Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Eebow Roob La'aan Dan-yarti Dam Tiri Duunyadi Idlaatay Oo Shimbirihi Ma Duulaan Ee No Di'i Mid Aan Wadan Dabeylo Duunyada Naga Marin Dhulkana Doog Mira Soo Bixiya..P/Land Oo Ka Digtay Daadad Wax Qaada

Monday - October 24, 2022




Puntland ayaa ka digtay roobab mahiigaan ah oo maalmaha soo socda ka di’i kara qaar kamid ah deegaanadeeda, kuwaas oo sababi kara daadad xooggan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta maareynta xogaha biyaha iyo dhulka ayaa lagu sheegay degmooyinka Burtinle, Buuhoodle, iyo dhulka howdka ah ee ku xeeran ay ka di’i karaan ilaa 29 bishan October roobab xooggan oo qiyaastii xadi ahaan gaaraya 200-mm, ayna sababi karaan daadad.

Dad ku nool deegaanadaas ayaa loogu baaqay inay muujiyaan taxadar, ayna ka fogaadaan dhulka godan iyo togaga .. baaqa ayaa timaamaya in Asbuucyadii lasoo dhaafay roobab dhex-dhexaad ah ayaa ka da’ay deegaano kamida Puntland, meelaha qaarna ay heleen roobab mahiigaan, Xudun iyo Taleex, halka magaalada Qardho ay saameeyeen daaddad kasoo rogmaday dhulka sarre ee soolka xiga ayna sababeen khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.

Goboladda Nugaal, Sool, Cayn iyo qaybo kamid ah gobolka Sanaag ayaa la filayaa in ay helaan roobab dhex-dhexaad ah xaddi ahaana u dhaxeeya (40-60) mm.

Sida kamuuqata khariidadda saadasha roobka degmooyinka Burtinle iyo Buuhoodle ayaa ay macquul-tahay in uu gaaro 200mm sababi karana daadad iyo isu socodka oo hakad gala.

Gobolada Mudug, iyo qaybo kamid ah gobolka Karkaar ayaa la saadaalinaya inay helaan roobab aan badnayn u na dhaxeeya xadi ahaan (10-30) mm.

Goboladda Bari, Gardafu, Haylaan iyo qaybo kamid ah gobolada Karkaar iyo Sanaag ayaa filashada roobka ee satimaankaan tahay mid hoseysa.

Bulshada ku dhaqan degmooyinka Buuhoodle, Burtinle iyo dhulka hawdka ah ee u dhexeeya waa inay taxadar dheeriya muujiyaan ilaa 29bisha.