Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Rag Waxaa U Liita Nin Maqan Oo Aan La Tabin Iyo Nin Jooga Aan La Tirin .. Hogaamiyaashi Maamuul Gobledyada Oo Ku Soo Socda Mogdisha .. Saciid Deni Oo Ka Degay Mogdisha

Wednesday - October 26, 2022





Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, wafdigaaso garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano ka mid ah labada Aqal ee BJFS, iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland iyo kuwa maamulada kale ayaa uga qeybgalaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo madaxda DFS iyo Dawlad Gobaleedyada ay ku gorfeyn doonaan xaalada guud ee dalka.

Galdogob Times aya si xog-ogaal ah u ogaatay in shirka oo arrimo badan looga hadli doono, sida la-dagaallanka Argagixisada, diirada lagu saari doono arrimaha kheyraadka dalka, si gaar ah shidaalka iyo weliba sidi dhinac kasta la isu kaashan-lahaa