Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Reer Baal-Shimbiro Oo Ku Habsaantay Riwaayadaha Alifaada Shahaadada Digriiga Ee Qabyaalada .. Halka Reer Baal-Digaag Ka Qaramoobeen Oo Wakaa Dekadi Garacd Maalgashey

Saturday - October 22, 2022



Puntland -Garacad .. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug .. Sido kale Wafdiga ka qeyb galay xarig jarka waxaa ka mid ah madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida mudane Cagjar, isla markaana waxaa halkaa goop-joog ka ahaa Madaxweynaha Konfur Galbeed iyo wafuud kale oo ka kala socota wadamada geeska Afrika.

Waxaan Daah saarneyn in degaanka gobolka Mudug marxalad adag soo maray, colaad, abaar iyo gaajo welina ila xad ay ka jirta, sidaa oo ay tahay waxaa degaankaas ka kacay Rag rug-cadaa ah is badal-doona iyo dhalinyaro darban oo isu bahayeystay sidi dhibkaas degaanka looga yareyn-lahaa, oo goostay iney qabyaaleysigi iska yareeyaan kuna dhaqaaqeen abaabul si iskaa ah u dhistaan Dekad weyn oo kaalin ka qaadata horumarka dhaqaalaha .. Waa Run ILaahay bulsho ma badalo ILa ay Iyagu Naftooda Badalaan, Teeda kale ibleyska quluubta ma dego haddi aan loo yeeran oo laga furin albaabka .. waxaase xusud mudan in beello badan oo maanta ka jira arlada somaliya halki ay u dhaqaaqi lahayen midnimo iyo horumar, balse warkoodu waxuu ku dhamaaday Niiq-niiq iyo sheeko qabyaaleysan oo dhoocil hadalkeed ka si liita .. Inta badan qabaaiilka Daarood, Digil-Mirifle iyo Hawiye waa xanaaqsan-yihiin oo buuf-taamayaan sababtana lama yaqaan .. Beelahaas cid hormarisa ayey u baahan-yihiin ee cid u abtirisa uma baahna, balse uma baahna jifo jufo sidi Basasha iney isu miiq-miiqaan taaso sabab u noqotay iney waxba qabsan-waayaan

Ilaahay oo ay naxariistiisa ballaaran-tahay wuxuu ajibay dalabki adoomadiisa ee Reer Mudug, oo halkaas waxaa maanta la daah-furay Dekaddan maanta taariikhda lagu dhaabay ee qorshaheeda hadba dhinac soo dhiganeysay ayaa lagu dhisay isku Tashi iyado ay xusid mudan tahay in dhismaheeda tiro inta la xasuusan-yahay uu qaatay muddo sanado ah, waxaana muuqata in Reer mudug horomarkoodi fikirka iyo wax qabadka in dhogor cusub soo fuushay oo ay dheeshi ka badiyeen wixii diidana in dekadaas hirgasho oo ay ugu horeyso Hay'ada Dekada Abu-Dabi .. Xogo aan helnay ayaa dhanka kale sheegaya in dekaddan lagu si kordhin-doono qaybo kale oo muhiim u ah maraakiibta waaweyn ee sida Container-da cul-culus, waxaa kalo jira oo iyadana dhawaan la dhisi-doono Airabooror caalami ah iyo dhawr Hoteelo oo ku tedsan Dekadaas

Kaalinta ama Doorka Dekada Garacad

Dekada Garacad waxa ay ku taalaa bad weynta Hindiya waqooyi bari gobolka Mudug ee Putland, Gaalkacayo waxa ay u jirtaa 240km, Boosaaso 920km, Berbera 1400km. Tuurdibi oo ah magaalo xuduudeeda u dhaxaysa Putland iyo Itoobiyana waxa ay u jirtaa 303km, Tuurdibi qorsha ahaan waa meesha ugu weyn ee la rajaynaayo in ay u adeegto Dekada Garacad.

Dekada Garacad inta aynu ogsoonahay waxa maamula oo gacanta ku haya shirkad waddaniya kana dhisan gudaha Putland, magaceeduna yahay Waddaagsan Company (LLC) xarunteeduna tahay magaalada Gaalkacayo, shirkadaasi oo loo aasaasay hirgalinta mashruuca Garacad oo ka kooban.

1- Dekad: oo ka kooban aaga suuqa xorta ah " Free Zone” Barxada koontiinarda, iyo Bakhaarada kaydka allaabaha.

2- Kayd Haamo Shidaal

3- waddo 300-km ah iskuna xira, Garacad, Gaalkacayo, iyo Goldogob.

 Mashruucan Garacad waxa lagu qiimeeyay in uu ku kacaayo maaliyad ahaan lacag dhan  $ 325milyan, waxaana hadda dhamaaday wajigii koowaad ee mashruuca kaasi oo ku kacay  $ 150m, sida ay sheegeen Shirkada gacanta ku haysa ee Waddaagsan. Dekada Garacad inta hadda dhamaatay waxa ku soo xiran kara Afar Markab, guntahoose ee biyahana dhererkeedu waxa weeyi 8m ilaa 13m.