Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Inaad Duceysato Oo Aad Alle Barido Waa Cibaadada Dhabta Ah .. Waa Qiso Dhaba Oo Sheegeysa Raxmada Iyo Awooda Rabi

Friday - September 16, 2022




Maalin Maalmaha ka mida oo xiligu aha waqti Roobab cirku hab-qamaayo xareed lagu harqaday waxaa meel u dhaxeysa Degmada Yeed iyo degaanka Aato ayaa baabuur xamuul is-jiid ah oo halkaas maylka u tirinaayey ayaa wuxuu dhiiqadi Roobka ku bar-bariiqdaba ugu dambeyn God ayuu ku shalmaday .. Ma daama wadadu Roob awgiis dhiiqo ahaayed, waxaa darawalki gaariga waday in badan isku dayey inu baabuurka Godka ka saaro, hasa ahaate waa u ka caal-waayey talana waa ku cadaatay, wuxuuna door biday inu jidka dhinciisa daal awgiis isaga nasto illa u helo cid wax u qabata, waxaase xasuus mudan in intaas u la halgamaayey sidi u baabuurkaas Godka uga saari-lahaa marna kuma soo dhicin xasuusta ilaahay.

Muddo yar kadib goobti u darawalka fadhiyey ee baaburka dhiniciisa ahayed, waxaa soo maray Oday Reer miyi waayeel ah foolasha maqn-yihiin, wuxuuna arkay gaariga Godka ku jira iyo darawalka muragada haysta oo dhafoorka haysta .. Odagi oo mashaqada meesha taala la yaaban ayuu darawlki kula taliyey:  inu ILaahay xuso oo ka baryo gargaar baabuurka godka looga saaro .. Darawalki isagoo dhoola-cadeynaaya wuxuu quursaday ereyga ka soo baxay Afka Odeyga .. dabadeedna darawlki oo jawaabaya ayaa yiri " Carrabki qoyani waa iska hadlaa ee oday orodo naga taga, ma ilaah baa cirka ka soo dajinaaya Wiish baaburka Godka iga saara, oo hadana mar-kale yiri: War orod oo hortaada u sii soco.

Odaygi Waayeelka ahaa marku ereygaas darawalka afkiisi ka soo baxay goobti waa isaga cararay isago leh" Kan wax aan la garaneyn baa ka sharqamay oo Nasteexo waa diidaye, balse Eebe wax-kasta waa awooda, Eebe wax-kasta waa awoodaa" .. dabadeed Darawalki mar dambe oo ciil la gadoodsan ciirsila wax caawiya waayey, isla markaana murugo iyo culeys badan saaran yahay ayuu hadana isku dayey inu gaariga Godka ka saaro, hasa-ahaate sidi horaba waa u ka quustay, laakiinse markaan dambe waxaa darawlki afkiisa ka soo baxay " Alla Eebow waan daalay Ee ii gargaar oo gaariga Godka iga saar .. Ereygi marku afkiisa ka soo dhamaaday, waxaa isla markiiba goobti soo istaagay Gaari Wiish ah oo ku rakiban qalab casri ah oo isla markiiba darawalki ku yiri "Gal Gaariga oo Kici" dabadeed inta wiishkiisi gaariga ku xiray ayuu si il-briqsi ah gaarigi banaanka soo dhigay .. Gaariga Wiishka ee noociisa aan lagu arkin gobolka Bakool iyo baydhabo, balse carriga somaaliya aan oolin-ba ayaa isago aan darawalki Juq u oran ayuu si laysar ah u libmay.

Darawalki oo ay ku dhacday Af  kala-qaad u qaadan-waa iyo anfariir oo haddana la yaaban raxmada iyo awooda Rabi, lana tacajubay sida loogu gargaaray, wuxuu u mahad celiyey Eebaha sida lama filaanka ah wax u sameeya, halkaaso ugu dambeyn u ILaahay talo saartay oo istikhaareystay, isla markaana ku duceystay in ilaahay u dooro niyadiisa iyo inu Xajka tago, waxayna arintaa ku reebtay ma-hadho iyo argagax .. Wuxuu Rabi ka codsaday dhambi dhaaf gefki u galay ee u kaga shakiyey awooda Rabi .. Rabi waa u mahad naqeynaa sida ay xaq-nimadiisa tahay ayuu hadalkisi ku soo koobay

Fiiro Gaara: Taarikhda oo aan dib u xasuustay sanadku wuxuu ahaa 1976 Sheekadaan waxaa iga sheekeyey darawalki ay arinkaan qabsatay




hits Hits : 1666