|
Madaxda Itoobiya Oo Ka Walbahaarsan Korontada Dalka Ka Maqan |
|
|
|
|
Thursday, 18 February 2010 |
|
Addis Ababa - Guud ahaan dalka Itoobiya ayaa waxaa soo wajahday xaalad koronto la'aan oo aad u daran taasoo oo ka danbeysay dumistii ku timid biyo xireenkii Gilgel Gibe , oo isbuucyadii la soo dhaafay ahaa meesha korontada ugu badan ee ay ka hesho dalka Itoobiya.
Magaalada Addis Ababa ayaa inteeda badan habeennadan mugdi ah, koronto la'aan darteed.
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee dowladda dhexe ee Itoobiya, Alemayehu Tegenu, oo u waramayey warbaahinta ayaa dhawaan sheegay inay dowladda Itoobiya xirtay biyo xireenkii Gilgel Gibe, kadib markuu qeyb ahaan dumay.
Warshadaha ugu waaweyn dalka Itoobiya ayaa fariistay, iyadoo ay dowladda dhexe amar ku bixisay in kala-bar korontadii ay isticmaalayeen dhimaan guud ahaan warshadaha dalka.
Dowladda ayaa ku dhawaaqday inay dib-u-dhis degdeg ah ku sameyn doonto biyo xidheenkan, waxaana suurogal ah inay qaadato dhowr billood iyo waliba milayin dollar.
Galdogob Times News Desk
|