Burcad-Badeed Soomaali Oo Ku Damaashaadeysa 7 Milyan Doolar Oo Ay U Heshay Madaxfurasho PDF Print E-mail
Tuesday, 19 January 2010

Iyagoo Qoslaaya ayaa Kooxaha burcad-badeeda Somalida maalinkii Axada (17/01/10) helay lacag madax-furasho oo lagu qiyaasay inta u dhexeysa 5.5 ilaa 7 milyan oo dollarka Mareykanka ah kadib markii markab ay ku haysteen xeebaha Somaliya u dushiisa dayaarada nooca qumaatiga u kacda  (Helekobter).

Markabka ay burcaddu haysatay oo ahaa mid saliid siday laguna magacaabay "Maran Centaurus" ayaanan wali la sii deynin, waxaana socda qorshihii Ooda looga qaadi lahaa maadaama la bixiyay lacagtii madaxfurasho ee ay burcad-badeedu dalbadeen.

Inta aan lacagta madaxfurashada la bixin ayaa waxaa la soo wariyay in markabkaasi uu ka dhex dhacay isqabsi u dhexeeya kooxaha burcad-badeeda kuwaasoo qaarkood ay ku goodiyeen in ay dab qabad siinayaan gabi ahaan markabkaasi saliida sida waxaana la saadaalinaya in lacgtaas ay dam-daguugan isaga dhigi-doonaan

Markabkaas ayaa la sheegay in ay saaran yihiin 28-shaqaale oo jinsiyado kala duwan leh, isagoona sida 2-milyan oo fuusto saliid ah.

Warkan ku saabsan lacagtan aadka u badan ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyay xubno ka tirsan dowladda Somaliya iyo hor-joogayaasha burcadda markabka qafaashay.

Horay ayaa waxaa loo baxshay lacago madax-furasho, balse midan ayaa noqoneysa tii ugu badneyd ee halmar la siiyo burcad-badeeda Somalida.

                                                                 Galdogob Times News Desk

 

 

 

Obama

Full Name: Barack Hussein Obama Jr.
Party: Democratic
Date of Birth: August 4, 1961
Place of Birth: Honolulu, Hawaii
Home: Chicago, Ill.
Campaign Web Site: barackobama.com

Qatar basketball player Khalid Suliman Abdi attempts a pass

Full Story




Powered by Core Design
webhosting