Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Qiso La Yaab Leh Oo Ku Jirta Mucjisadaan .. Kumuu Ahaa Saxaabigi Meydkiisa Ay Malaaigtu Mayrtay

Sunday - September 18, 2022



Dagaalkii Uxud markuu dhamaaday ayaa Nabigu (N.N.K.H.A) wuxuu baadi goobay saxaabadiisii ku geeriyootay dagaalkaas iyo kuwii ku dhaawacmay, kadibna waxa la helay saxaabadii Xamse ibnu Cabdul-mudalib, Muscab ibnu Cumayr, Anas ibnu Nadri, Sacad ibnu Rabiic iyo Xandala ibnu Abucaamir oo ku shahiiday dagaalkan, kadibna Nabigu wuxuu yiri: Ilaahayoow, kuwan anigaa marag u ah maalinta qayaame. Saxaabada shahiiday waxa kamid ahaa saxaabiga Xandala ibnu Abucaamir oo reer Aws ahaa.

Saxaabigan Xandala wuxuu guursaday gabar uu dhalay munaafiqii waynaa ee Cabdilaahi ibnu Ubay ibnu Salool oo la yiraa Jamiila bintu Cabdilaahi hase ahaatee iyadu waxay ahayd gabar saxaabiyad wanaagsan ah .. Habeenkii bari oo kale ay tahay dagaalkii Uxud ayuu la aqal galay kadibna subaxii markii la gaaray ayaa lagu dhawaaqay dagaalka, markaasuu soo baxay isagoo degdegsan, wuxuuna lahaa Janaabo oo aanu ka soo mayran kadibna dagaalkii ayuu ku geeriyooday. Markay saxaabadii arkeen maydkiisii ayey waxay hareertiisa ka heleen qoyaan iyo biyo lagu mayray maydkiisii, kadibna Nabiga ayaa loo sheegay markaasuu yiri: Malaa’igtii Rabbi ayaa mayrtay ee bal arrinkiisa soo waydiiya haweenaydiisii.

Haweenaydiisii Jamiila ayaa tiri; wuxuu iga soo baxay isagoo janaabo leh kadibna dagaalka ayuu ku geeriyooday, sidaas darteed ayey Malaa’igtii Rabina u mayrtay maydkiisii. Waa mid kamid ah karaamadii saxaabigaa Xandala ibnu Abucaamir.

Saxaabadii Ansaarta oo isu faanaya ayaa reer Aws waxay oran jireen: Anaga waxaa naga mid ah: kay Malaa’igtu maydkiisa mayrtay Xandala ibnu Abucaamir, mid carshiga Raxmaanku u gilgilmay oo ahaa Sacad ibnu Mucaad, ku maydkiisii ay Shinni difaacday Caasim ibnu Thaabit iyo kii maragiisu u dhigamayey laba nin (Khusayma ibnu Thaabit) .. Saxaabiga Malaa’igtu u mayrtayna waa Xandala ibnu Aburaafic ilaahay haka raali ahaadee .. Saxaabiga carshiga raxmaanku u gariiray markuu dhintayna waa Sacad ibnu Mucaad .. Saxaabiga Shinnidu difaacdayna waxa weeye Caasim oo wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Badar