|
iiraan Ayaa goodin iyo micyo-lisasho maalma-haan isku cajabisey kuna hamineysa iney reer galbeedka dacar leefsiiso oo waliba ay rabto iney dood iyo digasho u raaciso.
Wararka iyo xogta la helay ayaa sheegaya in iiraan ay dhawaan heleyso gantaalo difaac nooca S-300 arinkaas oo la xusay in masiixiyiinta rer galbeedku neerfuhu ku kacay maqsuud ka noqonin sawaariikhdaas lagu soo daadgureynaayo carigaas iiraan ... waxaana Safiirka Iran u fadhiya Ruushka uu sheegay in xukuumada Moscow ay balan qaaday inay Iran si dhaqso ah uga iibiso Gantaalaha Difaaca ee S-300 soona gaarsin-doonto bilaha soo socda.
" Iran xumaan iyo shido iyo duulaan kama hesho mana rabto haddaan lagu khasbin waana waxa ay aaminsantahay waxayse diyaar u tahay iney hesho hab difaaca oo horay saaxiibadayada Ruushku noo balan qaaday oo ay fulin doonan heshiiska" ayuu yiri Seyyed Mahmoud-Reza oo ah Safiirka Iran u fadhiya Moscow.
Safiirka ayaa sheegay iney horay u jireen caqabooyin dhinaca farsamo oo hakad galiyey shaxnada hubkaas,waxaana rajeeynaya in ciiryaamadaas heshiiska galay dhawaan la soo af jari-doono" ayuu ku daray safiirku
Gantaalaha Difaaca ee S-300 wuxu awood u leeyahay inuu 120 Km wax ka ogaan-karo kana qarxin karo diyaaradaha Dagaalka, waxana intaa u dheer awood uu hal mar ku toogan karo 100 Goobood kala duwan oo Yool ah " target"
Ruushka iyo Iran ayaa horay u kala saxiixday heshiiska la xariira gantaalaha Difaaca hasa ahaate muddo badan ayaa reer galbeedka hortaagnaayeen heshiiskaas inusan hirgalin taaso dawlada Ruushka dhinaceeda u muuqatay kuwa ka cagajiidahayey gantaalahaas iney u gudbiso iiraaniyiinta iyado ka cabsi qabta in reer galbeedku ka caroodo laakin hadda lama garankaro waxa aragtideedi badalay oo ay hubkaas uga gadeyso iiraan.
Galdogob Times News Desk
Galdogob Times News Desk
|