Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Qofki Waji Been Ah Kugula Socda Qosol Beenaa Lagula Socdaa .. Hertaanyo Huursaneyd Ee Dhex Tiil Saciid Deni Iyo Xasan Shiikh Oo Markaan Ku Heshiin La' Sidi Xeerada Faraha Loo Wada Galin-Lahaa

Saturday - December 3, 2022





Warar weli si hubin ah u baahan ayaa sheegaya in khilaaf cusub ka dhex bilowday Madaxweynaha DFS Hassan Sheikh Mohamud iyo Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni .. Khilaafka ayaa salka ku haya arrimo shaqsi iyo heshiis hoosaad dhexmaray labada Madaxweyne, kaas oo dhigayay in fursado dhaqaale iyo in dad ka agdhow Madaxweyne Siciid Deni loo magacaabo safiiro iyo xilal kale.

Sidoo kale xogtaan ayaa tilmaamaya in khilaafka hada uu xoogeystay, kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga baxay Siciid Cabdullaahi Deni ballan uu horey uga qaaday, taas oo la xariirtay inuu safiirka Imaaraadka Carabta u magacaabi doono qof katirsan Reer puntland.

Waa sida la sheegaaye, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu Danjiraha Imaaraadka ka dhigo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mohamed Hussein Roble.

Siciid Deni oo khilaafkaas ka duulaaya ayaa soo saaray saacadihii la soo dhaafay amar uu dal-dhigay Golaha Wasiirada Puntland, kaas oo dhigaya in aysan wax wada shaqeyn ah la yeelan karin Wasaaraddaha heer Federaal. Tallaabadan ayaana lagu bilaabay Wafti ay hoggaaminaysay Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Khadiija Al Makhzuumi oo loo diiday inay yimaadaan caasimadda Puntland ee Garoowe, sidoo kale xogta ayaa muujinaysa in Hoggaamiyaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni laga dalbay in bal inu soo gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdishosi si arimahaas iyo xeerada gacanta loo wada galin lahaa