Al-Shabaab Oo Suuqyo Ugu Magac Daray Saalax Nabhaan Iyo Axmed Gurey PDF Print E-mail
Monday, 25 January 2010

Xarakada Shabaab ee gacanta ku haaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa shaaca ka qaaday in degmadaas ka hirgeliyaan Suuq ay ugu magac dareen Saalax Cali Saalax Nabhaan oo dhowr bilood ka hor ay Mareykanka ku dileen agagaarka degmadaas.

Waaliga wilaayada Alshabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Suuqaas ay ugu magac dareen Saalax Nabhaan oo ka mid ahaa Hogaaamiya Alshabaab, isla markaana horay loogu eedeeyay inuu ku lug lahaa qaraxyadii loo geystay Safaaradihii Mareykanka ku lahaa Darasalaam iyo Nairobi.

Sidoo kale Waaligan ayaa sheegay Suuq kale ay ugu magac dareen Halgamihii Soomaaliyed Axmed Gurey, inkastoo aanay bayaanin shabaabka halka suuqaas ay u asteeyeen, hadana Suuqa loogu magaca daray Saalax Nabhaan ayaa ah mid ku yaal Bartamaha Magaalada.

Dadka qaar ayaa layaab ku noqotay ficilada cusub ee Shabaab, ee ku aadan magacyada dadka qaarkiis oo halganka soomaali aan shaqo ku lahayen, waxaana kol hore ay xaafadaha Magaalada Baydhabo u bixiyeen magacyo Hogaamiyeyaasha Al-Qaacida, gaar ahaan magaca Abuu Muscab Al-Zarqaawi oo ahaa Hogaamiyihii Al-Qaacida ee Dalka Ciraaq lagu dilay.

Afhayeenka Shabaab Cali Dheere ayaa maalmo ka hor sheegay in ay la joogaan dagaalyahano Ajaaniib ah oo dhinaca Yemen uga yimid, iyadoo sidoo kalena Afhayeenkii hore ee Alshabaab Mukhtaar Roobow uu sheegay in Calan aan aheyn midka Madow aan laga taageyn Soomaaliya, taasoo dadka soomaaliyed fajiciso ku noqday, waxaana laga yaabaa in dadka soomaaliyed ay waayaan dal ay sheegtaan marka loo eego halka ay Shabaabku ku wadaan dalka.

                                                          Galdogob Times News Desk

 


 

 

Obama

Full Name: Barack Hussein Obama Jr.
Party: Democratic
Date of Birth: August 4, 1961
Place of Birth: Honolulu, Hawaii
Home: Chicago, Ill.
Campaign Web Site: barackobama.com

Qatar basketball player Khalid Suliman Abdi attempts a pass

Full Story




Powered by Core Design
webhosting