Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya

Saturday - January 19, 2019



Sheekh Maxamed Xasaan oo ka mid ah culumada waa-weyn ee caanka ka ah dunida islaamka ayaa qisadan yaabka leh ku soo gudbiyay Barnaamijkiisa ka baxa Telefishinka Al-raxma.

Sheekh Maxamed waxa uu u dhashay wadanka Masar, waxa uuna ka mid yahay culumada wadankaasi ugu waa-weyn ee caanka ka ah, isla markaana dunidana si weyn looga yaqaanno.

Qisadan ayaa u dhacday sida uu Sheekhu sheegay in Nin u dhashay wadanka Ingiriiska uu Diinta Islaamka u soo galay si uu hurdo u helo awgeed, waxaana ay ku timid sheekadu kaddib markii Ninkaasi oo kolkiisii hore Gaal ahaa uu arkay nin muslim carab ah oo beer-jardiino ku taalla Ingiriiska hurdo la dhacay.

Ninkan muslimka ah ayaa si daggan gacmihiisa madaxa ka hoos-mariyay iskana seexday, isagoo hurdo aad u macaan la dhacay, waxaana intii ninka muslimka ah uu seexanayay oo idil dusha sare kala socday ninkan Gaalka ah oo dariishad uu daganaa ka daawanayay, waa uu ka soo dagtay gurigiisii waxa uuna u soo dhawaaday ninka muslimka ah ee jiifa, waxa uuna arkay inuu hurdo dheer gashaday oo uu khuurinayo.

Aad iyo aad isagoo u yaaban ayuu ninki ka kiciyay hurdadii, markaasuu weydiiyay "Adiga yaa tahay?’ ninkii muslimka ahaa ayaa ugu jawaabay "waxaan ahay Muslim..!" ninkii Gaalka ahaa ayaa weydiiyay "Muslimku ma sidan fudud ayuu u seexdaa?" ninkii muslimka ahaa ayaa jawaab ka siiyay su'aashi Gaalka, iyadoo sheekadoodiina ay sii socotay .. Ninka Gaalka ah ayaa u sheegay ninka muslimka ah inuu muddo raadinayay si uu hurdo ku helo, waxuu kalo u sheegay inuu dawooyin badan u isticmaalay sidii uu u hurdo ku heli lahaa awgeed.
Ninkii Gaalka ahaa ayaa aaday xarun Islaami ah,waxaana halkaas uu ku dhawaaqay Kalimadda Diinta Islaamka lagu soo galo ee Shahaada-teynka, iyadoo halkaas lagu baray sida loo tukado.

Habeenkii ayuu seexday xarunti masjidka waxaana la tusiyay qaabka muslimiintu u seexdaan oo ah in dhanka midigta loo seexdo, ducooyina la akhriyo, intaa markii loo dhameeyay ayuu la dhacay hurdo macaan .. dabadeed xili waaga subax waxaa dhacday in loo kiciyay Salaaddii Subax, markaas ayuu ku yiri "Maya Maya ha i kicinina hurdo macaan ayaan haystaaye..! oo wuxuu ka baqay inu mardambe hurdo helin hadu kaco, laakiin Ragi kacinaayey ayaa ku yiri ’Waad seexan-doontaaye u Kac salaada, oo hadda waxaa la joogaa xilligii salaadda.

Sidii ayuu ku kacay oo Salaaddii ku tukaday, balse markii Salaadda uu tukaday ayuu damcay inuu seexdo,waxaa lagu yiri "sug sug wax-yar waxaa inoo dhiman inaan ducooyinka Subaxda alhrisano, kadibna Shuruuqda aan u fariisanno, ka dib ayaad hurdo dheer seexaneysaa Insha’allaah.
Qisada ayuu Sheekhu waxa uu ku soo afmeerayaa sida Diintu qiimaha badan noogu leedahay oo ay sababtay in hurdo oo qura nin gaal ahi uu ku soo islaamo.
Wabillaahi Towfiiq.

hits Hits : 5694