|
Md. Cabdirashiid Maxamed Xersi ayaa ku guuleystay inuu noqdo Guddomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland, Iyadoo cod gacan taag ah ay Xildhibaanada oo dhan ay ku doorteen.
Siihayaha Guddoomiyaha Barlamaanka Axmed Cali Xaashi ayaa ku dhawaaqay in ansax uu yahay Md. Cabdirashiid Maxamed Xersi ee Xildhibanada doorteen, waxaana uu u mahad celiyay Guddoomiyaha cusub dhamaan Xildhibaanada codka siiyay.
C/rashiid Maxamed Xersi waxaa laga soo doortay Gobolka Mudug,iyada oo aysan jirin Murashaxiin kale oo kula tartamey jagada Gudomiye-nimada Barlamanka Puntland, halka la qudareynayo in xilalka Madaxweynaha iyo kuxigenkiisa ka yimadan gobolada Nugaal, Sool, Ceyn, Sanaag iyo Barri.
Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa uu ku dhashay Gobolka Mudug, kana soo jeeda beesha Leelkase.
Xildhibanada gobolka Sanaag kasoo jeeda u tartami lahaa xilkaan waxa ka hor-istaagey musharax Gen. Ilka Jiir iyada oo tartanka Madaxweyna-nimadu yahay mid furan u dhexey-na murashaxiinta kasoo jeeda gobolada marka laga reebo Mudug oo ku hartey wax qaybisigii goboleedkii Puntland, madaama Gudoomiyaha Barlamanka cusubi kasoo jeedo Mudug..
|