Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Fadliga Iyo Qiimaha Salaada Subax .. Muxuu Waayey Muslimka Salaada Subax Ka Tagtay

Tuesday - November 22, 2022



Muxuu waayaya Muslimka Salaada Subax Ka Tagta .. Jawaabta Su'aashaan Waa Sidaan:
1) wuxuu waa-yay sababtii ugu waynayd ee jannada uu ku gali-lahaa .. Rasuulku scw wuxu yirii qofka Tukada labada qab-qabow jannada ayuu galay oo waa salaada iyo salaada casar .

(2) wuxuu waay-yay sababtii ugu waynayd ee uu Naarta uga bad baadi-lahaa .. Rasuulku scw wuxuu yiri Naarta gali-maayo qof tukaday marka ay cadceedu soo baxayso iyo marka ay dhacayso salaada subax iyo salaada casar.

3) wuxuu waay-yay ilaalintii allah stw .. Rasuul scw wuxuu qofka tukada salaada subax wuxuu ku dhiraa maganta allah.

(4) wuxuu waa-yay ajarkii qiyaamu laylka .. Rasuul scw qofka salaada subx jamaaco waxaa loo qoraa inuu salaad u taagnaa habeenka dhamaantii qofka salaada cishe jamaaco ku tukada waxaa loo qoraa inuu salaad u taagnaa habeenka kala barkii.

(5) waxuu waay-yay La kulanka Malaaigta inay ku daraan liiskooda .. Rasuul scw wuxuu yiri waxa isku kiin cirbinasa Malaaigta maalinta iyo ta habeenkii waxay is badalayaan salaada subax allah ayaa waydiinaya asaga oo uga cilmi badan maxaa kaga timaadeen adoomahay .. Malaaiigti waxay oranayaan waxaanu u tagnay iyaga oo Tukanaya waxa ka nimi iyaga oo Tukanaya Allah stw wuxuu waydiinayaa maxay I waydiisanayeen asaga oo iga cilmi badan waxay oranayaan waxay ku waydiisaneen dhanbi dhaaf .. Allah stw markhaati ka haada waan u danbi dhaafaye.

(6) wuxuu waayaya nuurkii wajiga iyo iftiinkii malinta qiyaame .. Rasuul wuxuu yiri scw ugu bushaare kuwa u lugeynaya Masaajida xiliga madawga ah inay leeyihiin Nuur dhamays tiran maalinta qiyaame.

(7) waxa u waayaya ajarka iyo abaal marinta ka wayn aduunka iyo waxa dhexyaal .. Rasuul scw wuxuu yiri labada ragcadood ee salaada subax ka horeeya waxay ka khayr badan tiyihiin adduunka iyo wax yaa-laha dhex yaal hadii sunihii sidaa yahay maxaad u malayn faral kii!?.

(8) waxa uu waayaya khayraad-kaas iyo abaal-marinadaa .. Rasuul scw wuxuu yiri haday garan lahaayeen salaada Subx iyo mida Cishe way iman-lahaayeen walow haba soo (gurguurtaane)