Dadka Qabatima Isticmaalka Internet-ka " internet addict" Oo Loo Furay Isbitaal Gaar Ah PDF Print E-mail
Monday, 01 March 2010

Iyadoo uu sare u sii kacayo isticmaalka Inernet-ka ee dunida isla markaana qarnigan uu yahay qarnigii Technolegy-da casriga ah ayaa hadana waxaa soo baxaya saameyn xoogan oo uu ku yeeshay Internet-ku nolasha malaayiin qof oo dunida ku dhaqan.

Magaalada Roma ee caasimada dalka Talyaaniga ayaa noqotey magaaladii ugu horeysy ee qaarada Yurub laga sameeyo xarun gaar ah oo lagu daaweeyo dadka aadka u qabatima isticmaalka Internet-ka.

Isbitaalka caanka ah ee Policlinico Gemelli oo ku yaal magalada Roma ayaa laga sameeyey qayb caafimaad oo gaar u ah dadka qabatima Isticmaalka Internet-ka, kuwaasi oo si ka baxsan xadka loogu tala galay u adeegsada Internet-ka.

Lucio D’Alessandris oo ah psychologist ka hawlgala xaruntaasi daaweynta dadka sida xad dhaafka ah u isticmaala Internet-ka ayaa sheegay in badi dadkaasi ay u badan yihiin dad dhalinyaro ah oo waqti aad u badan galiya isticmaalka Internet-ka, kuwaasi oo loogu magac daray (Internet Addict), waxaana uu sheegay in dadkaasi ay u badan yihiin kuwa psychology ahaan u baahan in la daaweeyo.

Gemelli waa xarunta caafimaad ee ugu weyn magaalada Roma waxaana ka mid ahaa dadkii lagu daaweyn jirey Isbitaalkaasi loo sameeyey qaybta gaarka ah ee dadka qabatima Internet-ka Baadarigii hore ee Madhabta Catholic-ga ee Kirishtaanka Pop John Poul-kii geeriyoodey.

“Xad ka baxsanaanta isticmaalka Internet-ka waxay noqotey mid aad sare ugu sii kacaysa, waxaana ugu badan dhalinyarada, kuwa badan oo ka mid ah waa dad xanuunsan oo qaba cuduro nafsaani ah, lama hadlaan dadka dariskooda ah, banaanka si dhib ah ayay ugu baxaan ama u aadaan, waxaana habeenkii oo dhan ay ku jiraan wadasheeysi (Chating) ay kula hadlayaan asxaabtooda” ayuu yiri Lucio.

Xarumo caafimaad oo ku kala yaal Mareykanka, Jabaan iyo Shiinaha ayaa horey u sameeyey qaybo gaar ah oo loogu tala galay dadka qabatima isticmaalka Internet-ka.

Facebook ayaa noqdey aalada dhanka Internet-ka ugu badan ee dunida ugu balaaran ee xiriirka dadweynaha, waxaana war laga soo saarey isbitaalka Roma ee dadka qabatima isticmaalka Internet-ka lagu sheegay in Facebook uu dadka ku leeyahah saameyn qabatin.

                                                       Galdogob Times News Desk

 

Obama

Full Name: Barack Hussein Obama Jr.
Party: Democratic
Date of Birth: August 4, 1961
Place of Birth: Honolulu, Hawaii
Home: Chicago, Ill.
Campaign Web Site: barackobama.com

Qatar basketball player Khalid Suliman Abdi attempts a pass

Full Story




Powered by Core Design
webhosting