Taariikhda waa xarig taxan oo is daba yaala oo leh turun-turooyin aan la soo koobi-karin iyo buuro aan sahal lagu korin oo haddan laga taxadarin kugu sare kaca .. Taariikhda iyada ina tuseysa qaladaadki shalay dhacay iyo wixii sax ka ahaa, balse taariikhda nina ma diido nina ma doono.
Dhacda walba xasuusteed .. Mudadi Bishi 21/ oktobar/1969 ayaa Jeneral Maxamed Siyaad dalka Afgambi aan dhiig ku daadan si nabad ah kula wareegay, laakiin saas oo ay tahay beelaha qaar baa markiiba taabacay, qaarna u qaatay Wadki ilaahay u soo diray ee dili-lahaa .. Muddo dhawr bilood kadib markiiba bulshada Somali waxaa la isla dhex qaaday warar kutiri-kuteen kolba meel lagu dhufanaayo oo sheegaya in dagaal hoose iyo majaxaabin ay ka dhex bilaabatay saraakiishi isku sheegay iney yihiin Rasuulo u soo daahiray Umadda somaliyeed ( Tawradi barakeysan ee golaha Sare Kacaanka) .. laakin warkaas nux-nuxda ma daama aan xayndaabka gudaha madaxtooyada ka shaqeynaaye illa xad shanqartaas waxbaa ka jiray oo arimo badan colaad dhalisay ayaa lagu kala taagnaa .. Qaarkood isla waqtigiiba ooda laga rogtay, qaarna sida jeneral Qoor-weyne daaqda ayaa laga tuuray, iyo kuwa la yiri xil la'aan Afka layrka u dhiga .. Waa la kala war-sheekooday oo sir hoose, jar la isu dego iyo dabin baa la isu xiray oo gurubyo kooxeysi loo kala baxay.
Hadaba Qiyaasti Bishi Maars1971 goor qoraxdu aroorti hore inteysan dhulka soo abaarin waxaa Albaabki hore ee xarunti madaxtooyada Ee Markaas ku dhex tiilay xeradi Afiisyoone soo istaagay sarkaal (Hebal) oo Neef-tuuraya sidi wax mudo la cayrsanaayey, wuxuuna askarti is-baarada hore ee madaxtooyada istaajisay ku baryootamay inu la kulmo sarkaal ay isku hayb ahayeen oo waqtigaas ka mid ahaa saraakiishi sida gaarka ah ula shaqeyneysay Siyaad Bare .. xiligaas oo anigu lafa-haanteyda aan ka mid ahaa saraakiishaas xarunta joogtay, waxaan maalintaas socdaal dhuumasho ah ugu maqnaa magalada Kismaayo oo waxaa madaxweyne Siyaad Bare igu si daray hogaamiyihi ANC Konfur afrika Oliver Tambo oo sii sagootinaayey dagaal-yahano ka mida Jabhadi xoreynta Konfur Afrika oo Markab halkaas joogay laga saaraayey .. Jabhadaan oo ahayed Guerilla Unites marki hore waxaa lagu soo taba baray dalka Ruushka, laakiin waxaa tabar gaara lagu sii siiyey magaalada Kismaayo oo ujeedadu ahayed in markaan dambe ay tababar ku qaataan dhul shabaha dabiicadaha iyo keymaha arlada South Afrika.
Laakiin waxaa xusid mudan oo nasiib daro ahayed, waa dambe oo aan kula kulmay Oliver Tampo magalada Moskow isagoo ka qayb galaayey shirweyne halkaas lagu qabtay, is aragi waa igu farxay ana si la mida ayaan ugu farxay, wuxuuse ii sheegay in Markabkii qaaday dagaal-yahanadi Jabhada ay diyaardo Miig holac daadinaaya South afrikan ah ay ku duqeeyeen agagaarka xeebaha Tanzaniya .. Dhacdadaas oo aan ka xumaaday waan uga tacsiyeyey
Warki aan wadey aan xiriiriye .. Sarkaalki madaxtooyada oo aanan rabin isagana inaan halkaan magaciisa ku xuso ayaa dibada u soo baxay waana u la kulmay sarkaalki (Hebel) ee irida hore taagnaa .. Sarkaal (Hebal) oo la faqay sarkaalki madaxtooyada ayaa hurgufay ubuc qarsooneyd oo u banaanka soo dhigay .. Wuxuu sheegay inu xog dahab ah iyo xaqiiqo sugan uu u hayo Siyaad Bare oo u rabo in deg deg loo gaarsiiyo .. xogtaas u daaha ka qaaday wuxuu nuxurkeedu guud ku koobnaa in malmaha soo socda halka u degnayahay Siyaad Bare wacdaro weerar raqdiisa la washiraayo maalin cadceedu goondaha joogto, isla-markaana madaxtooyada dumis baa u qoran .. gurmadna waa dambeya meelo kala duwan ka iimaanaya, iyadoo buu yiri hawlgalkaas marka hore ay fulin-doonaan Taangiyo, Beebayaal iyo Gawaari Gaashaaman, oo todobaad-kaan lagu soo daabulaayey warshada Dayactirka gawaarida gaashaaman ee madaxtooyada ka soo horjeeda.
Waxuu kalo sarkaal (Hebel) sheegay in Taangyadaas iyo Bebayaashi halkaas la keenay iyo ujeedada lagu sheegay in la dayactiro ay tahay waxba kama jiraan, balse ujeedka runta ah ay tahay in xerada laga soo duulo oo dab la saaro xarunta u ku jiro Siyaad Bare .. Teeda kale ayuu yiri: marka la dayactiraayo Taangiyada iyo Beebayaasha waxaa xeryaha ay ka yimaadeen looga soo reebaa xamuulka hubka saaran oo ma aha sharciyan in ay la soo galan xerada lagu dayactiraayo iyago hubkaas xambaarsan.
Waxaa xusid mudan in Sarkalkaan aan magaciisa sheegeyn (Hebal) ee xogta keenay u ka mid ahaa Saraakiisha Farsamada ee ka hawlgala xerada Afisyoone ee lagu dayactiro Gawaarida Gaashaman, sido kale wuxuu sheegay in si doqon ma garato ah loo duufsaday oo waxaan is arkay ayuu yiri anigo bartanka uga dhex jira golaha afgambiga wada ee la yiri waxaa lagu khaarajinaya Jeneral Siyaad Bare iyo waliba inta saraakiisha golaha sare ee Geesaha Biciidka ka taagta xarunta madaxtooyada .. Dabcan sarkaalka waxaa lagu dabay waa balwadi khamriga oo u ku fogaaday .. Cala Ay Xaal Sarkaalki madaxtooyada oo warbixinta run ula ekaatay ayaa si wacad adag ah ugu jawaabay sarkaal (Hebel) inu warkiisa deg deg u gaarsiin-doono Odaga, isla markaana si qarsoodi ah iyo beri u la kimi-doono, balse hadda gurigiisa dib ugu laabto.
Hadaba Maxaa Ku kalifay Sarkaal (Hebel) Inu Madaxtooyada U Soo Gurguurto Oo Ka War-sheekoodo Kooxdi U Kula Jiray Shirqoolka ?
Habeen habeenada ka mida, Sarkaalka oo gurigiisa la dhex fadhiya Quraarad khamri ah, dabadeed isagoo mirqaanki sakhrada hageyso ayuu Sirti khidada inqilaabka si halalaasi ah ugu qufay Afadiisi, kadib iyado warkaas ka naxday ayey ba'yey isla taagtay .. waxay ku tiri: Waryaa dabin baa lagu miiqay, oo warkaan aad shubeyso iyado baar firatay oo aan cidna ka gabaneyn ayey har Cad dariiqa mogdisho lugeyneysa, oo xitaa Habraha suuqa Yaanyada ku iibiya ayaa og ee Hooge wax qarsoon ma jiraan ee intaan lagu Af-qaadin dooxa kula tagin is daba qabo .. Sarkaalki oo si uun u baraarugay iyo mar dambe oo xoogaa khamrigi ka jabtay iyo isago aan war ka keenin hadalki xaaskiisa ayuu inta sidi goodirka u booday Shaalkisi dhabarka saartay jaf yiri oo madaxtooyadi isa si taagay oo halkaas wax walba ooda uga qaaday .. Sarkaalka sidaas oo ay tahay wuxu ahaa nin bulshaawi ah fur-furan oo dadka barasho ka sameysta.
Sarkaalki madaxtooyada, isla markiiba Siyaad Bare oo sii seexan raba ayuu qolka ugu galay isago markaa sariirta dhabarka ugu jiifa Qol keli ku yahay, Saqafk indhaha ku haya Feker iyo Xasuus ku maqan-yahay sii macaansanaaya .. dabadeed wuxuu u sheegay warka deg deg ah .. Maxamed Siyaad oo maalmo shaqo awgeed soo jeeday oo markaan hurdo la sii gagabaayey ayaa marki warka loo sheegay miyir gadoomay, oo il biriqsi ayey dareema-yaashiisi idilkood xawliga ugu sareya ku shaqeeyeen, isla markiiba hurdadi waa ka haaday oo sidu u Naxay awgeed waxaaba u muuqatay in Already la inqilaabay-ba .. Waa u seexan-waayey, dabadeed in arintu sidaas tahay sii loo xaqiijiyo waxaa si qarsoodi ah loogu soo xaluuliyey sarkaalki ( Hebel) ee warka keenay, kadibna halkaas wax badan daaha ka rogay si fiican ugu dhurmay kana dhigay hadalkiisi wax la dhageysan-karo oo wixii jaangooyo shirqol ka jiray oo dhan From A To Z kala dhig-dhigay.
Siyaad Barre isla subaxdi isagoo sidi u soo jeeda oo warki loo sheegay si dhaba u xaqiiqsaday ayuu u yeeray Jeneral Cali Samantar iyo Axmed Salemaan oo war la' dabadeed wuxuu ku yiri; ka warama xaalada? markaas iyago dhoola cadeynaya ayaa Cali samantar af talyani ku yiri: Mudane Taliye Tutto Normaale non strano, halka Axmad salemaan isna luqada Ingiriiska ku af-celiyey: Everything looks totally normal iyo wax walba waa caadi .. Maxamed Siyaad oo hogaamintisu ahayed Maamul askareed Digtoonow ah oo carysan ayaa yiri; Tutto Normale Afka day! Xaniyaha Alle idin qabay been-loyaal baa tihiin oo waxaad ka war-qabtaan baa iska yar, kadibna wuxuu u sharxay Taangiyada iyo gawaarida gaashaaman hubka gurada looga soo buuxshay ee la soo dhigay irida Madaxtooyada ee la rabo in lagu soo weeraro madaxtooyada .. Jeneral Cali Samantar iyo Axmed Salemaan iyago Wadnuhu hig-leynaayo afku hadal daayey ayey meesha ka carareen oo markiiba qaylo roor ku yaaceen xeradi hubka la soo dhigay oo halkaas wixii hawl uga aadana ka qabsadeen.
Rabiga Aduunyada Lahaa Suu Rabay Noqone .. Ugu dambeysti goor habeyn madow la gudaayo waxaa shir wada qaatay qaar ka mida Saraakiishi golaha Sare ee UL iyo Diirkeed markaas wada ahaa: Jeneral Maxamed Siyaad, Jeneral M. Cali Samantar, Jenaral Axmed Salemaan, Jeneral Ismacil Cali Abukar iyo jeneral Geelle, dabadeed dood ka dib oo qaar yiraahdeen aan deg deg u qabano raga inqilaabka wada iyo qaar yiri aan sugno kaadi badane waa loo gogol badshaaye .. Gunaanadki waxaa xoog batay gurubki yiri: inta aan khasaaruhu badan waa in godod-kooda loogu galo oo maxkamad la soo taago si quraanjowga ugu quusato .. Laakiin kooxdaas saraakiisha iyaga laftooda waayo dambe dareen baa kala galay oo daad baa kala xiray.
Noloshu waa imtixaan guul-daradana waa sunaha nolosha, ma jiro wax kuu damaanad qaadi-kara inaad mar kasta guuleysatid .. Gurubki inqilaabka waday nabar weyn baa gaaray markii qorshahoodi Sarkaal "hebal" ka war-sheekooday, oo halkaas waxay ku Faliseen Yeekihi ugu dambeeyey ee gacntooda ku jiray, balse waxoodi oo dhan iyo wixii u hilaacay wiish baa la booday, waxaa ku dhacay axwaal ciil-cun iyo dibin Ruug iyo i-bixi-yoow i-bixi lala dhuumaaleystay .. Dhamaan saraakiishi ka dhambeysay fikirki inqilaabkaas dhicisoobay laba maalin gudahood baa lagu soo qab-qabtay oo ugu horeeyey Jeneral Salaad Gabeyre iyo gacan-yarahiisi hawlgalka inqilaabka korneyl Xuseen Gani oo isagu marki dambe ka mid ahaa sarkaalki sida gaara ugu markhaati furay, xog badana ka baxshay Jeneral Salaad Gabeyre .. Korneyl Xuseen Gani wuxuu waqtigaas la qabanaayey taliye ka ahaa xerada dayactirka gawaarida gaashaaman ee shirqolkaas lagu abaabulaayey.
Waxaa Hore Loo Yiri Labadi xaaraanta ku heshiisa xaqay isku dilaan ama isku qabsadaan .. Jeneral Salad Gabeyre in kastu galbaday oo xabaalaha la dhigay haddana haddi runta la rabo kaalin hormood ayuu ka qaatay guushi Afgambigi Oktoobar 21/ 1969 ee garan-garisay dawladi Madaniga ahayed, laakiin ma daama u marki dambe isu qaatay haadka kaliya ee ka dhex duula saraakiisha kacaanka, isla markaana laga dareemay hankiisa-weyni inu Kursiga Maxamed Siyaad laacayo, waxaa loo dhacay sidii Geel loo dhici jiray, awood ayaa loo sheegtay oo kaalintisi sabab kasta ha jirte waa la dudsiyey isagoo aan hiil iyo hoo midna haysan.
Jeneral Salaad wuxuu isu arkay in isku shaandheynti lagu kala asteeyey jagooyinki golaha sare isaga si gaara loogu gumeeyey oo muran laga taagay inu taliye ka noqdo ciidanka Xooga dalka, iyado halkiisi General Maxamed Cali Samantar loo camiray, dabadeed waa uu is galay, ciil deyn-waayey, dibnihiisi ku waashay sidi wax waalan oo saluugay jago wasiir markaas loo igmaday, taaso keentay inu noqdo nin qiireysan oon quusan oo ku hadaaqa "Aniga ama duufaanta", dabadeed waxaa soo maray hilaac wata fikrad inqilaab aan xisaabta lagu darsan xikmada tiraahda Dad iyo Duurba waxaanad fileyn baa kaaga soo baxa .. Jeneral Salaad qadarka ayaa Haadaan ka tuuray ee ma u dadaal iyo garsho yareyn, balse markii caradiisi awgeed oo nafsadiisa isku dhex yaacday ayaa Sheydaan afduubay .. Nabsiga iyo Nasiib-xumo sida caadiga ah waa mataano .. Jeneral Salaad waxuu ku dambeyey waa nasiibkiisa ama nasiib-xumadiisa.
Writteen By Editor: Mohamed Ali Hashi ( Maxamed Bin Cali)