Qareeno Loo Sameynayo Xayawaanka la Dhaqdo Oo Ka Mid Ah Doofaarka Iyo Kaluunka PDF Print E-mail
Tuesday, 02 February 2010

Dalka Switzerland ayaa laga qaban doona Bisha soo socota Afti dadweyne oo dadka lagu waydiinayo inay ogolaadan ama diidaan sharci cusub oo u fasaxaya xayawaanka la dhaqdo inay Qareen ku yeelan karaan Maxkamadaha.

Dalka Swiss oo dhawaan badalay dastuurka dalkaas oo lagu daray in la difaaco xuquuqda iyo waxa loogu yeeray Sharafta xayawaanka ayaa la ogolaaday sanadkii hore kaas oo xuquuq siinaya dhamaan wixi nool laga soo bilaabo doofaarka ilaa kaluunka.

haddii dadka reer Swiss ansixiyaan aftidan bisha March laga qaadayo waxa ku khasab ah Maamulkasta oo ka tirsan Degmooyinka Swiss inay u sameeyaan Qareen matala Xayawaanka la dhaqdo ee guryaha la geysto iyo kuwa beeraha lagu haystaba si looga difaaco in lagu xadgudbo.

Beeralayda Dalka Swiss iyo Xukuumada dalkaas ayaa si weyn uga soo horjeeda in aftidan ay dadweynuhu ansixiyaan.
 

Haddiii la Ansixiyo Sharcigan cusub wuxu Swiss ka dhigayaa dalkii ugu horeeyey ee Qareen u sameeya Xayawaanka iyadoo uu waliba noqonayo dalkii ugu horeeyey ee sharci noocaas ah ansixiya

                                                              Galdogob Times News Desk
 


 

 

Obama

Full Name: Barack Hussein Obama Jr.
Party: Democratic
Date of Birth: August 4, 1961
Place of Birth: Honolulu, Hawaii
Home: Chicago, Ill.
Campaign Web Site: barackobama.com

Qatar basketball player Khalid Suliman Abdi attempts a pass

Full Story




Powered by Core Design
webhosting