kartid haddaad u baahatid (secondary market). Waxaa warqad-maaliyeed ka mid ah “bonds”, saamiyada shirkadaha, iwm.
Habkan cusubi wuxuu keenay inay bangiyadii morgejka bixin jirey helaan hanti hor leh. Ka dib, waxay bilaabeen inay amaah siiyaan dad badan oo aan awood u lahayn inay deyn bixiyaan. Waa dad aan buuxin karin shuruudaha amaah-bixinta, sabatoo ah dakhligooda oo aad u hooseeya iyo iyagoo aan lahayn taariikh deyn-gudid (credit history). Waa dad heerka kalsoonidoodu hooseyso, oo lagu dabaqo heer dulsaar oo ka sarreeya kan caadiga ah, loona yaqaan (subprime loans). Sanooyinkii 2002 ila 2005, bangiyada maalgeliya morgejka waxay si qayrul-mas’uulnimo ah u bixiyeen amaah xad-dhaaf ah oo la siiyey dad danyar ah oo qaarkood dalka ku cusub yihiin, Dadkaas waxaa lagu khalday, inkastoo iyaga laftooda hunguri qaaday, habka loo farsameeyey morgjeka oo ah inaynaan wax lacag ah bixinayn labada sano ee hore, Waxaa qarsoon oo aan loo sheegin in dulsaarku noqonayo mid isrogrogaya (adjustable) oo la socda suuqa. Caadiyan morgejka waxaa lagu qaataa heer dulsaar oo xadidan (fixed). Morgejyada noocaan ah waxaa loo bixiyey NINJA loans (no income, no jobs, no asset) oo micnaheedu yahay qofka qaadanaya morgejka lama weeydiinayn inuu dakhli, ama shaqo, ama hanti leeyahay. Sida muuqata, shirkadaha, bangiyada iyo dillaaliinta ka baayac mushtara morgejka muraadba kama lahayn in deyntaas la bixin doono iyo in kale. Waxaa u darnaa oo keliya inay helaan faa’iido iyo khidmad xad-dhaaf ah.
Sidaan kor ku xusnay, morgejyadaas “subprime” waxaa laga gaday bankiyada maalgelinta, iyaguna waxay ka gadeen addunweynaha. Waxay ku soo aaday waqti ay hay’ado, dalal iyo dad badan oo addunweeynaha ka tirsani ay heystaan kayd badan ooy baadigoobayaan meel ay ku maalgashadaan. Waxaa dadkaas soo jiitay oo hoday warbixinta shirkadaha maalgelinta qiimeeya (credit rating agencies), oo warqad-maaliyeedyada ku qiimeeyey inay yihiin maalgelin sugan oo daraja kowaad ah (AAA), lana mid ah, xagga ammaanka, warqadaha khasnadda dawladda Maraykanka (treasury bills), laakiinse ka faa’iido badan madaama dulsaarkoodu ka sarreyo kan dawladdu bixiso. Waxaa furmay dhuumo lacag ah oo loo jiheeyey morgejka “subprime”.
Waxaa jirey dad ka digey khatarta ka imaan karta sida loo maamulayo morgejyada “subprime”, laakiinse dheg looma jalaqsiin, waayo shirkadaha morgejka bixiya, kuwa guryaha dhisa, kuwa firaasha, kuwa dullaala, bankiya maalgeliya, dhammaan waxaa lagu jirey baadhi, mana aayan rabin in laga dhabqiyo ciyaarta.Ninkii deyn cunay baluu ka dibiray
Dabayaaqdii sanadkii 2004 ayaa Federal Reserve Bank bilaabay inuu kor u qaado heerka dulsaarka ila uu gaarsiiyey 5.25% sanadkii 2006 si looga hortago sicirbarar. Dulsaarka la kordhieyey wuxuu sababay in kharashka morgejku bato ka dibna saameeyo dalabaadkii guryaha. Isla marahaantaas waxaa la garay xilligii dad badan oo qaatay morgejka “subprime” ay bixin lahaayeen haftooyinkii ugu horreeyey iyo dulsaarkii, oo hadda labanlaabmay illeyn suuqa ayuu la socdaaye. Waxaa dhacaday in dadkaas, oo aan awalba hanti iyo dakhli fiican lahayn, ay awoodi waayaan inay bixiyaan deynta ku dhacday (default), sidaas daraadeedna guryihii lagala wareego (foreclosures). Waxaa kaloo dhacday in guryihii lala wareegay, oo hadda dalabkoodii yaraaday, la gadi kari waayey oo waliba qiimahoodii hoos u sii dhaco maalinba maalinta ka dambeeysa. Xaaladda waxaa sii xumeeyey sicirka saliidda iyo cuntada oo kor u kacay, sababayna in dad badan oo morgej caadi ah qaatay ay iyaguna bixiwaayeen deeyntii duruufahaas daraadood. Tusaale ahaan, tirada guryaha lala wareegay sanadkii 2007 waxa lagu qiyaasay ilaa 1.7 milyan guri. Xaaladuna waa ka sii dartay Sanadkaan 2008.
Ka dib, markii deyntii la bixin waayey, waxaa mar qura qiimobeelay oo sidii xumbo shiiqay balaayiin maalgelin ah oo la xiriirtay amaahda morgejka. Waxaa khasaaray boqollaal bankiyada yar yar oo ah kuwa morgejka bixiyey. Waxaa khasaaray bankiyadii waaweeynaa ee maalgelinta oo ku waayeye hanti dhan $435 bilyan inta ay qirteen. Waxaa kaloo khasaaray cid alle ciddii haysatay warqad-maaliyeedyadii laga sanifay morgejka oo adduunkoo idil ku kala firiqsan. Khasaaraha ka dhashay morgejka “subprime” waxay Hay’adda IMF ku qiyaastay $1.3 trilyan. Si loo fahmo sida dhibaatadaani u sameeysey adduunweynaha, waxaan tusaale u soo soo qaadan karnaa dawlad hoose oo magaalo yar oo Japan ku taal oo ku khasaartay $1 milyan oo ah kaydkii lagu arkay oo ku khasbay inay hawlihii magaalada joogsadaan. Wax badso wax beelbay leedahay.
Qorshayaalka badbaadinta
Khasaarihii ka dhashay morgejyada “subprime” wuxuu sidii sunaami ugu dhuftay seyladaha maaliyadda ee adduunka, wuxuuna argagax ku riday bankiyada iyo mas’uuliyiinta adduunkoo idil. Tusaale ahaan, bishii Setembar 2008, laba toddobaad gudahood ayaa dawladda Maraykanku waxay ku khasbanaatay inay badbaadiso shirkadda caymiska ee adduunka ugu weyn AIG oo amaahisay $85 bilyan. Waxay qarameysay labadii hay’adood ee ugu weynaa ee amaahda guryaha maalgelin jirey, oo kala ah Federaal Home Loan Mortgage Corporation (Freddie Mac) iyo Federal National Mortgage Association (Fannie Mae) oo ay ku maalgelisey $200 bilyan. Laba bangi oo ah kuwa ugu waweyn bankiyada maalgelinta ayaa midna musallifay mid kalena dawladduu gargaar u fidisey. Sido kale, dawladaha Yurub ayaa deg deg ula tacaalay bankiyadooda oo qaarna qarameeyey, qaar kalena taageero u fidiyey. Waxaa qarxay buufinkii morgejka oo galaaftay adduunkoo idil.
Khasaarihii ka dhasahay morgejka “subprime” wuxuu saameeyey suuqa amaahda. Waxaa abuurmay cabsi iyo shaki ay kala qabaan bankiyadu iyagoo joojiyey amaahdii dhexdooda, sababtoo ah waxaan la aqoon cadada morgejyada “subprime” ee suuqa ku jira iyo cidda haysata. Waxaa cabsida abuuray bankiyo badan oo deeyn qabay oo musallifay. Tusaalahaan, Bankiga Lehman Brothers oo musallifay wuxuu qabay deeyn gaareeysa ilaa $700 bilyan oo uu ku maalgaliyey “subprime loans”, raasumaalkiisuna wuxuu ahaa $23 bilyan oo keliya. Kalsoonidarradaas iyo bankiyada oo raasumaalkoodu gubtay ayaa waxay dhalisay in habka amaahdu gebiahaanba xirmo, ka dibna, dhibaatadii maaliyadeed ee ka bilaabatay morgejka ay u gudubto qaybaha kale ee dhaqaalaha. Sida la ogsoon yahay, amaahdu waa halbowlaha dhiigga u kala qaybiya qaybaha dhaqalaha, hadday xirantana waxaa istaagaya dhaqaalaha. Waxaa yaraanaya waxyaabihii la iibsanayey ama la kharash gareeynayey “consumption” oo ammahda ku xiran. Haddii kharashku yaraadana waxaa khasaaraya warshadaha, beeraleyda, ganacsatada oo shaqaalaha dhimaya. Haddii taasi dhacdana, waxaa hoos u dhacaya waxsoosaarkii, waxaana ugu dambeeyntii burburaya dhaqaalaha sidii dhacday 1930maadkii.
Si loo badbaadiyo dhaqaalaha waxay dawladda Maraykanku u qoondeeysey lacag dhan $700 bilyan oo loogu talagalay in bankiyada lagaga iibsado diyuunta qiima dhacday ee “subprime loans” ee miisaaniyadda ugu jirta. Qorshahaasi wuxuu noqday mid aad loo dhaliilay oo ka careeysiiyey dadweynaha Maraykanka waayo waxay dawladdu la wareegeeysaa diyuuntii xumaatay oo aan qiimohooda la aqoon. Waxaa ka fiicnaa, oo markii dambe xitaa dawladda Maraykanku aqbashay, qorshaha dawladda Ingiriiska oo ahaa in dawladdu raasumaal gashato bankiyada oo saamile ka noqoto. Sida lala socdo, bankiyadu markay ku khasaareen diyuunta morgejka waxaa yaraaday saldhiggii raasumaalkooda, waxaana wiiqantay awoodoodii amah-bixinta.
In kastoo la qaaday tillaabooyin badan, haddana waxaa xasili waayey seyladaha maaliyadda (stock exchange). Waxaa socda kulamo heer gobol iyo heer caalami ah oo arrintaan lagaga arrinsanayo.
Sanooyinkii 1989-1990, waxaa Soomaaliya ka dhacay dhibaato maaliyadeed oo aan tan Maraykanka ka dhicin inkastoo labada dhaqaale aad u kala duwan yihiin. Bankiga Kaydka iyo Ganacsiga Soomaaliyeed oo ahaa bankiga ganacsiyeed oo keliya oo waagaas dalka ka jirey ayaa wuxuu bixiyey amah xad-dhaaf ah oo aan loo meeldayin. Amaahdaas waxaa la siiyey dad badan oo aan wax dammaanad ah haysan. Ma ahayn amaah loogu talagalay in guryo lagu dhisto ama hawlo ganacsi lagu maalgeliyo. Waxay ahayd amaah loo bixiyey si sharcidarro ah oo qayrul-maa’uulnimo ah oo lagu tilmaami karo boob ama booli qaran. Amaahdaas oo balaayiin shilin Soomaali ah waxaa lagu bixiyey jeegag wareega ( waa warqard-maaliyeedda Soomaaliya). Jeegaggi waxaa lagu gaday suuqa Bakaaraha ( waa stock exchange ee Soomaaliya). Dhibaatadaasi waxay burburisey habkii lacagta iyo maaliyadda Soomaaliyeed. Waxaa qiimadhacay oo baaba’ay shilin soomaaligii, waxaana xirmay Bankigii Kaydka iyo Ganacsiga Soomaaliyed. Dhibaato dhaqaale ama siyaasadeed waa ku dhacdaa wadan kasta, innaguse waxaan quruumaha kale kaga duwannahay mashaakilkeena wax kama qabanno ee iyagaa wax inaka qabta. Waxaan isleeyahay, waana khaldanaan karaa, burburkii dawladdii Soomaaliya waxaa sababay dhibaatadii maaliyadeed iyo dhaqaale oo wax laga qaban waayey, bal la sii huriyey ilaa ay burburisey qarankii. Maxaa ka dambeeyn doona?
Maxay raad ah ooy reebi doontaa dhibaatadaan dhaqaale ee gilgishay adduunkoo idil.
Kow, waxaa la iskuraacsan yahay inuu dhici doono hoos-u-dhac dhaqaale “recession” oo dhowr sano socda oo adduunkoo idil ku habsada. Haseyeeshee, waxaa la filayaa in hos-u-dhacaasi uusan noqon doonin mid aad u waxyeelo badan sidii “depression”kii 1929-1930. Halka dhibaatada dhaqaale ee hadda taagan ay ka bilaabatay morgejka guryaha, waagaas dhibaatadu waxay ka bilaabatay saamiyada shirkadaha oo qiimahooda la buufiyey ilaa buufinkii uu qarxo. Maalin talaado ah oo loo bixiyey talaadadii madoobay (black Tuesday) 29 Oktoobar 1929 ayaa “stock exchange” qarxay, illeyn waxa la kala gadanayey waxay ahayeen waraaqo (saamiyo) aan xiriir la lahayn xaaladda dhaqaale ee shirkadaha lahaa saamiyadaas, waxa wax lagu gadanayaana waxay ahaayeen deeyn. Waxa dhibaatada sii dabadheereeyey oo sii xumeeyey laba khalad oo waagaas la galay, haddase laga gaashaamanayo. Labadaas khalad waxay ahaayeen: 1) Federal Reserve Bank oo lacagta xannibay oo suuqa ku yareeyey naqdiga (liquidity) iyadoo lagu jiro xilli hoos-u-dhac dhaqaale, iyo 2) isagoo aan wax taageero ah u fidin bankiyaddi talaabeeysnaa. Waxaa xusid mudan in guddoomiyaha Federal Reserve Bank, Ben Bernanke uu yahay aqoonyahan dhaqaale oo si gaar ah u darsay “depression” kii 1929- 1930 oo iska ilaalin doona inuu galo khaladyadii hore. Waxaa kaloo hadda jira barnaamijyo aan wagaas jirin oo yareynaya dhibaatda sida caymiska shaqo la’aanta (unemployment insurance), caymiska kaydka bankiyada (deposit insurance), gargaarka bulshada (welfare) iwm.
Tan labaad, waxaa fashilmay aragtidii ku dhisnayd suuqa xorta ah oo 25tii sano ee ugu dambeeysey ka talinaysey dalka Maraykana. Waxaa beenoowday in suuqa oo seetada loo siidaayo uu isagu iskiis isu saxayo oo aan loo baahnayn xeerar haga. Waddamadii lahaa xeerar ay ku ilaaliyaan bankiyadooda ayaa dhibaatada ugu yar soo gaartay. Haseyeeshee, taa micnaheedu ma aha in la diidan yahay suuqa. Waxa guuldarreystay waa aragtida kuwa loogu yeeray Asalraacayaasha Suuqa “market fundamalists” oo caqiido ahaan u aaminsan suuqa, kana soo horjeeda in la sameeyo xeerar xakameeya hawlaha seyladaha maaliyadda (deregulation). Aragtidaasi hadda waxay u egtahay mid dib u guraneeysa. Waxaa la yaab leh, dawladda Maraykanka oo adduunka, siiba dalalka soo-koraya, ku dirqin jirtey inay gebiahaanba furfuraan dhaqaalahooda ayaa hadda dantu ku kalliftay inay qarameeyso bankiyadeeda sidii dawlad hantiwadaag ah oo kale. Wajigabax ayaa ku dhacay dawladda Maraykanka.
Tan saddexaad, dadka indha indheeya siyaasadda adduunka ayaa waxay qabaan in dhibaatadaan dhaqaale ay horsed u tahay jabka imbaradooriyadda Maraykanka. Wasiirka Maaliyadda dawladda Jarmalka Per Steinbruker ayaa saadaaliyey in Maraykanku uu dhumin doono kaalintiissi ahayd hoggaamiyaha maaliyadda adduunka. John Grey oo ah filosoof Ingiriis ah ayaa isaguna ku tilmaamay dhulgariirkaan dhaqaale waqti kalaguur ah oo isbeddel taariikhi ah ku sameeyn doona misaanka awoodda adduunka. “Xilligii uu Maraykanku addunka ku amar-ku-taagleeyn jirey wuu dhammaaday” ayuu yidhi John Grey.
Laba arrimood oo quwadihii ka horreeyey dumiyey ayaa Maraykankana majaxaabin doona: waa dagaal iyo deeyn. Sidaan la soconno, waxaa hadda dawladda Maraykanka ku furan dagaallada Ciraaq iyo Afghanistaan oo ugu kacay kharash aan xad lahayn. Waxaad ku dartaa ciidanka Maraykanka ooy ku baxdo kharash isagana aan tiradiisa la soo koobi Karin. Badi kharshyadaas waxay dawladda Maraykanku ku dabooshaa deeyn ay dibedda ka hesho. Deyntaasuna, hadda ka dib, waa yaraan doontaa iyadoo ay ugu wacan tahay jabka ku dhacay sayladda maaliyadda Maraykanka. Haddii si kale loo dhigo, waxaa la oran karaa waxaa qarxay “credit car” kii Maraykanka; sidaas daraadeedna waxaa adkaan doontaa in dawladda Maraykanku hesho maalgelintii faraha badnayd oo dibedda uga imaan jirtey. Haddii maalgelintaas la waayana, waxaa khasab noqoneysa in dawladda Maraykanku is uruuriso oo kharashka ciidamadeeda dhinto. Haddii taasi dhacdana, waxaa meesha ka baxaya kaalinteedii ahayd quawada adduunka ugu xoog weeyn (superpower). Haseyeeshe, waxaa la yiraahdaa Maraykanku waxay leeyihiin awood ballaaran ooy dib isugu habeeyaan, uguna soo kacaan. Taas waxaa daliil u ah doorashada madaxweeynaha cusub ee Maraykanka Mudane Baraka Obama oo la rajeeynayo inuu wax weyn ka beddelo siyaasadda dalkaas. Si kastaba ha ahaate, Maraykanku wuxuu, hadda ka dib, la xisaabtmayaa adduun isbeddelay oo taladu baahsan tahay.
By Maxamed Dlamar Galdogob Times News Desk
|