|
Lacgtu Aruursaday Intii Uu Noolaa Oo Naagtiisi Kudaafada Uga Tuurtay Iyadon Garaneyn. By M. Gaabiye |
|
|
|
|
Thursday, 25 February 2010 |
|
Haweenay u dhalatay dalka Roomaaniya ayaa si qalad ah uugu riday lacagtii uu ninkeedu urursanayay mudo dheer gudaafada markii ay olole nadaafadeed ku qaaday gurigeeda intaanay soo gelin ciida kirismaasku .
Hadaba ninka ayaa ku qariyay lacag dhan 40,000 oo Yuru ah Kab baali ah oo ay lahayd xaaskiisu oo qoor dheer lahayd isagoon u sheegin iyada , in yar ka hor intaanay soo gelin ciida chrismaasku ayay xaaskii ka faaiidaysatay maqnaashaha ninkeeda oo markaa gurigii olele nadaafadeed ku qaaday.markaasay raacisay Kabtii uu ninkeedu lacagta ku qarsan jiray gudaaheeda iyadoon eegin waxa ku hoos jira, markii ninkii yimi ee uu ogaaday in kabtii gudaafadii raacday ayuu booliiska u sheegay arinkii .
Kadib markii booliisku arinkii ay u kuur galeen, waxay ogaadeen in naag 54 jir ah ay heshay kabtii lacagtu ku jirtay, laakiinse booliiskii oo baarista Ku raagay ayaa sababtay in naagtii ay lacagtii guri ku iibsatay 22,000 oo Yuru ah, waxaanu booliisku ka soo celiyeen 11,000 oo yuru , 7,000 kun ee hartayna hadda ay ku guda jiraan sidii ay u ogaan lahaayeen halkay ku danbeeyeen .
Galdogob Times News Desk
|