Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Sheekooyinki Dhaqanka .. Boqorki Libaaxa Ahaa Oo isugu darsamay Gabow Iyo Bukaan .. Wuxuu Naftiisa U Sheegay: Gabow Daawo Ma Leh Ee Bukaanka Waa In Aan Daawo U Helo

Saturday - January 11, 2020



Sida sheekooyinkeena dhaqanku tilmaamaan, Habar-dugaagag boqorkooda waa Libaaxa .. Libaaxa waxa loo boqray wuxu leeyahay tilmaamo u gaar ah oo uu kaga mudnaaday Habar-dugaaga intiisa kale, sida awood, geesinmo, garasho, iyo dulqaad .. Waa tilmaamaha hogaanka wanaagsan ee aan dad iyo duunyadu ku kala bayrin.

Bokorkii Libaax ahaa waxa isugu darsamay gabaw iyo bukaan. Wuxu naftiisii u sheegay, “Gabaw dawo ma lah eh; bukaanka waa in aan dawo u helaa.”

Raciyadiisii Habar-dugaag ayuu isugu yeeray. Wuxu yiri: Waad aragtaan oo haddaan boqorkiinii ahay waan bukaa. Haddii aan bukaanka ku raagona ma talin-karayo. Markaa waxan doonayaa in dawo aan ku bogsado lay keeno .. Habar-dugaagi xagii kaynta ayuu u dhaqaaqay oo dawo ugu doonay boqorkooda buka.

Shabeelkii oo geed dawo ah sida ayaa ugu soo horeeyay. In muddo ah ayuu Boqorki geedkii cunayay waxbase waa ka tari-waayay .. Waraabe baa geed kale keenay. Kiina in muddo ah ayuu qaadanayay isna waxba waa tari waayay .. Wiyishii ayaa iyana geed kale keentay. Kiina mudduu qaatay isna waxaba waa tari waayay .. Maroodigii ayaa isna mid kale keenay; kiina waxaba waa ka tari waayay .. Xitaa dabagaalihi, oo lugu tilmaamo in uu geedi-gooye yahay ayaa isna geed keenay. Kiina waxba waa tari waayay.

Boqorkii oo bukaanki ku sii badanaayo oo itaal daro ka muuqato, ayaa waxa ishiisi ku dhacday dawacadii. Isaga oo hadalku dirqi kaga soo baxayo, ayaa wuxu ku yiri dawacadii: Dayooy, adiga ayaa fiicni lugu bidaa, maxaad dawo aan ku bogsado iigu keeni wayday?

Dayo xoogaa ayay hoos u foorarsatay oo fekertay. Ka dibna Boqorkii ayay kor u eegtay oo waxay ku tiri: Boqor dawadaadi hadaan helay ..  Boqorkii oo yididiilo gashay ayaa soo hinqaday oo yiri: Waa maxay dayooy dawadu? .. Dayaa waxay tiri: Boqor, dawadaadu waa maskax dameer!!

Boqorkii oo yididiilo sii gashay ayaa Dayo ku yiri: Waad i aragtaa oo waan gaboobay, oo waan bukaa ee sidee baan Dameer u soo qaban-karaa? .. Dayaa tiri: Aniga laftaydu ma soo qaban karo oo iga itaal roon yahay. Hasa yeeshee si uu u yimaado oo aad u qaban kartid ayaan hayaa .. Waa maxay sidaasi?” Ayuu weydiiyay boqorki .. Sidaasi waxa weeya in aad baaq soo saarto oo aad tirahdo haddii aan boqorkii habar-dugaag ahay waan bukaa. In aan bukaankaa u dhintona waa laga yaabaa. Hadaba inta aanan dhiman boqortooyada waxan ku wareejinayaa Dameer.

Boqorki baaqii ayuu sii daayay .. Dayona Dameerkii ayay u gaysay oo ku tir: Taajkaa lagu saarayaa oo boqorka ayaa gacantiisa kugu saaraya ee ina-keen .. Dameerkina waa soo raacay oo boqorkii ayuu u ymi.

Boqorkii ayaa Dameerkii ku yiri: soo dhowow aan Taajka ku saare. Dameerkii ayaa soo dhowaad oo luqunta soo dhigtay. Inta uu wuxu uu awood lahaa isu geeyay ayuu boqorki ku booday Dameerkii oo luqunta kala jebiyay. Ka dibna madaxiisii ayaa laba dhambal laga kal dhigay si maskaxdii boqorka daawaynaysay looga soo saaro. Hasa yeeshee markii madaxii Dameerka la kala jibiyay, maskaxba waa laga waayay!!!

Boqorkii oo halkaa ku hungoobay ayaa dacawadii ku jeestay oo yiri: Dayooy! Maxaa dacay? Meeday maskaxdii dawada ii noqon lahayd .. Dayo waxay tiri: Boqor Waan ka xumahay in aynu ku hungownay tijaabadaas, Balse hadaad dhinaca kale ka eegtid, ha kaa maqnaato dawo maskax Dameer. Maxaa yeelay, haddii uu Dameerki maskax leeyahay, marka horeba madaxa muu soo dhigteen .. Boqor xaal-keenu waa bese, aan boqortooyada u nabaadiino xirno.

hits Hits : 2177