Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dhacda Walba Xasuusteed .. Khilaafki Taariikhiga Ee Kala Geeyey Madaxweyne Xusni Mubaarak Iyo Siyaad Bare

Thursday - Feb 27, 2020



Cid walaba waxbaa lagu xasuusta oo wuxuu ku caan baxa wuxuu dhigtay gaar ahaan Afcaasha Uu mid kasta ku Kacay .. Xurgufta Masar iyo Itoobiya ee wabiga Nail muddo dheer oo sanooyin ah ayey soo jiitameysay, saadaashuna waxay ahayed in labadaas dal mar uun ciidan ahaan isku dhici-doonaan .. Madaxdi hore Ee Masar Sida Jamal Cabdi Nasir, Anwar Sadaat iyo Xusni Mubaarka wey ku qanac-sanaayeen in malin ay noqotaba ay itoobiya yeelan-doonto awood ay ku sameysato Biyo Xireen oo halkaas Masar ay biyo La'aan ku dhici-doonto. 

Hogaamiyaasha Masaarida waqtigaas oo gogol-dhig u sameeyey qaabka iyo istraatijiyada looga hortagi karo mashruucaas Biyo Xireenka itoobiya, waxay meel dhigteen in haddi Daamka la dhiso nolosha Masar ay khatar galeyso, taaso ay dagaal ka xigi-doonaan .. arintaas waxay keentay in iskuulaadka iyo Macaahida sare ee cilmiga Milatariga Masar lagu dhigo khidado la xariira qabashada amase burburinta Daamkaas, laakiin waxay markasta qalbiga ku hayeen in haddi Somaliya aysan gacan ka heli aysan waxba u suurtoobeyn, sidaa daraadeed xirirka Somaliya dhinac walba wey ka ilaalin jireen.


Warka yaan kugu daaline ..  Sanadkii 1983 waxaa Marsada Mogdisho si kadis ah diyaarad ku yimid madaxweynihi Masar Xusni Mubaarak, halkaaso sida caadada ahayed soo dhaweyn aan loo kala harin ku soo dhaweeyey Madaxweyne Siyaad Bare .. Mubaarak wuxuu nala joogay hadaanan hilmaan-saneyn Maalin iyo Maalin barkeed, illa intaasna waqtiyo gaara mooye inta badan waxay kulmayeen Siyaad Bare  .. Xusni Mubaarak intaa u hadlaayey waxuu warbixintiisu ku saleysneyd xurgufta Masar iyo itoobiya xaga biyaha iyo sida ay u saameeyn-doonto mustaqbalka Saamiga biyaha ee Masar ay ka hesho Nile .. waad la socotaan in dhulka Masar maalinba maalinta ka dambeysa Biyo yari awgeed ku si dhawaanaayo lama-degaan Omos Ah ayuu hadalkiisi raaciyey 

Xusni Mubaarak wuxuu ugu dambeyn hadba xod-xodasho jilibka u aasaba kolba dhinac soo dhigtaba, ugu dambeyn wuxuu Siyaad Bare carrab dalab leh iyo Uur baar kaga codsaday in 600.000 ( Lix boqol kun ) Qoys Masaari ah la door-biday in degaan laga siiyo dhulka Beeraha degaano ka mida sida Shabeelada Hoose, Jubada Hoose iyo Hiiraan, wuxuuna warkiisi si raaciyey oo yiri Arintaan beeraleydana shanqar-tirasho ayaan ka rabnaa ( micnaha qarsoodi ha ahaato) 

Siyaad Bare oo jawaab ku celiyey ayaa weydiiyey oo yiri: Mr. President warka cade ma saldhig Milatari baad meesha ka rabta .. Xusni Mubaarak ayaa jawaab celiyey oo yiri: Masar xalka wabiga Nile waxay ku gaari-karta awood milatari hadii loo baahdo, oo dabcan aniga halkaan waxaan kugu imid mabd'a ahaan inaan isla qaadano codsigeyga aan kuu soo jeediyey, isla markaa warkiisi si raaciyey oo yiri: arinkaasna waxaa si gaar-gaara isla gorfeyn-kara guddiyo farsamo labada dhinac loo saaro oo hadhow noo soo gudbiya naqshada iyo heshiisyada ay isla meel dhigaan ee Siyaad Barow marka hore mabda' ahaan codsigeyga aqbal.

Madaxweyne Maxamed Siyaad  Bare oo caan ku ahaa Af-maalnimo, arkayna halka u Mubaarak waxa aan loo fadhin ka fud-kudiyey, ayuu jawaab kama dambeyn ah, diidmo qayaxan ka ilaalinaayey wax uun ku qanci ka ahayed wuxuu ku yir: Mr. President kheyr Baan ku rajeynaya, waana ku mahadsan-tahay sidaad nogu timid, kadib marki aan muddo war kaa weynay (xiirirku dabacsanaa) .. Mr. President, dalkaan Somaliya waa bulsho ku dhisan degaano Qabiil, oo aniga ka beel ahaan waa daaroode dhulka aad cariftay ee Beeraha leh, anagu ma degno oo waxaa iska leh oo ay nolol u tahay ummaddo taariikh ahaan Asalow ah oo anaga arlada Qarniyaal nooga soo horeeyey, balse aniga ka beel ahaan konfur badankeed ma degno oo dhaqan-kayaga waa Xool raacato geel iyo wixii la halmaala .. Mr. Presedent dhulka aad carabka ku dhufatay haddi anagu waa dawlade aan rabno inaan mashruuc ka fulino dadka degaanka ayaan weydiisanaa oo anagaba ogolaansha-hooda dhib ku qabna ayuu yiri .. Mr. Presedent sidi caadada noo ahayed wixii taakuleyn oo aad noga baahataan diyaar baan idin la nahay ee dhinacaas raali noga ahaada ayuu hadalkiisi siyaad ku soo gabagabeeyey

 ILeyn Nin Meel U Cadahay Meeli Ka Madow .. Madaxweyne Xusni Mubaarak oo hadal iyo hardiba ka dhamaadeen jawaabtaas la siiyey hadal kama soo celin oo markiiba isagoo saluug qaba kor iyo hoos eegeyn ayuu wadada cagta saaray, oo wuxuu markiiba wafdiigi la socday ku yiri: Anigu halkaan waa ka dhoofaya ee Ninki joogaya yeelkiis  .. illa waqtigaas xiriirka Masar iyo Somaliya Ma fiicneyn oo mugdi-mugdi ayaa ku jiray .. waxay isla markiiba joojiyeen ka ganacsigi Geeli iyo lo'di waqtigaas loo dhoofin jiray, sido kale dagaal hoose iyo majaxaabin ul booca noogu tukubeen.

Horay Siyaad Bare wuxuu golihiisi wasaarada saadaal ahaan mar ka dhex sheegay: Haddi Aarki Anwar Sadaat meesha Ka Baxay, halkisi u fariistay Atoor Xusni Mubaarak oo ah hoos madoobe aan lagu dhawaan-karin, Anaga iyo Masar waa u na kala fogeyn-doona .. sidi baana dhacday oo la kala-goys haystay illa Siyaad Bare meesha ka baxay

                    [email protected] 
 

hits Hits : 2547