Wixi Aadamigu Dhigto Buugey Ugu Taal..US Oo 6000 Somali ka Soo Qaaday Xero Qaxooti Oo Ku Taal Uganda PDF Print E-mail
Wednesday, 27 January 2010

Dowladda Maraykanka ayaa waxaa ay dalka Uganda ka qaaday maalinimadi shalay ila iyo maanta Qaxootigi Soomaaliyeed ugu badnaa ay ka dhoofiso qaaradda Afrika.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda UNHCR ayaa xaqiijiyey ila iyo 5,800-qaxooti Soomaaliyeed laga qaaday xero qaxooti oo ku taala dalka Uganda oo lagu magacaabo Nakivale taas oo hoos tagta degmadda Isingiro ee Galbeedka dalkaas.

Prosy Katura oo ka tirsan Xafiiska UNHCR ee laanteeda badbaadada ayaa sheegay in sababta ka dambeysay in qaxootigaan Soomaaliyeed loo qaado dalka Maraykanka ay tahay ka dib markii ay la qabsan waayeen jawiga ay degaanka ku sugnaayeen.

Waxaana uu hadalkii ku daray in la su’aalay Soomaalida oo baaritaan dheer la marsiiyey,si aysan xirrir ula lahayn kooxaha mucaaradka ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Safiirka dalka Jarmalka ee Uganda Reinhard Buchholz ayaa isna dhowaan booqday xerada qaxootigaas dadka laga daadgureeyey,waxaana uu khudbad ujeediyey Soomaalida qaxootiga halkaas ku sugan oo uu kaga hadlay xaaladda maanta dalka Soomaaliya Waxaana uu sheegay in uu aad uga xunyahay dagaaladda aan dhamaadka lahayn ee ka socda Soomaaliya.

Ugu dambeynti diyaaraddo ay iska leedahay Dowladda Maraykanka ayaa bilawday in ay qaadaan qaxootigaan Soomaaliyeed,iyadoo magen galyo ay si rasmi ah ugu deeqday Xukuumadda uu hogaamiyo Brack Husein Obama.

                                                        galdogob Times News Desk

 

 

Obama

Full Name: Barack Hussein Obama Jr.
Party: Democratic
Date of Birth: August 4, 1961
Place of Birth: Honolulu, Hawaii
Home: Chicago, Ill.
Campaign Web Site: barackobama.com

Qatar basketball player Khalid Suliman Abdi attempts a pass

Full Story




Powered by Core Design
webhosting