Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Sheekadi Dhex Martay Bisad-Dinad Iyo Dawaco -Dayo

Monday - January 25, 2016


Bisad La Yiraahdo Danad Iyo Dawco-Dayo ayaa sheekeystay .. Dawacadi-Dayo ayaa tiri; Bisad Danadey imisa Tabood oo aad cadawga kaga nabadgasho ayaad taqaan? .. Bisad-Danad, iyado cod miskiin miyaawo ku leh waxay tiri; Tab kaliya oo aan cadawga kaga nabadgalo ayaan aqaana bes.
Dawaco-Danad iyadoo faaneysa ayey Bisad-Dayo ku tiri: mmiskiin baad tahay, Anigu tabo badan ayaan aqaana, oo kolba taan-doono cilmi taatiko laga yaabo ayaan la soo baxa.

Kadib markii intaa ay is dhaafsaeen ayey arkeen raxan eeyo duur-uubato ah oo xagoodi u soo ordeysa, dabadeed geed dheer oo ku dhawa ayaa Bisadi-Dinad balow inta yiri koray oo inta hoos u eegay ayuu ku yiri; Dawaco-Dayoy, anigu tabti keli ahayd ee aan aqaanay waa anigaa adeegsade, adigu tabahaagi tee baad raaceysa.

Dawaco-Dayo uma ay jawaabin Bisad-Dinad oo waxay kaga mashquushay inay tabaheedi badnaa kolba tay raaceyso eegto, sidey isula doodeysay ee kolba tab u eegeysay ayaa eeydi soo gaareen oo qabsadeen.
Bisad-Danad isaga oo ka xun waxa Dawaco-Dayo ku dhacaya ayaa Bisad -Dayo oo eeydi sidato intu aad uga xumaaday waxa Dayo ku dhacay ayuu yiri Dawaco- Dayoy, Tab kaliya oo aad ku nabadgasho ayaa dhaanta boqol tabood oo aad ku nabadgalyo-weydo.