Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray

Saturday - March 16, 2024




Waqtigii Nabi Muuse CS, ayaa waxaa dhacday Roob la'aan, dabeeto Nabi Muuse CS, wuxuu isugu yeeray dhamaan Reer Banii Israa'iil si ay ilaahay Roob u weydiistaan .. markay isku yimaadeen ayey wada yiraahdeen: ilaahoow Roob noo keen oo dhibkan naga Saar, markay muddo wadeen Ducada wax Rooba ama Daruura aysan jirin ayaa Nabi Muuse CS, ilaahay la Hadlay isaga oo leh ilaahay Ducada inaad iga Aqbasho ayaad iigu Balan qaaday ee muxuu Roobku u imaan waayay? 

Markaas ayuu ilaahay u soo Wax-yooday wuxuuna ku yiri:- Muusoow Roobku idiin imaan- maayo, waayo waxaa idiinku dhex jiro Adoon ilaahay Caasinaayay 40-Sano, sidaasaana Roobka la idiin ka joojiyay.

Muuse CS, wuxu yiri: ilaahoow maxaan Sameeyaa? Allaah SW ayaa Muuse ku yiri: iska soo Saara Caasigga .. Markaas ayuu Nabi Muuse CS, ku yiri Reer Banii Israa'iil: Walaahi waxaa idiin ku dhex jiro Adoon ilaahay Afartan Sano Caasinaayay, Roobkiina Dartii ayaa la idiin ka Joojiyay ee ha soo Baxo.

Ninkii Caasiga markiiba wuu is gartay in isaga loo socdo, Hareeraha ayuu eegay iney cidi baxdo laakiin cidna ma bixin, markaas ayuu si Qarsoodi ah (si Niyad ah) ILaah u Baryay oo yiri: Ilaahoow 40-Sanadood ayaan ku Caasiyayay illa waqtigaana waad i  Asturtay ee ilaahoow, Maanta hadaan Baxo waan Ceeboobayaa ee ilaahoow, waxaan kuu Balan qaadayaa inaanan Macsiyadan dib ugu noqon waanan kuu Towbad keenay ee i Astur. Intaas ka dib waxa si Kedis ah u soo Da'ay Roob, markaas ayuu Nabi Muuse CS, ilaahay ku yiri:- ilaahoow cidna ma soo bixine Roobka waa maxay?

Markaas ayuu Rabi SW ku yiri: Muusoow Roobku wuxuu idiinku soo Da'ay Farxadayda aan u qabo Adoonkeyga Afartan sano i Caasiyayay ee Maanta ii Towbad keenay.

Markaas ayuu Nabi Muuse CS, yiri: ilaahoow i Tus si aan uga Farxiyo .. Rabi SW, wuxuu Muuse ku yiri: Muusoow Adoonkani wuxuu i Caasiyayay 40-Sano waan Asturay mudadaas, ma Maanta oo uu ii Towbad keenay ayaan Fadeexadeeyaa?.


hits Hits : 1180