Xubin Ka Tirsan Mucaaradka Itoobiya UnaSharxna Baarlamaanka Oo La Dilay PDF Print E-mail
Thursday, 04 March 2010

Musharax u taagnaa doorashada barlamaanka dowladda dhexe ee Itoobiya, kaasoo la oran jiray Aregawi Gebreyohannes, kana tirsanaa xisbiga mucaaradka ah ee Arena ayaa lix nin oo aanan la garaneyn ayey toori ku dilleen isagoo joogay makhaayad uu ku leeyahay magaallada Shire ee deegaanka Tigray.

Aregawi, oo ka soo jeeda isla deegaanka Tigray, ayaa ka mid ahaa xubnaha ugu codka dheer xisbigiisa, isagoo dhowrkii billood ee tagay marar badan jeelka la dhigay.

Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa iska fogeysay geerida Aregawi ... Wasiirka Warfaafinta ee dowladda dhexe Bereket Simon ayaa sheegay inay geerida Aregawi shaqo ku laheyn dowladdiisa, isla markaana dilkan uu ka madaxbanaan yahay arrimaha siyaasadda.

Bereket ayaa tilmaamay in Aregawi ay dilleen niman muran uu ku dhexmaray muqaaxidiisa, isagoo intaasi ku daray inay gacanta ku heyso dowladda shaqsi ka tirsan dadkii geystay dilka Aregawi.

Doorashada dalka Itoobiya ayaa dhici doonta dhamaadka bisha May ee foodda inagu soo heysa. Ururada mucaaradka ayaa durbaba billabay inay geerida Aregawi qaab kale caalamka u tusaan, waxaana la sheegay Hay'adaha dalka Mareykanka iney iska diideen doorashooyinkan kor-jooge ka noqdaan, halka Midowga Yurub uu ka fakarayo inuu cid u soo dirsado iyo in kale 

                                                 Galdogob Times News Desk

 

Obama

Full Name: Barack Hussein Obama Jr.
Party: Democratic
Date of Birth: August 4, 1961
Place of Birth: Honolulu, Hawaii
Home: Chicago, Ill.
Campaign Web Site: barackobama.com

Qatar basketball player Khalid Suliman Abdi attempts a pass

Full Story




Powered by Core Design
webhosting