Odayga Ugu Taajirsan Itoobiya Oo Gabadhiisa Qaxootinimo Isaga Dhiibtay Dalka Ingiriiska PDF Print E-mail
Saturday, 30 January 2010

London - Ninka ugu taajirsan dalka Itoobiya, Sheekh Maxamed Al Amoudi, ayey gabadhiisa oo la yiraahdo Sahra Sheekh Maxamed Al Amoudi, iska dhiibtay dalka Ingriiska. Sahro ayaa dacwadeedi isdhiibista waxey sheegatay inay ka soo carartay nin duq ah oo ka tirsan boqortooyada Sacuudiga oo aabaheed uu u guuriyey.

Sheekh Maxamed Al Amoudi ayaa ah ninka 43-aad ee aduunka ugu taajirsan, waxaana lacagtiisa lagu qiyaasaa $9 billion oo dollarka Mareykanka ah. Sheekha ayaa waxaa iska dhalay Sacuudiyan iyo Itoobiyan.

Sheekh Maxamed ayaa warshado, hotello iyo hanti kale ku kala leh dalal ay kamid yihiin Itoobiya, Sweden, iyo Ingriiska. Sheekha ayaa dhawaan lacag $1 million ah ku sadaqeystay hay'ad uu madax ka yahay madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka, Bill Clinton, taasoo la yiraado Clinton Foundation.

Sahro ayaa laanta socdaalka ee dalka Ingriiska u sheegtay inay ka dhuumaneyso aabaheed, maadaama ay ka soo carartay odaygii uu u guuriyey, waxeyna sheegtay in ninkaas la siiyey iyadoo 13 jir ah.

Sahra ayaa codsatay inaanan aabaheed loo sheegin meesha ay ka joogto magaalada London ee cariga Ingriiska, waxeyna ku adkeysatay in haddii dib loogu celiyo odaygii ay kasoo carartay, oo dagan magaalada Jidda, dhagax lagu dili doono.

                                                           Galdogob Times News Desk 

 

 

Obama

Full Name: Barack Hussein Obama Jr.
Party: Democratic
Date of Birth: August 4, 1961
Place of Birth: Honolulu, Hawaii
Home: Chicago, Ill.
Campaign Web Site: barackobama.com

Qatar basketball player Khalid Suliman Abdi attempts a pass

Full Story




Powered by Core Design
webhosting