|
Maamulkii iyo Wax-qabadkii Arlada Punt-land Oo Laga Mashiiqsaday Lala Ambaday ... Iyo Qurba Joogta Dhallinyarada Beesha Tanadae/ lelkase Oo Qamqaamo Ugu Jirta Iney Carigaas U Diraan Guddi Xaqiiqo Raadis Ah Oo Soo Baara Cabashada Bulshadooda.
----------------------------------------------------------------
Garowe-Boosaaso- Gaalkacyo : Wararka Iyo Warbixinada ka imaanaya The Land of Punt maqalka ka soo yeeraya waa wax laga mashiiqsado waa great pain and sorrow which causes a broken heart and soul ... waxaa ka jira ayaa la leeyahay qas iyo dayax weerar iyo qabyaalad baar firatay aan cidna ka gabaneyn oo harka cad xarago la tiiceysa dariiqana lugeyneysa...masuullinti xilka ummada Qaaday mid dal, mid duunyo iyo mid maamul dawladeed oo qaflan-baaban noqday xilkoodina la ambaday ... inti geedka garta laga ilaalin jiray ayaa xilkii ummada u cumaamadan ... waxaa isa soo gabtay wixii madadaalo, mala-awaal, been la qurxiyey oo loo yeelo sawir ka macaan runta iyo raad qoyan musuq oo la dado.
Waxaa la tilmaamaya in beelaha degaanka mandiqadaas ay ka cabanayaan arimo afka ka weyn sida eex-qabyaaladeed nabadgalyo xumo, shaqo la'aan iyo adeegi bulshada oo gabi ahaanba meesha ka maqan waxaaba intaa si dheer bulshada beelaha qaarkood sida Tanade/lelkase oo dareenkoodu yahay in baaqi Punt-land isu badalay in reero Soomaali dhinac loo takooro iyagoo qoslayana la rabo in xabaasha lagu rido, madax xafis iska daaye bal eeg hayb dhan oo qofna shaqo caadi ah uga foofeyn, lagana dhaga la'aado xuquuqdooda si xumaaneysa taaso sida ay sheegeen ku noqotay yaab iyo af kala qaad iyo ka daro dibi dhal iyo waxaan loo fadhin oo lala yimaado ... Waxaaba amuurta si murigeeyey ayey yiraahdeen Shiikha Maamulka beelweynta Punt-land horfadhiya oo ku magac dheer faroole uu horay u yiri dadku waxay sheegayaan dhag u dhigi maayo ee haddaad tihiin reer Punt-landow dhaha waxaad doontaan iyo bal maad noqotaan dhadhaab iyo dhagax dixiid aan dhoola qosol cadeeye ayaa laga sheegay, taaso micneheedu yahay ma rabo inaan ogaado waxa baahidiinu tahay iyo yaan la ii la imaan ee meelaha ku buuq-buuqa.
Waxay intaa sii raaciyeen oo yiraahdeen waxaa lagu khaldamay waqtina nooga lumay wajiyaal isu kaayo badalaya oo aan waxba soo wadin balse si bareer ah loo cadeystay inaan cabashada bulshada reerkaan la dhagesaniin oo ay sidaas ku rabaan in khasab loogu faruur xirto iyagoo canshuurti agoonta qalin ku xadaya kana baqeyn qaantooda oo sida Qu'raanku sheegay aan kheyr ka macaashi-doonin
Bashiir Kaptan-Saciid Ina Cadaawe oo ku magac dheer Bashiir Jaqaf ... Naaneysta Jaqafku ka raacday marku goob shir ka yiri " Waxaan Jaqaf , maacuun , dhar-calalo haysano intaan iibino aan Hub Siisano" ayaan wax ka sii weydiinay cabashada ka taagan arlada Punt-land iyo saameynta ay ku leedahay bulshada gaar ahaan u ka soo jeedo ee lelkase.
" Kaadi badane waa loo gogol-badshaa ayuu yiri waase illa goorma inta la sugaya in laga qalajiyo khasaaraha ku dhacay gogosha taaso ah dhibta beesha ku timi " Cadaalad darada" waxuu ku daray oo yiri: sida muuqata ruuxaan faroole sidi la moodaayey muusan noqon sidaa darteed ma yeelikarno haddi aanu nahay kuwi arlada u dhashay mana na anfaceyso ceynkaas oo waa iney jiraan wax lagu dhaqaaqo marka ay ku haboontahay si loogu cibaaro qaato oo la tuso maah-maahdi ahayd " tab-hayoow lagaa tab--hayaa" oo indhihiisoo shan ah qaadno talabo waqtigey ku haboontahay mana cataabeyno balse waa miciyo adeegeynaa, hayb ahaana dhaqan uma lihin hurinta dagaal laysku qiro beelo oo halyey baan u nahay nabada kuna hagoogana , waxuuse Bashiir intaa ku daray isagoo la dardaarmaya dhalnyarada daacada ah ee daadihineysa kumunitigooda inaan lagu dagdagin talaabooyinka ku saleysan caadifooyinka iyo hayb si mutaxan farta loogu godo ... waa la ogyahay talo aan la wada ruugin inaan roob ku hoorayn , lana iska ilaaliyo hadalada naxliga iyo miisaanka lahayn ee sokeeyuhu ku kala Edoobi-karo ... waxaa la yiri; farsamo xumo futada cankeeda ayey ku goysaa. waxaa kalo dhalinyaradaas uu ka sii codsaday in ay lahaadaan awood xeeladeed ay ku ciyaari-karaan geemamka siyaasadeed ee ka socda arladaas.
Mar aan dib su'aal ugu celiyey talaabada waxa ay noqonkarto waxuu Bashiir carabka ku dhuftay iney hadda beesha dhexdeeda ka socoto kulamo iyo ray' iswedaarsi lagu gorfeynaayo in mandiqada loo diro guddi xaqiiqo raadis ah oo carigaas ka keena warbixin dhab ah oo talaabadi la qaadi lahaa ee turxaan iyo samaan wixii dhacay laga tixraacayo, waxuuna si gaar ah ugu hambalyeynaya fikirkaan dadka la qaba oo aan la soo koobi karin.
Mr. Bashiir Jaqaf Oo Aan Su'aal Kale U Gudbinay Ayaan Ku Weydiinay Kaalinta Ay Ku Lahaan Karaan Beeshiisa Dibu Dhaca Ka Jira Horumarka Bulshada Oo Sabab Looga Dhigayo Midnimo La'aan ?
Bashiir oo arintaa jawaab ka bixinaya waxuu Yiri; Taariikhda aan barano iyada ina tusineysa sida saxda ah ... taariikhdu dadkay bartaa in ay dantooda gartaan, oo taariikhdu nina ma diido nina ma doono ... haddi aad maanta is tiraahdo taariikhda sida aad jeceshay u sheeg ma u dhigmeyso ... cala ay xaal taariikhiyan ummad kasta waa leedahay nin halyey ah iyo mid walaal ah oo doorsooma, ruux Alle yaqaana iyo nin aayadaha diiday, koleyba isir walaalo Ood wada yaal laga ma weynaayo khilaaf argtiyeed oo garta iyo shirarka marka loo fadhiyo rag daneystaa ama daalimiin sunta nool daadiya jiri-kara , waxaa jira kuwa loo yaqaan naas-jiid, lug-jiid iyo anfac-jiid intaaba bulsho beeled kasta waa laga dhex helaya, laakiin inta badan ayaa markasta wax jiheysa oo ugu dambeysta la raaca ... waan ku tala jirnaa in wixii mad-madow aragti ah oo reerka rag qaarkiis ku kala maqanyihiin inaan isu soo dhaweyno oo arintaa lafteeda ayaan guddi u saarnay ayuu yiri Bashiir.
Mar kale ayaan Bashiir Jaqaf waxaan weydiiyey su'aal la xariirta aragtidiisa sida ugu haboon ee maamulka Punt-land u ku xalin karo shaqaaqada jirta kuna kasbankaro bulsha weynta arladaas? waxuu ku jawaabay oo yiri: Dal waxuu horumar gaara markii ay dadkiisu ka shaqeystaan kuna qanacsanyihiin ku noolaashaha dalkooda hooyo, si taas loo helana waxaa loo baahanyahay in la xoojiyo dareenka wadaniyeed ee qofka wadaniga, waxaa kalo loo baahanyahay in danta guud laga horeysiiyo danta gaar ahaaned ama qabyaaladeed oo laga tago qorshaha qolo qolada ... horumarka la doonayo iyo xalinta mashaakilka jira inu dalku gaaro waxay ku xirantahay sida kolba loo helo hogaamiyaal leh dareen wadaniyad xoogan oo ku fakari-kara qorshaha horumarineed ee arladu u baahantahay, waxaase hubaal ah ayuu yiri Bashiir haddi la helo qorshahaas wanaagsan oo cadaalad iyo fikir dheer la galiyo iyo maskax badan wey adkaandoontaa fulinta qorshahaas haddaan la helin shakhsiyaad wadaniyad xoogan leh oo meesha laga saarin caleemo saarka dalaaliinta iyo hargoolayaasha hunguri aan xishooneyn raacdeysanaya.
Bashiir Jaqaf oo warkiisa fariin u raacshay Shiikh Cabdiramaan faroole waxuu Yiri waxaan ahay nin arkaya ulajeedo haboowday, hagista dariiqa toosan nina haybad kama doono ee yey reer hebel difaaciisa hoodaamo kugu noqon oo ha qaadan talo aan shaqeyn-doonin oo ku saleysan nin jecleysi iyo maskaxda reerka ayaan raacay ogoowna shiikhow xaqiiqo la cufeeyey mar uun buu daah ka cadaane ... hoy cadalada ku hagoogo.
Goldogob Times News Desk
|