Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Sheekadi Maska Iyo Ninkii Wacadka Alle Ay La Gashay

Wednesday - Feb 17, 2016



Mas iyo reer ayaa meel wada degay. Markii lays arkaa cabsiyi timi oo la kala baqay. Dhowr jeer ayaa reerki isku deyay inuu maskii dilo; mase suuro gelin. In muddo ah wax sheed layska eegtoba reerkii oo aroos diyaarinaya ayaa Maski gaaf wareegaayey meel dheer kala hadlay. Wuxu ku yiri, “ War cabsi joogto ah kuma jiri-karoe aan heshiino oo wacad Alle galno in aynu is nabadgelino.”

Wacadkii ayaa reerkii iyo maski wada galeen. Iyaga oo cabsidii ay maska ka qabeen ka baxday, ayay farxaddii arooska iyo ciyaartiisii u jeesteen. Nabad, farxad iyo dabaaldeg ayaa lagu seexday. Hasa yeeshee farxadi nimcadi ma sii waarin oo maskii caruuskii ayuu qaniinay oo dilay. Waana baxsaday.

Dabadeed Isaga oo carar baqo firdhad ah oo la daba joogo ayaa waxaa uu ku soo baxay Nin socoto ah. Wuxu ku yiri, " War Ninyahaw i magan geli dad baa idaba socda oo doonaya inay i dilaane" Ninki wuxu u celiyay oo ku yiri "Mas baad tahee sideen kuu aaaminayaa?" Maskii ayaa yiri: " Wacad Alle ayaynu gelayna" labadi dhinacba Wacadkii ayay geleen .. Ka dibna intu Maski ninkii koray ayuu qoorta isaga duubay. Halkii cabsidu joogtay iyo dadki cayrsanaaye maska markay ka fogaadeen, ayuu ninki maski ku yiri,"Kaa soo fogeeyay halkii cabsidu taalayay, hadaba soo deg oo iska nabad gel" Maski wuxu u celiyay oo yiri: " Waar weli nabad ma arke ee inuu wacad Alle inoo xirmo iyo in kale, dad iyo duunyo saddexda inoogu soo horeeya aan arinkeena hor dhigno oo ha ka garnaqeen"
Ninkii oo doonaya sidii uu naftiisa ugu badbaadin lahaa Maskan luqunta iska duubay ayaa yiri, "Bal waayahee ina wadi" Markii u horaysay waxay ku soo baxeen Awr duq ah oo socon kari-waayay oo meel looga guuray. Awrkii ayay u sheegeen arrinkoodii. Ka dib markii labadiiba dhagaystay ayaa Awrki yiri, "Labdiinuba waad aragtaan xaaladayda. Intaas oo sanadood ayaan rag u adeegay. Mar aan taranta geela ugu filaado, mar aan rarka iyo reerka u qaado, mar aan u dhaamiyo. Maalintii aan hawlgabay ee aan dhaqaaqi kari-waayayna, cidlaada aad aragtaan ayuu igaga tegi. Masow inan Rag wacad ma leh ee Ninka dil" Markii labaad waxay ku soo baxeen oday da’ ah oo isna keligii meel fadhiya. Arrinkoodii ayay odaygii hor dhigiin. Odaygiina wuxu ugu jawaabay, "Waad i aragtaan oo kaligii ayaan halkaa kuududaa. Waan dhaqay oo aan dhalay. Kuwii aan dhalay iyo kuwii ay dhaleen iyo xoolahaan dhaqayba cidlaadaasi ayaan ka joogaa. Masow inama ha yaraate Rag wacad ma leh ee ninka dil" Mar saddexaadkii oo ah markii u dambaysay garnaqa, ayaa maskii iyo ninkii ku soo baxeen dawco. Dawacdii ayay arrinkoodii hor dhigeen. Dawcadi waxay ku tiri, "Anigu wax isku raran uma garqaado ee bal horta iska dega.” Maskii ayaa ninka qoortiisii ka soo degay oo dhulkii fariistay. Dawacdii ayaa ninkii ku tiri, "War ka degye hadaba iska celi maska

Suáal Ka faalood nuxurka sheekada?

hits Hits : 4787