Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Runey Lagu Neceb Ee Dad Yaa Haray Maxaa Duunyo Nool .. Hadal-haynta Dilki Shiikh Cali Dheere Iyo Halkay Nala Gashay

Monday - May 17, 2021



Akhristow, Waxa Runta la yiraah waa xaalka keli ah ee u aadami ku qanco, laakiin haddi kolba midab loo yeelo been la qurxiyey waa cishooyin waxa ay shaqeysa, aakhirkiina iyada oo dhabti ah bay daaha iska xaydaa .. Shabakada Galdogo Times oo iyadana dhinaceeda doontay iney wax ka ogaato dhacdadi lagu dilay Shiikh Cali Dheere, kaasoo meydkiisi laga helay geed hoostiis iyo meel laga arki-karo Galdogob, Meeydkaas oo sida la sheegay Fat'ta Rasaas badan dusha looga shaandheeyey.

Galdogob Times oo u tafa-xaydatay iney raad raac ku sameyso sheekadaan dilka ee laga curiyey qoraalo sidi hirka maanyada u rogmanaaya, kolba midab loo yeelay sidi iyado meydki shiikha la wareystay ileyn somali wax kasta wey wareystaane oo xita hadalka laftiisa waxbey weydiyaan sida beeney maxaad tarta .. Warka oo kooban waxaa ugu horeyn kor iyo hoosba shabakadaan u soo baxday in dilka shiikhaas ay ka dambeeyeen hay'adaha sirdoon shisheeye qaybtooda la dagaalanka argagixisada oo saldhigoodu lagu tilmaamay Jabuuti iyo Nairobi, waxaana muuqatay in shiikhaas muddo dheer dabagal xaga war-qabadka Taleefonka laga dhageysanaayey, isla markaana dabagal ilaalo guud la saaray (surveillance) .. koleyba dabagalkaas la saaray lama oga wax xog ah oo ay ka heleen.

Sida War-xuuraanku sheegaayo go'aanka dilka shiikhaas Somali bataatan shaqo kuma laha, laakiin adeege ahaan kaliya loo adeegsanaayey (agent) balse waxaa cad in Sir-doonkaas xogta aruursaday ay iyagu go'aan ka gaareen khaarijinta shiikhaas, dabadeedna qorshaha la dhigay ayaa u muuqday in laba kooxo aan iyagu is ogeyn ay shiikhaas dilkiisa ka hawlgaleen .. Koox u ku jiro Cabdixakim Cabdi-Salan Aadan oo amar taliye fulinaaya waxaa loo xilsaaray si baaritaan loogu sameeyo shiikhaas in waaga waabari arooryo ka soo wadaan gurigiisa, halka koox ka mida Qaatilada Raxanta Sheydaan ee la soo kireystay lagu yiri idinku la wareega oo agagaarka galdogob ku Gawraca .. Dhinaca kale Kooxdi soo kaxeysay oo u ku jiro Cabdi-xakim waxaa lagu yiri Digtoonow dib u jeensow oo Galkacyo lagu reebay, kadibna waa Cabdi-xakime isago Galkacyo jooga ayu maqlay in Shiikhi u soo qaaday la dilay, dabadeed baafinti u maqlay ayuu argagax ka qaaday iyo filan-waa, kdibna carar ayuu dhabada jeexday ayaa la leeyahay.

Askari Cabdi-Xakim Cabdi-salaan, oo og ficilki waqti hore ka dhex dhacay Sacad iyo beesha u ka tirsan yahay ee leelkase, sina uma yeeleen in isagoo u dhashay Leelkase u nin Sacad ah intu gardaro ku dilo, haddana intu xambaaro meydkiisa si Reer Galdogob loogu shaabadeeyo u halkaa iyo gurigiisa soo dhigo .. Ruuxiyad ahaan iyo dhaqan-ahaanba Dadyooga Leelkase xitaa Geed xun-kooda, Day-day-gooda waaba hadey leeyihiine, koleyba ficiladaas oo kale marna ma sameyaan ..  shicibka Beesha Sacad sheekada Doc ka yeerka ee lagu shaabadeeyey Leelkase waxay u arkaan Riwaayad kolba qof soo galaaya midna ka baxaayo.

Arintu si kastaba ha noqote, Ogaada baarista Kiiskaas iyo dambigaas dhacay in natiijo xalaala laga gaaro waa Cirka iyo Dhulka isku soo dhawaaday, maxaa yeelay waa arin ay ka dambeyaan sir-doon shisheeye muruqooda daawada oo ku xariira la dagaalkanka argagixisada geeska Afrika, waxayna saxiix guud ka haystaan madaxda maamulada dalka oo uu fasaxaya iney ninkey doonaan magac aragaxiso ku khaarijin-karaan cid ka daba hadli-kartana aysan jireyn ..  Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xirin Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin. 


hits Hits : 2063