Nin 17 Xaas Iyo 39 Caruura U ka Dhalay Oo Xabsiga Loo Taxaabay PDF Print E-mail
Monday, 18 January 2010

Dalka Isreal ayaa lagu qabtay Nin Yuhuudi ah oo Xero ku haystay ku dhawaad 17 Xaas iyo 39 Caruur ah oo uu ka dhalay

Ninkan Yuhuudiga ahoo 59-jir ah laguna Magacaabo Goel Ratzon ayaa lagu soo oogay Dambi ah kufsasho iyo Gumaysi.

Ratzon ayaa wuxu ku noola mudo dheer si qarsoodiya oon cidi ka war hayn islamarkaasna ku guulaystay in uu gabi ahaanba aduunka ka xiro dumarkan iyo caruurtooda isago ugu sheekayn jiray khurafaad iyo janada ayaad galaysaan waxaa waliba intaa dheer isagoo xaasaskaas ku soo rogay sharciyo adag oo ay ku dhaqmaan naagtii jabisana ay la kulmi jirtay ciqaab iyo ganaax adag,waxaana sharcigaas ka mid ah ineysan wada hadlikarin haddi ay hadlaan ay ka hadlaan arimaha jikada iyo cuntada oo qura .

Booliska Isreal ayaa mudo 7 bilood ah ku daba jiray si ay u helaan xogta xeradaas ka jirta una helaan cadeymo u fudedeya qabashada ninkaas, arinkan ayeey ku guleysteen bileyska yuhudu hadana gacanta ku hayaan.

Mid ka mida dumarka uu ninkani xerada ku Ootay ayaa mar la wareysanayey ku hanjabtay in haddii laysku dayo in la dhaawaco Ratzon ama dhib kale loo geysto ay gabi ahaan iyaguna is khaarajin doonan 
 

Booliska ayaa qiray iney la socdeen xerada u ku dhaqmo Mr. Ratzon mudo toban sano ka badan laakiin may moodayn in arinku sidan ahaa .

                                                               Galdogob Times News Desk

 


 

 


 

 

Obama

Full Name: Barack Hussein Obama Jr.
Party: Democratic
Date of Birth: August 4, 1961
Place of Birth: Honolulu, Hawaii
Home: Chicago, Ill.
Campaign Web Site: barackobama.com

Qatar basketball player Khalid Suliman Abdi attempts a pass

Full Story




Powered by Core Design
webhosting