General Maxamed Cali Samantar Oo Maxkamad La Soo Taagayo Arbacada PDF Print E-mail
Wednesday, 03 March 2010

General Maxamed Cali Samatar oo mar ahaa Ra’isal Wasarihii Soomaaliya xilligii dowladdii Maxamed Siayaad Barre ayaa lagu wadaa in berri oo Arbaco ah maxkamad lagu soo taago Dalka Mareykanka.

Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeynayaan dambiyo la sheegay in uu geystay xilligii uu ahaa Ra’isal wasaaraha dowladdii Soomaaliya, waxaana la tilmaamay in uu geystay dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada kuwaasoo uu ka galay qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee reer waqooyiga 

Dambiyada loo heysto Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa ku soo oogay qaar ka mid ah Soomaalida ka soo jeedda reer waqooyiga ku nool dalka Mareykanka, kuwaasoo ku andacooday in uu dambiyo ka galay shacab Soomaliyeed  

Hasa-ahaate Gen.Maxamed Cali Samatar ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn dambiyada lagu soo eedeeyay waxa uuna sheegay in uu waajibaadkiisa si buuxda uga soo baxay waqtii uu xilka hayay, isla markaana uu ahaa mas’uul Qaran, wuxuuna xusay in dadka dambiga ku soo oogay ay yihiin dadkii burburiyay dowladdii dhexe oo maanta u heelan iney kala googoyaan midnimadadi soomaaliya. 

Eedaha loo haysto Gen. Maxamed Cali Samatar waxaa ka mid ah inuu abaabulay dagaalkii lagu qaaday Gobollada Waqooyiga Soomaaliya, ee haatan gooni isutaag kula baxday Jamhuuriyada Somaliland, waxaana dagaalladaasi ku dhintay dad aad u fara badan kuwo kalena way ku dhaawacmeen, barakac iyo qax baahsanna wuu sababay.

" Waa been abuur dambiyada la ii geysto, anigana waxaan badbaadinayay dadkeyga anigoo adeegsanaya cadaaladda" ayuu yiri Jen. Maxamed Cali Samatar oo u sheegay Maxkamadda inuu ahaa mas'uul Qaran wax dhibna uuna dadkiisa iyo dalkiisa u horseedin, isla markaana uu tixgelinayay sharciga dalka ee laga hortagayo kuwa dagaalka ku soo qaaday" 

Gen. Maxamed Cali Samatar ayaa dalka Soomaaliya ka soo qabtay xilka Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu dowladdaasi ka noqday madaxweyne ku-xigeen, markii ay dowladdaasi burburtayna wuxuu u qaxay talyaaniga dabadeedna dalka Mareykanka oo uu ilaa iyo haatan ku nool yahay.

Dacwada loo haysto Jen. Samantar ayaa haddii ay noqoto mid uu ku muteysto ciqaab waxa ay daah fur u noqonaysaa in dad badan oo dambiilayaal ah oo ku nool dalka Mareykanka lagu soo Oogo dacwado ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayna muteystaan ciqaab sida Maxamed Cali Samatar oo kale. 

                                                             Galdogob Times News Desk
 

 

Obama

Full Name: Barack Hussein Obama Jr.
Party: Democratic
Date of Birth: August 4, 1961
Place of Birth: Honolulu, Hawaii
Home: Chicago, Ill.
Campaign Web Site: barackobama.com

Qatar basketball player Khalid Suliman Abdi attempts a pass

Full Story




Powered by Core Design
webhosting