Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.

Saturday - March 28, 2020



Waxaa la Yiri Nin Badaw ah ayaa guursaday Gabar ay isku Qabiil yihiin, Gabadhaas oo u dhalaatay muuqaal Qurux leh, Akhlaaq, Edeb iyo Diin wanaag intaba .. kadib marki Sanad ka soo wareegtay guurkoodi Ninki wuxuu dilay Nin ina adeerkiis ah sidaa daraadeed si aan loo qisaasin wuxuu isaga iyo xaaskiisi u galeen qabiil kale oo magangalyo ahaan ula dageen, dabadeedna wuxuu ku wareegay Majilis ay fariistaan odayaasha beesha oo u madax ka yahay shiikha qabiilka ( Ugaaska Beesha)

Maalin Maalin ka mida Shiikhi Qabiila wuxuu soo hormaray Guri u deganaa ninka sheekadu ku socoto, wuxuuna ku indha sarcaaday Gabar gurigaas kaga soo hor baxday qurx-ley ah oo isla markiiba qalbigiisa ayey degtay oo caqligiisa waaba hantiday .. intaa kadib waxaa ku dhalatay fikrad Sheydaanimo oo ah sidee Ninkeeda uga fogeysa guriga si xaaskaas ugu kaliyeysto .. durbadiiba wuxuu ku soo noqday Majliska oo Rag buux dhaafiyeen, waxaana dhex fadhiyey Ninki xaaska qabay .. Shiikhi ayaa hadla qaatay wuxuuna yiri: Meel Tuulo ah oo sidaa aan noogu dheereyn oo qurux iyo cimilo fiican leh ayaa la sheegay, waxaana doonaya inaan Afar Nin u diro oo soo sahmiya .. waxaa afarta ka mid noqday Ninki naagta qabay, halkaas oo inta badan masaafo loo socdo Labo illa Sadex Maalmood.

Markay habeen Noqotay Dadkiina seexdeen .. Shiikhi wuxuu abaaray gurigi Ninki xaaskiisa daganeyd oo xiligaas huruday oo sidu u socday ilaah amarkiis intusan albaabka gaarin ayuu Tiir guriga ku har-yaal hardiyey, waxaana ka dhashay cod weyn oo ay ku salashay Gabadhi oo tiri: Yaa guriga soo galay .. Shiikhi oo si un u naxsan, ayaa ku jawaabay oo yiri: waa anigoo ah Fulan shiikh Qabiila oo kula daris ah .. Xaaski oo iyadu iska Badawiyad ahayed waxay tiri: Bariido fiican oo xiligaan oo kale waqti la isu yimaado ma ahee ee Shiikhow maxaad dooneysa .. Shiikhi ayaa ugu jawaabay: Suleekhaay, waxaan la yabay Aragaaga iyo markaan arkay Quruxdaada, oo caqligi iyo qaalbigiiba waad iga xaday .. Waxay Tiri: Waxba isku diidi-meyne, laakiin waxaan shardi kaaga dhigaya Hal-Xiraale inaad furtid oo haddi aad furtid amase aad garato waxaad doontid ayaan ku fulinaya., isagiina wuxuu ku jawaabay waa ogolahay ee soo daah.

Waxay Tiri:  Hilibka Waxaa Milixa Loogu Rusheeya Si Aanu U Qurmin, Balse Haddi Milxu Xumaado Yaa Hagaajinaaya? waxay intaa si raacisay: Orod Caqligaaga Maal, ciid kasta la kaasho hadaad ka jawaabtid adigaa iska key leh .. Shiikhi wuxuu yiri: Habeen dambe ayaa wixii xal iyo Jawaab ah ku keenaya .. Shiikhi gurigiisi ayuu tagay, wuxuu habeenki ku dhameystay feker, faaqidaad iyo sidu Hal-Xiraalahaa u furi-lahaa, balse wax natiijo ah kama gaarin.

Maalinti Dambe Ragi oo Majliska fadhiya wuxuu weydiiyey Su'aashaan: Si Aan Hilibku U Xumaan Waxaa Lagu Rusheeya Milix, Haddise Milixu Xumaado Maxaa Hagaajinaaya? Ragi Majliska fadhiyey Nin waliba aqoontiisi ayuu kor tagay oo Ninba cala qadarkiisa buu ku jawaabay, balse shiikhi jawaab-toodaas kuma qancin.

Laakiin waxaa golaha fadhiyey nin xikmad iyo garasho dheer murti-yaqaan ah, hasa-yeeshe Ninkaas kama hadlin golahaas waxna ma oran .. Dadki oo mar dambe ka dareeray Majliski, waxaa goobti isku kaliyeystay Shiikh Baladki iyo Ninki Murti-yaqaanka ahaa .. Shiikhi ayaa yiri: War Niyahow adiga su'aashi kama aadan jawaabin ee maxaa jira oo u Aamustay .. Ninki murti-yaqaanka ahaa ayaa yiri: waxaan door biday inaan kaligaa kula hadlo sababto ah Hal-Xiraalahaan aslkiisu wuxuu ka soo jeeda gabay oranaaya: Ragi Cilmiga Lahaayow .. Milixi Beledkow Yaa Hagaajinaaya Milixu Haddu Xumaado? Ninki oo hadalkiisi si wata ayaa yiri: Hal-Xiraalahaan Qof aad ka soo xigataba waxaa loola jeeda: Haddi Nin Qabiilka ka xumaado waxaa hagaajinaaya oo toosinaaya Shiikha Qabiilka sida Milixu hilibka u hagaajiyo oo kale, Laakiin haddi Shiikha, Siyaasiga, Imaam iyo Masuul kasta-ba haddey Fasahaadaan Yaa iyaga Toosinaaya oo hagaajinaaya.

Shiikh Balad Marki loo furdaamiyey Hal-Xeraalhi tala ku baraahsatay ceebey tacaal, balse damiir canaanta iyo dareen wax u sheegaba, wuxuu markiiba ogaaday inu dhooqo dhex batalaq-saday, xadki sharciga ka talaabay, oo wuxuu isku canaantay in basarki ka xumaaday oo talaabo aan loo baahneyn qaaday, wuxuuna talo ku soo gabagabeeyey oo qiray in Gabadhi cashar wacan u dhigtay oo fariiso tiri Alla madax kaga dhigay Beeshe! .. Shiikhi Waa Ka Toobad Keenay oo Aaminta Lala Guray.






hits Hits : 7261