|
Madaxweyne C/raxmaan Faroole Oo Magacaawday Wasiiro Shaqo Kula Dhabar Jaba .. Dhuuni Kula Joogin |
|
|
|
|
Tuesday, 02 March 2010 |
|
Garoowe : Sida la sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxtooyada oo ku saxiixanyahay madaxweyne dawlad Goboleedka Punt-land Dr. Cabdiraxman Sh. Maxamed Maxamuud ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golahiisa xukuumada, iyadoo sida ka muuqata qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa Qaar ka mid ah Wasiiradiisii xilka laga qaaday,wuxuuna ku badalay Wasiiro kale oo qaarkood qurba joog yihiin oo ay ka mid yihiin Prof C/qaadir Cabdi Xaashi "Gaabane" iyo Dr. Cabdi-khalif xaaji xassan "Ajaayo"
1-Yuusuf Axmad Kheyr Wasiirka Amniga 2-Cali Yuusuf Cali Xoosh Wasiir ku Xigeeenka Wasaarada Amniga 3-Dr,Daaud Maxamad Cumar Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga 4-Prof C/qadir Cabdi Xaashi Wasiiru Dowlaha Wasarada Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga 5-C/risaaq Yuusuf Cilmi Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga. 6-Saciid Maxamad Raage Wasiirka Wasaarada Dekadaha & Gaadiidka Bada 9-Dr Cali C/lahi Warsame Wasiirka Caafimaadka 10-C/khaliif Xaaji Xasan Aw Axmad Wasiirka Wasaarada Cadaalada & Dhaqan Celinta 11-Cabdi Yaasiin Xirsi Wasiir ku Xigeenka 1aad Wasaarada Arimaha Gudaha 12-C/risaaq Maxamad Ismaaciil Wasiir ku Xigeenka 2aad Wasaarada Arimaha Gudaha 13-C/shakuur Mire Aadan Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Hawlaha guud & Gaadiidka. 14-C/qadir Muuse Yuusuf Wasiir ku Xigeenka 1aad Wasaarada Kaluumeysiga 15-Maxamad C/laahi Saalax Wasiir ku Xigeenka 2aad Wasaarada Kaluumeysiga 16-Saynab Ugaas Yaasin Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Haweynka & Arimaha Qoyska 17-Cali Axmad Gamuuje Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada 18-C/Qani Salaad Yuusuf Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Hidha & Dhaqanka 19-Maxamuud Maxamad Sh Ibraahim Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Beeraha & Waraabka.
Sidoo kale waxaa Digreetada Madaxweynuhu lagu sheegey cida xilalkoodii wayday oo kala ahaa Wasiiradan:- 1- Cabdulaahi Saciid Samatar. 2-C/risaaq Yaasiin abdule Geesood 3-C/laahi Cali Xirsi 4-Faarax Aadan Dhalac 5-C/risaaq Xuseen Gaceyte 6-C/xakiin Faarax Cali 7-Dr Bashiir Cali Biixi 8-Xaliimo Maxamud Maxamad.
Isbadalkaas Inta badan dadweynaha Punt-land sida durbaba laga soo wariyey wax dareen badan kama muuqan,waxaana loo arkay qof qof ku badal ineysan wax isbadal ah keyneyn inta maamulka u ku saleysanyahay qabyaalad oo kala dambeynti sharciga meesha ka maqantahay.
Galdogob Times News Desk
|
|

Full Name: Barack Hussein Obama Jr. Party: Democratic Date of Birth: August 4, 1961 Place of Birth: Honolulu, Hawaii Home: Chicago, Ill. Campaign Web Site: barackobama.com

Qatar basketball player Khalid Suliman Abdi attempts a pass Full Story
|