Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano

Thursday - December 1, 2022



Zaman hore .. Imaamku weynaa Maxamed Binu Siiriin wuxuu ka mid ahaa Culimadii iyo Hantiile-yaashii Taabici-yiinta wuxuuna ku caan-baxay ka ganacsiga badeecada Malabka.

Mid ka mid ah Fuustooyin Malabku ku keydsanaa oo guud ahaan gaarayay 600 oo Fuusto ayuu mar Doolli ama Jiir uga dhacay, deetana waa laga saaray waxaase dib ka adkaatay in Fuustadaas laga garto kuwa kale .. inta badan xaga diinteena islaamka hadduu Doolli ku dhaco Shey dareere ah sida Biyaha, Saliidda iyo Malabka waxaa sharci ah inaan Sheygaas la isticmaali-karin.

Imaam Maxamed ibnu Siiriin oo ahaa Caalim Diinta yaqaanna dhawr-sanaan badan ayaa loo sheegay arinkan, deetana wuxuu amar ku bixiyay in la tuuro dhamaan Fuustooyinka maadaama la garan waayay midkii uu doolligu ku dhacay .. Maalinkaas ayuu Imaamku ku biiray Liiska Fuqarada Magaalada Basrah ka dib markuu ka mid ahaa Hantiile-yaasheeda.

Mar ay dad badani u yimaadeen Imaamka si ay uga tacsi-yeeyaan Khasaaraha Dhaqaale ee soo gaaray ayuu ku yiri: Waxba ha ii tacsi-yeeynina, waan aqaanna halka la iga helay, Khasaaradaani waxaa keenay Dembi aan Ciqaabtiisa Sugayay muddo 40-Sano ah .. Markii wax laga weydiiyay dembigaasna wuxu yiri: Maalin ayaan Nin Faqiir ah ku jees-jeesay oo aan ku iri Faqri ayaad tahay.

Dulucda waa inaad ka fiirsato erayada aad ku dhaheyso dadka dhibaateysan oo dhegtoodu u nugushahay kalimaadka afkaaga kaa soo baxaya .. Dhaqaalaha aad heysato Alle kuuma siinin inaad ugu faanto ama aad ku duleysato ee wuxuu kuu siiyay inaad ka Caawiso inta mudan oo hadaadan adigu wax u qaban karinna ku caawi inaad ka ceshato Afkaada iyo idinkaaga.

hits Hits : 3459