Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Jimca Wanaagsan Jimca Barakeysan .. Qiiso Kaa Oohin-doonta Oo Aad U Xanuun Badan .. Caasi Waalidiin Ma Liibaano

Thursday - December 8, 2022




Odey 90 Sano Jir ah ayaa isbitaal Ku jiray, waa Camoole Dhib badana Ka muuqdo, Waxaa Isbitaalkii soo Boqday Wiil, Salaan kadib, Odeygii ayaa wax ka codsaday Wiilkii .. Wiilkii ayaa yiri Adeer Caadi waaye i weydii Codsigaaga, Odeykii 90 sano jirka ahaa ee Camoolaha ahaa ayaa yiri Wiilkeygiyow 3 Beri afka waxba ma saarin Gaajo ayana Basteey la ahay,wuxuu kaloo yiri Cuntada ay Bixiyaan isbitaalka Abiteed uma haayo oo ma Cuni Karo igumana Soconayo ee Hadaad heyso Beeso ama Lacag waxaan kaa codsanaa in aad ii soo iibiso Hal xabo Rooti ah.

Wiilkii ayaa intuu aaday Suuqa wuxuu ka soo iibiyay Rooti iyo Cabitaan iyo Cuno, wuxuuna siiyay Odeygii waayeelka aha, Odeygii Markuu Rootigii Jab ama Gabal yar ka Goostay, ayaa wuxuu Fiiriyay Wiilkii intuu dhoole cadeeyay ayuu wuxuuna ku yiri: kheyr Allaha Ku siiyo Wiilkeygiyow,

Wiilkii ayaa wuxuu Weeydiiyay Su'aal ah Adeer Wax ilmo ah Malihid miyaa? Odeygii ayaa yiri Wiilkeygiyow waan leeyahay Ciyaal, 10 ilmo ah ayaan leeyahay oo Wiilal iyo Gabdho iskuugu Jiro, Laakiin wey weynaadeen oo ay Guursadeen Qof walbana wuxuu la Joogaa Xaaskiisa weyna i iloobeen meeshaan ayeeyna iiga tageen, wuxuu Yiri waxaa Maalin ii yimid Anigoo Guri Kaligeey Jooga Midki ugu Naxariista Badan ee ilmaheyga aha, Guri ayan kaligey ku Noolaa Qabow badan wuxuu i yiri Aabow waxaan ku geynaa Meel aad ku nasato aadna u fiican,

Aniga Camoole ayaan ahay (indhoole) UL yar intuu ii dhiibay ayuu i yiri Aabow halkaan Fariiso waa laguu imanaa,. meeshana waa Isbitaal, wuxuu yiri, Cimrigeeyga waa 90 Sano mana fileyn in ay Maalin un isbitaal iiga tagi-doonaa anigoo Kaligey ah waxaa ii dhaantay in aan wax ciyaal ah dhalin ..Wiilkii ayaa wuxuu weydiiyay Adeer xitaa ma jiro miyaa Mid ka mid ah Caruurtaada oo isbitaalka Maalin kuugu soo Booqatay ama kuugu yimid? oo Meeqaa Sano ayaad isbitaalkaan ku Jirtaa? Odeygii ayaa wuxuu yiri waxaan ku jiraan isbitaalka 2 Sano oo Albaab-keeyga xitaa ma eynan soo garaacin ilaa labo sano,

Wiilkii ayaa ku yiri adeer Ilaah u Bari in uu soo Hanuuniyo iyaga kuna sonoqdan .. Odeygii ayaa yiri, maya Wiil-keygiyow Gacmaha ayuuna Kor u taagay Samada isago dhahaayo kama Tagaayo Maalinta Yowmul Qiyaamo Alle Hortiis ayaan istaaga kana soo Horjeesan doonaa iyaga, Markeey Ciyaalka ahaayen kama aanan tagin  hada oo xiligaan u baahnaa Taageerdooda ayeey Meel cidlo ah iga Dhaqaaqen .. waa la soo koriyay waa la soo Kabay waxayna iloobeen waqtigoodii hore iyagoo aan waxba aheyn in lagu soo tabac iyo tiir beelay, waxay moodayaan iney raaxo ku jiraan .. Cabaar Kadib Odeygii wuu iska Ooyay wuxuuna Yiri Allow Aduun iyo Aakhiroba Yeeyna ku Farxin,
Toban Caruur ah oo Hal kheyr qabo aanan ku jrin,

Wiilkii wuu iskaaga Tagay mudo 2 bil ah ayuu soo Noqday wuxuu arkay Sariirtii uu ku Jiifay Odeyga oo Faaruq ah wuxuu weydiiyay Digtorkii Isbitaalka, Aaway odeygii Halkaan Jiifay? waxaa loo sheegay in uu dhintay, wax dad ahna eynan u imaanin oo ay ogeysiiyeen Caruurtiisa in uu dhintay Aabahood Laakiin waxaay yiraahdeen Mashquul ayaan nahay mana imaan karno, waa la daahiriyay waana la karfanay lana Duugay .. Nabiga (cs) wuxuu yiri, Ma Galaayo Janada Qof aan waalidkiis Waajibaad-kooda Gudanin .. Allow Waalidkeen Dambigood dhaaf una Naxariiso, Sidoo kale Walidinta Islamka Aamiin Aamiin Ya Rabi