|
Qurbacyo Geela Laga Keenay Degaanada Galdogob Oo La Kala Siistay 10 Malyuun Dirham |
|
|
|
|
Thursday, 04 February 2010 |
|
Hasha Ma Aha Hashi Nabi Saalax, laakiin Nin u dhashay dalka isutaga imaaraadka Carabta ayaa ku iibsaday Hal 10 malyuun oo dirham kadib markay ka qayb gashay tartan-mehrajaan oo ka dhacay magaalada Dafra ee carigaas, taaso noqotay hashi ugu qaalisaneyd ee soo marta aduunyada.
Dadkii ka soo qayb galay tartankaa mihrajaanka ayaa isku raacay in hashaasi tahay tan caalamka ugu qaalisan uguna quruxsan
Sayid Xamad bin Karduus oo ah ninka maamula Tartanka-mehrajaanka ayaa carabka ku dhuftay in ninka u dhashay Imaaraadka carabta Oo magaciisa la yiraahdo Xamdaan bin Qaanim Al- Falaxi uu iibsaday 3 Halaad oo qiimaheedu yahay 24 malyuun oo dirham isagoo mid ka mid ah ku iibsaday 10 malyuun halka tan Labaad uu sistay 9 malyuun dirham iyo tan Sadexaad uu sistay 5 malyuun dirham.
Ninkaan ayaa la sheegaya inu horay u iibsaday Geel qiimihiisu yahay 32 malyuu oo dirham waxaana ay sheegeen Soomaali halkas imaaraadka degan in isirka Geelaas qiimaha badan u asal ahaan ka yimi Halo laga soo iibsaday qoysas reer Xirsi Muumin oo Geel ku raacda degaanada Galdogob logana soo iibsaday qiimo jaban, waxaana dhici karta haddi ay gar dhigtaan qareena qabsadaan Lana helo DNA-da geelaas waxuun baa loo celin-doono ay ku qoordid-sadaan
Maxmuud X. Cali "Canbar"- imaaraadka Carabta Abudhabi
Galdogob Times News Desk |