|
Al-Shabaab Oo Arax-Jab Ku Noqotay Marku Go'ay Xiriirkoodi Soomaalida Ameerika-FBI Said |
|
|
|
|
Saturday, 13 February 2010 |
|
Sarkaal ka tirsan hay’adda FBI da Mareykanka oo lagu magacaabo Ralph Boelter ayaa waxaa uu sheegay xilli uu saxaafadda kula hadlay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka in bilihi ugu dambeeyay baaritaano ay sameeyeen ay ku ogaadeen inuu yaraaday xiriirka u dhaxeeya dadka Somalida ah ee ku nool dalka Mareykanka iyo Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab waxaana uu sheegay in baaritano ay ku sameeyen Talephono Somalia laga diray iyo fariimaha E-Mail-ka ay ku ogaadeen inuu aad u yaraaday xiriirka u dhaxeeya Somalida Mareytkanka degen iyo Mas’uuliyiinta dhaq-dhaqaaqa Mujaahidiinta Al-Shabab ee Somalia ka dagaalama.
Ralph Boelter waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in hay’adaha sirdoonku ay baartiaano ku hayeen dad looga shakisanyahay inay xiriir dhaw la leeyihiin xoogaga muqaawamo ee Somalia ka dagaala ee sida weyna u diidan joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka Somalia jooga iyo siyaasadda xukuumada KMGS.
Sarkaan FBI, da Mareykanka u hadlay waxaa uu sheegay inay hadda gacanta ku hayaan baritaano ku aadan ciida sida rasmiga ah uga dambeysay dhalinyaro 20 ruux gaareysa oo Somalia yimid kadibna ka garab dagaalamay dagaalyahanada Shabaabul Mujaahidiin, waxaana lo heysta inay tababaren dhalinyaro Somali ah oo Mareykanka ku noola kadibna ay u soo duuliyeen dalka Somalia si uga qeyb qataan dagaaladii lagula jiray ciidamadii Ethiopian ka ahaa ee sanadkii hore dalka iskaga baxay, waxana uu tilmaamay dhawaan maxkamad la soo taagi doono ku dhawaad 14 ruux oo eedeysanayaal ah.
Qaar ka mid ah dhalinyaradaasi la aaminsan yahay inay Mareykanka ka yimaadeen ayaa waxaa la sheegay in qaarkood ay Somalia ka geysteen falal is qarxin ah halka kuwo kale ay ku naf waayeen dagaalo magaalada Muqdisho ka dhacay.
Waa markii ugu horeysay oo Mareykanku sheego inuu is dhimay xiriirika ay ku sheegeen inuu dhex mari jiray dadka Somaliada ah ee Mareykanka ku nool iyo dhaq-dhaqaayada Islamiyiinta ah ee Somalia ka dagaalama.
Galdogob Times News Desk
|
|

Full Name: Barack Hussein Obama Jr. Party: Democratic Date of Birth: August 4, 1961 Place of Birth: Honolulu, Hawaii Home: Chicago, Ill. Campaign Web Site: barackobama.com

Qatar basketball player Khalid Suliman Abdi attempts a pass Full Story
|