Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

China Oo Mar Sida Somaliya Dawlad La'aan La Fadarowdey Oo Markaa Nabadi Si Waxshnimo Ah Uga Dhooftay

Sunday - March 6, 2016



Waqtiyadi hore Dawladihii China mid ka mida ayaa kala daadatay oo noqotay dawlad sida somaaliya faashil ah. buurburkii dawladooda waxaa dadkii uga darnaaday Aabaaro, duufaano is daba jooga, hadana cunadi ayaa yaraatay dadkiina gaajo iyo macaluul ku habsatay, waxaana xigay qas iyo qalaanqal oo dad badan la muuraduugay. waxaa burburay damiirkii Daka illa cid is aaminta la waayey taladi noqotay wax dil un.

Dadkii matada ahaa gaajada iyo macaluusha waxaa ugu darnaaday burcad iyo tuug dhac iyo dil la dhex gashay, hir dhiig qul-qulaya oo meydkii meel walba is feer yaal . xaaladi waxay gaartay in la quusto iyo in noloshi markale caadi ku soo noqoto.

Dabadeed dadku iyago quus jooga la yaaban-yahay ayaa wixii iyo waayeel is helay iyagoo qiireysan Shireen .. kadib dood iyo falaanqeyn kadib waxay isku raaceen in Nin madax ahaan jiray oo kalsooni weyn lagu qabay ayey hogaamiye u doorteen oo xil saareen inu dalka ku soo celiyo nabadgalyo, xasilooni iyo maamul kala dambeyn oo haybad leh.
Hogaamiyihi wuxuu hawshiisi ka bilaabay in uu guutooyin ciidan amaanka suga dhiso. ogeysiis iyo xayeysiis ayuu sameeyey nooca ciidanka u doonaayo in u dhiso sadex heer oo kala sareeyana waa u yeelay

1- Heerka ugu sareeya waxuu ka dhigay wixii qirtay in ay yihiin Dad dil iyo burcad waxaanu ka dhigay madaxdi u sareysay ciidanka mushaarkii ugu badnaana waa u qoray.
2- Heerka labaadna waxuu ka dhigay wixii qirtay in ay yihiin Tuug, oo darajadi iyo mushaarkii labaad lagu qaatay.
3- Heerka sadexaad ee ciidankana waxay noqdeen dhul jiifkii gurdan raacay burcada iyo tuugta oo noqday askarti ciidanka, mushaaradi u hooseysana loo qoray.

Muddo laba todobaad gudahood ayaa taliyihii arinta loo xil saaray dhisay ciidan  ku dhaw-dhaw Toban Kun askari oo si daran-dooriya iyo deg deg loo tababaray, kadibna ciidankii ayuu habeeyey oo ciidan is haysta oo rasmi ah ka dhigay. marku ku qancay inu ciidankii gaarsiiyey halka la doonaayey ayuu soo tubay oo la hadlay.
Waxuu ku yiri: wixii dambi aad qof qof u geysateen waa la idin ka saamaxay, mar dambana la idin raacnmaayo, hasa-yeesh waa inaad ka toobad keentaan iskana mayrtaan dambiga aad qaranka ka gasheen .. si aad dambiyada isag mayrtaan waa in burcadi iyo tuugadi saaxiibadin ahaa ee ku soo biiri-waayey ciidanka soo qabataan haddi ay idin diidaana laysaan.
Ciidankii qorshihi taliyuhu u dajiyey ayey si dhab ah u fuliyeeen, waxayna ku guuleysteen muddo sanad gudihi iney laayaan saaxibadood oo ciribtiraan burcadi iyo tuugti, kadibna dadkii heleen nabadgalyo, xasalooni, nolol xarago wadata iyo maamul dawladeed

hits Hits : 2347