Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Jimca Wanaagsan Jimce Barakeysan .. Nin Hooyo U Duceysay Hubaashi Ma Khasaaro

Thursday - November 3, 2022




Axmed Yare wuxuu ahaa wiil baari u ah hooyadiis raalina ka noqotay asluubtiisa iyo adeegiisa hooyo, sidaa daraadeed waxay markasta wiilkeeda ugu duceyn jirtay ereyo ay ka mid yihiin "Eebow Wiilkeyga Axmed Ciida " Carrada" Dahab uga dhig .. Axmed Oo hawshiisa ahayed hawlaha ganacsiga yar-yar wuxuu noqday nin had iyo jeer wixii u ka ganacsado ka hela ribix dheeraad ah kumana khsaari jirin xitaa haddi ay tahay badeeco baartay, taasna waxay keentay in Axmed u suuqa ganacsiga ka noqdo xubin muhim ah oo badeecadiisa la jeclyahay.

Hadba geesigi kaca ayaa xaasad galaaftaaye waana caado sheydaane .. Wiilashi iyo Ragi oo iyagana suuqaas ka ganacsanaayey wey ka maseyreen guusha deg-dega u Axmed ka gaaray ganacsiga, waxayna is weydiyaan sirta meesha ku jirta ee Axmed u heerkaas guusha Taajirnimo ku gaaray .. Axmed-Yare oo ku qanacsan in guusha u haysto ay ku timid duco hooyo, wuxuu go'aansaday bal hal mar inu ka wardoono khaaraaro, sidaa daraadeed wuxuu dalka Masar u raray badeeco ka mamnuuca iney soo gasho dalkaas oo ay ka mid yihiin Sonkorta iyo Burka, wuxuuna Badeecadaas ku raray Lix doomood oo waaweyn.

Doomihi Axmed ay u saarnaayeen raashinka markay ku soo xirteen Dekada magaalada Al-iskanadariya waxaa qabtay boliski Kastamka oo lagu yiri danbi baad gashay dharbaaxo loogu jiiday, sidaa darteedna wiilki Axmed waxaa la horgeeyey Boqorki dalka oo markaas ku sugnaa xeebta oo raadinaaya Kaatunki boqortooyada oo xeebta uga lumay ..   Boqorkaas kaatunkaas wuxuu raadinaayey muddo Asbuuc ah, waayo horay boqorkaas waxaa lagu yiri:  haddi Kaatunku ka lumo boqortooyaaadu meesha wey ka baxeysa.

Boqorki oo wiilki Axmed la hor-keenay canaan ayuu dhagaha u saaray, wuxuuna amray in xabsiga loo dhaadhiciyo si dhaqso ahna lagala wareego Doomihi iyo wixii badeeco u watay .. Wiilki Axmed oo hadlay isla markaana Sacabadiisa si xantoobsi ah ciidi ku soo qaaday ayaa yiri: Boqorow bal mar i faham oo Aniga Hooyadey waxay igu duceysay in Ciida rabi dahab iga dhigo, dabadeed boqorki wuxuu isha ku dhuftay Ciidi u wiilka soo xantoobsaday oo kaatunkiisi ka dhex dhalaalaya .. Boqorki oo is-lahaa wiilka raqdiisa maalin cadceeda ah ha la washiro ayaa nasiib daro si lama filan ah ku noqotay helitaanka Kaatunkiisi iyo sida wiilkaas dartiis loogu helay .. Boqorki farax awgeed wuxuu ku waashay " Alla Miyaan Deelalay-sanahay Mise Waan Dhadhaabaya, kaatunki waan helay" isla markiiba boqorki wuxuu amar ku bixiyey in wiilki Axmed wixii badeeco u watay laga iibsado iyado doomhiisana loo saaro hadiyado kala duwan.

Axmed-Yare dalkiis ayuu dib ugu noqday, kadibna wuxuu u sheegay hooyadiis waxaa u kala kulmay dalki Masar iyo la kulankiisi Boqorka iyo sida ay u shaqeysay Ducada Hooyo .. Hooyo oo iydana dhinaceeda jawaab ka bixisay hadalka wiilkeeda waxay Tiri: Hooyo in shaa-allaah waligaa khasaari-meysid ee Rabi Ciida Dahab ha kaaga dhigo oo Nin Alaah wakiishay wehel uma baahna

Fiiro gaar: Qisadaan iyo kuwi horaba caruurtiina uga sheekeya.