Shirkadaha Batroolka Wax Ka Baara Punt-land Oo 2 Malyan Doolar Ku Wareejineysa Xukuumada Garoowe PDF Print E-mail
Tuesday, 23 February 2010

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lacag gaaraysa 2 million oo dollarka Maraykanka ah ay shirkadaha baaritaanka shidaalka ka wada Puntland ay ku wareejiyaan Dowlada Puntland.

Dhaqaalahan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay heshiis dhawaan ay wada gaareen Dowlada Puntland iyo Shirkadaha shisheeye ee baaritaanka Batroolka ka wada qeybo kamid ah deegaanada Puntland.

Wararka kasoo baxaya xubno ku dhaw dhaw shirkada ayaa sheegaya in lagu wado in dhaqaalaha ay bixinayaan shirkadahan ay qeyb ka noqon doonto dhaqaalaha ay ku kabaan dowlada Puntland, sida horey ugu qorneyd heshiisyadii dhexmaray maamulka iyo shirkadaha.

Mas’uuliyiin ka socota shirkada African Oil iyo xubnaha ku dhaw dhaw ayaa lagu soo waramayaa in todobaadyadii lasoo dhaafay magaalada Dubai kula kulmayeen xubno ka socda Dowlada Puntland, ayadoo lagu wado dhawaan in dhaqaalahan dowlad lagu wareejiyo.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa asagu muddooyinkii lasoo dhaafay safar ku joogay magaalada Dubai ee dalka Isutaga Emaaraadka Carabta.

Dowlada Puntland iyo Shirkada African oil ayaa 8dii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2009 heshiis horleh ku cusbooneysiiyey heshiiskii baaritaanka ee horey u wada saxiixdeen Dowlada Puntland iyo shirkada hawlaha baaritaanka macdanta iyo shidaalka wada, xiligaasi ayey shirkadu sidoo kale bixiyeen lacag gaareysa boqol kun oo dollarka Maraykanka ah ($100.000.00)

Wariye isku dayday inu xiriir kala sameyso Hay’ada Batroolka iyo macdanta iyo Dowlada Puntland ayaysan u suurtoobin in wax jawaab ah ka helo mas’uuliyiinta dowlada ee ku aadan qorshaha cusub ee lagu wado in shirkadaha ku bixiyaan dhaqaalaha si ay dib ugu bilaabaan hawlihii ay ka wadeen deegaanada Puntland.

Shirkada African Oil ayaa sheegtay inay dhawaan dib u bilaabi doonto hawlihii baaritaanka shidaalka oo ay ka waday gobalka Bari ee Puntland. 

Shirkadaha Baaritaanada ka wada deegaanada Puntland ayaa horey u sheegtay inay bixiyeen lacag ka badan 10 million oo dollarka Maraykanka ah dhaqaalahaasi oo horey loo siiyey xukuumadii Puntland ee hore, ayadoo sidoo kale ay sheegtay inay bixineyso dhaqaale kale oo ku aadan dhanka mashaariicda horumarinta deegaanada Puntland. Hase yeeshee waxaa jiray marar badan oo lagu dhaliilay Xukuumada in dhaqaalahaasi aan sidii la rabay loo maareyn ayadoo aysana dhaqaalahaasi ka muuqan deegaanada Puntland

                                                       Galdogob Times News Desk


 

 

Obama

Full Name: Barack Hussein Obama Jr.
Party: Democratic
Date of Birth: August 4, 1961
Place of Birth: Honolulu, Hawaii
Home: Chicago, Ill.
Campaign Web Site: barackobama.com

Qatar basketball player Khalid Suliman Abdi attempts a pass

Full Story




Powered by Core Design
webhosting