|
Sideedaba, Gaalkacyo waxay ku indho-dilaacsatay iyadoo Col ku soo duulayo ama ka duulayo. Waligeedba gulufbaa ka taagnaa. Waa su’aal meesha ku jirtee, maxay colaaddu Gaalkacyo uga demi la’dahay? Waxaaba kaaga daran, had iyo jeer waxay dhegta dhiiga u daraan kooda ugu caqliga roon, waxaad moodaa in qandaraas lagu siiyey laytna waxgaradkooda. Ma hayo jawaab cad ama hal shay oo la oran karo waa asalka, waxaase waadaxa banaankana yaal dhawr walxood oo tilmaamaya meesha sartu ka quruntay.
Ugu horayn, Gaalkacyo waa caasimadda gobalka Mudug, Mudug-na waa tii looga maahmaahay, “Labaatan jir Mudug jooga Rabbi uma xilqarin” taas oo macnaheedu yahay haddii aadan sharka dhankaaga ka afuufin waxaad u muuqanaysaa nimay ilkaha sare xaaraansheen. Waxaynu oran karnaa, Gaalkacyo waa curradii Mudug. Haddaba markii dhaqankaas lagu soo ababshay, dagaalka iyo colaaduba waxay ula muuqan karaan dhacdo nolol maalmeedka ka midda.
Teeda kale, waxa magaalada deegaankeeda doorweyn ka ciyaaray dad u badanaa xaaraanyahano afku ka weynaaday una bartay sedbursi , bililiqaysi iyo boob xoole aan loo aabbe yeelin cidii leh, waa jirridii askarta u ahayd boqortooyadi ku sheega Cali Yuusuf. Horaantii qarnigii labaatanaad, jirridaasi waxay hooshey iyo halaanbey ku qaadeen kuna dhulbalaarsadeen Gaalkacyo oo xiligaas tuulo ahayd.
Runtii, amuurta Gaalkacyo ka taagani waxay la taabaqaaday dawladihii Musuqmaasuqa waana baryahaas markay bilaabatay ku tumashada danyarta iyadoo loo gashanayo shaar dawladeed. Waagaas, Gaalkacyo waxay u ekeyd ‘Dodge City’. Calaashaan, sidii filimadii kaaboyga(Western) ayaa hubka loo sidan jiray ciddii laga itaal roonyahayna waa lagu durdurin jiray.
Hagaag, nafis kama horayn kacaankii askarta. Maalintii askartu xukunka la wareegtay ayaa ugu horasay dhaanto nabad lagu tunto. Kacaanku waxbadan ayuu dadka caburiyeye - dhib iyo dheef- dhibku ha badnaadee waxaase Gaalkacyo sanka ku dhiftay saxansaxo nabadeed. Xor ayuu ruuxwaliba meeshuu doono u maray una dhistay, iyadoon cidina oran Karin garoortaadu waa meeqa. Waxaase ayaandaraa, caburkii askartu in uu sidd-kii-sii dhaafay dagaalsokeeyana laga umuliyey.
Tan maanta taagani waa cawaaqibkii dawladihii Musuqmaasuqa iyo caburkii kaligi taliskii askarta. Isweydiinmayno meel wax marayaane, dawlad la’aantu waxay dhalisay in ninwalibaa sheegtay Arbihii riwaayadda. Taasina waxay keentay in Gaalkacyo seddexgeesood loo kala fariisto: Baraxley(Wadajir), Bardaaley(Garsoor) iyo Dabaqoraxeed(Israac).
Runtii, maanta ayaa sidii kaaboygii laysugu dilaa Gaalkacyo. Haa, qaarbaa waxay ku andacoodaan in ay magaalada maamulaan waase dhaandabagaale maamulka ay afka ku culanayaan maxaayeelay ismaqalkii iyo kala danbayntii waa-horay Cirjiife(qabuuraha Gaalkacyo) dhigeen. Waxa kaliya oo ay ku xeeldheeryihiin waa koodhiga ay ka gurtaan dadka qariibkaa oo ka soo dega garoonka ama wadada dheer maraya. Eeg, maxbuus ayaa inta xabsiga loogu dhacay dabadeedna lagu dhex dilay. Aawaye kuwii maamulka sheeganayey waxaasi-se ma maamulbaa, waa qawlaysate. In qof kuu xiran lagu dilo xabsigaaga, aadane iska daaye waa fal habardugaagtuba ka xishooto. Maanta kuwa Gaalkacyo ka talinayaayi waa raggii Sayidku diray.
Isku soo duuduub, Gaalkacyo waxay hadda u taagan tahay Joorisalaamtii Geeska Afrika. Qalad ha iga fahamin, Gaalkacyo waa magaalo dad koo dhan u dhexaysa, waa sidaan aaminsanahay waxayna u furantahay mawaadinwalba hayeeshee waxaa ku doobinaya sedex-geesoodkaan horay u soo sheegay ayagaana ku hardamaya sidaydoonaanba ha isugu baacsadeene.
Labada maamul ee Daba-qoraxeed iyo Baraxley waa midiyo saawira waxay kala goyn karaanna ma jiraan haba yaraatee. Alley-la-hee, waxay hurin yaqaaniin kuna caan-baxeen colaadda hayeeshee waxa ka liita kuwa agfadhiya oo i-xi-da guraya kana sugaya nabad aslaaxda, taas iga qora, waa habaynkii xalay ahaa oo tagay in kuwaasi maanta waxsan dhalaan.
Bardaaley waxaa saaran in ay baadigoob u gasho sidii geyigaas colaadda looga dabin lahaa. Waxay gacansaar wanaagsan la leedahay labada maamul ku sheeg waxayna taas u isticmaali kartaa in ay ku abuurto yididiilo nabadeed. Bilxaqiiqa, waa fursad ku haboon in lagu lumiyo waxkasta maxaayeelay umaddaan waalatay haddii wanaagii ay arki waayeen, waxay u baahanyihiin cid u tilmaanta kaalintaasina waxay u banaantahay Bardaaley.
Teeda kale, waan ognahay halkay colaadu dhigtay Gaalkacyo, waa tan asaageed ka reebtay. Gaalkacyo waa xuduntii wadanka waligeedna ma aysan arag qiimaha runta ah ee ay leedahay, waxa kaliy oo qiimaheeda lugu ogaan karaa waa nabad waana sida kaliya oo ay magaceeda ku billi karto. Dhab ahaantii, waxa Bardaaley ku haboon in ay isu xilsaarto dantaguud. Sidee bay taas u soo bandhigi kartaa? Waa iyadoo muujisa horseednimo. Waxa haboon in ay bilawdo wada-hadal saddexgeesooda oo looga baaraandegayo nabadda Si qunyarsocoda, halkaas looga sii ambaqaado iyadoo cindiga lagu haynayo haddii lagu guulaysto baqtiinta colaadda Gaalkacyo in ay noqon karto furihii lagu gaari lahaa xalwaara oo dalka oo dhan ka hirgala.
W/Q: Bashir A. Mohamed " Fintir"
Fiiro Gaar Ah: qoraalkaan wixii ka soo baxa gaf ama ammaan waxaa iska leh qoraaga oo ma aha mid ay khuseyso shabakada galdogob times
Galdogob Times News Desk
|