Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Wakiilka Q. Midoobay(UN) ee Soomaaliya oo Bogaadiyey Qorshaha R/W Nuur Cade

Thursday - March 13, 2008

Nayroobi - Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Amp. Ahmedou Ould Abdallah ayaa soo dhoweeyay istiraatiijiyada cusub ee Dib u heshiisiinta uu soo bandhigay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen. Amp Ahmedou oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Nayroobi dalka kenya ayaa waxa uu sheegay inuu aad usoo dhoweynayo dadaalada dib u heshiisiinta ee uu wado Raysal wasaare Nuur Nadde, taasoo uu ku sheegay tallaabo la tixgalin karo oo wax ku ool ah.