Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Butin Talaabadiisa Xarago Socod Tamashle La Tiic-tiicaya Oo Dab Iyo Naaro Waaweyn Ku Nishaabaya Arlada Ukrine .. Xeeladi Iyo Shuushuudi Nato Oo Kaalin Gali-Waayey .. Zelenski ILmada Ka Gobo' Leh

Saturday - October 15, 2022




Ciidamada Ruushka oo wal-waalinaaya sawaarkhda wax gumaada ayaa weli sii wada duqaymaha dhinaca cirka ah ee ay ka geysanayaan magaalooyinka Ukraine, iyaga oo ugu yaraan maalinti Todobaatan gantaalo dab holcinaaya ku garaacaya ama ku duqeeyey magaalooyinka Caasimada Kiif iyo Kharkiv .. Dad ka soo hadlay goobahaas dagaalku ka socdo waxay sheegayaan in shacabki arladaas ay si joogta ah ugu socdaan dab naara iyo cadaabahood iyado meelkast mawjadaha dhiigu camiray oo xitaa Maanyada caseeyey

Dagaalladan cusub ee ka socda Ukraine ayaa ku soo beegmaya iyada oo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu difaacay tallaabadii ugu dambaysay ee kor u sii qaaday xiisadda dagaal, ka dib markii uu ciidamo dheeraad ah u soo diray dalka Ukraine .. Putin ayaa marar badan ku cel-celiyey inaan loo baahnayn weeraro cusub oo lagu qaado Ukraine, isla markaana wuxuu sheegay in Ruushku aanu raadinayn inuu dalkaas si gaara u burburineyn, balse edeb-darada hogaamiyaash Nato halkaas ka wado lagu edbin-doono

 Madaxweyne Putin ayaa ku adkaystay inaanu ka qoomamaynayn dagaalka u Ukrain ka wado, iyo tallaabadii uu dhowaan ku abaabulay illaa 222,000 oo ah ciidamada kaydka ah, si ay ugu biiraan dagaalka.

Shir jaraa’iid oo uu madaxweyne Putin ku qabtay Jimcihii magaalada Astana ee Kazakhstan ayu uku sheegay in illaa 16,000 oo ah ciidamo cusub oo la qoray in la hawlgeliyey, si ay u gutaan waajibaadka hawlaha dagaal.

Warbaahinta Ruushka ayaa soo werisay dhimasha ugu yaraan Toddobo askari oo ka mid ah askartii dhawaan la qoray. Khasaarahan ayaa imaanaya iyadoo wasaaradda difaaca ee Ruushku ay wajahayso dhaleeceyn uga timid falan-qeeyayaasha militariga Ruushka ee caanka ah ee taageera dagaalka ka dib markii ay furimaha dagaalka u direen askar aan tababarnayn.