Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Waa Maalin Cad Oon Madoobeyn Waa Maalin ILaahay Aan Maalno Hasheena .. Wasiir Fardoosa Cisman Cigaal Oo Wacdaro Ka Dhigtay Waqooyiga Ameerika-Canada

Thursday - October 20, 2022




Shimbirka Hadlay Gorgorka Maanta .. Waxaa maal-mahaan waqooyiga Ameerka gaar ahaan Arlada Kanada socdaal ku soo kala bixisay Wasiirka Gaadidka iyo Dulista Hawada Marow Fardowsa Cisman Cigaal, taaso kulamo iyo xaflado is daba-yaal ka kala dhacay magaalooyinka Montreal, Ottawa iyo Toronto .. Xajmiga ergada shirka jaaliyada ka soo qayb-galay ee ay kulanka la qaadatay ayey halkaas si dhaba ay doc-kasta uga warantay xaalada guud ee somaliya iyado waliba si tifaftiran warbixin iyo tusaale ka dhiibatay hawlgalada dagaal ee lagula jiro kooxda cadawga al-shabaab ee horay sumadoodu u ahayed Tuug shaarka soo badalatay oo maanta magac Diin ku qaraabanaaya, isla markaana ujeeedadoodu tahay Ha la ba'o balaayana ha dhacdo, shacabna yuusan harin, waxay neceb yihiin ayey tiri bulshada guusheeda oo kuwaan meel ay dadka iyo dalka u wadaan ma jirto aaan ahayen qas iyo buuq la galiyo ..  Haatan dan iyo hadal Wiilasha shabaab maanka laga qaaday dilka uma kala eegaan Hooyo, Caruur iyo Waayeel-toona, balse dagaalkaas dawladu gudoonsatay iyo gantalka maanta ku dhacaya al-shabaab iyo mac-macaanka ka go'ay wey u qalmaan ayey wasiiradu tiri .. Xudunti dalkeygaay Xamarey ma nabadbaa 

Datooreysa wasiir Fardowsa, waxay doodeeda iyo war-bixinteeda inta badan kaga hadleysay baahida loo qabo in jaaliyadaha dibada ku nool ay si toosa uga qayb qaataan halganka loogu jiro sidi somaaliya ay markaan cagaheeda isugu taagi-lahayeed .. Wasiir Fardoosa waxay carabka ku dhufatay in dhalanteedka iyo waxaan jiri dan somali ahayen laga baxo oo habeen iyo maalin loo soo jeensto wax qabad iyo in lala yimaado fikrado wax ku ool ah oo wax tar leh .. Fardoosa waxaa hadalkeedi ku jiri oo ay tiri:  si wada jira waa in hal meela lagu duulo, isla markaana hal go'aan la qaato, Ma aha ayey tiri in dhadhamo yar oo maalin la' ah ineynu dhaafsano noloshi iyo horamarki dhameeyd ee dalka

Hadal nin badiya ma wada oran, nin yareyna kama wada tagin oo wax uun buu yiri .. Wasiir Fardoosa ayaa iyado hadlkeeda soo koobieysa, waxay markale ugu baaqday qurba joogtada somaalida in ay gacan ka geystaan dadaallada dowladda ay ugu jirto sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab, waxay kalo jaaliyada kula dardaarmatay inay sidoo kale gacan ka geystaan dadaallada ay dowladdu ku caawinayso dadka ay Abaaruhu saameeyeen iyo isbedelka cimilada.

hits Hits : 2005