Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Jaasuuski Ugu Caansana Taariikhda Dunida .. Waa Saxafigi Iyo Basaaski Soofiyeetka Ee Magaciisu Ahaa "Richard Sorge"

Saturday - December 17, 2022



Basaaski weyna Sovietka Ruushka ee magaciisa la oran jiray Richard Sorge, waxaa dalka Jabaan lagu daldalay sanadku marku ahaa Novembar 7/1944 kadib marki isagoo jooga magaalada Tokiyo eeJabaan lagu helay dambi basaasnimo oo u gudbin jiray dalki la oran jiray Soviet-Ruushka.

Jasuuska Richard Sorge oo illa lix luqadood ku hadli jiray, wuxuu Shahaadada Dogtoora ku qaatay political Science ee jaamacada Hamburg, waxaana sidiisaba iska dhalay Aabe Jarmal ah iyo hooyadis oo ahayed Ruush, isla waqtiyadaas amase 1919 wuxuu ku biiray xisbigi shuuciga ee jarmalka, kadibna sanadki 1920 wuxuu u safray magalada Moskow halkaaso sida la xaqiijiyey lagu tashkiiliyey inu ka mid noqdo basaasiinta Ruushka ee dibada ka hawlgala, kadibna dalka Jarmalka ayuu dib ugu soo laabtay dabadeed isago dhaacad isaga dhigaya dalkiisa Jarmalka wuxuu si toosa ugu biiray xisbigi Naziga u hoogaaminaayey Hitler

Jaasuuska Richard Sorge,  isago hoosta ku haysta arimihiisa laba wajiilaha ayuu shaqo ahaan iyo si hawshiisa basaasnimo u daboolanto wuxuu ku shaqeyaayey xirfada wariye jornaalka la yiraah "Farankafort Zeitung" taaso marki dambe madaxdi shirkada jornaalka u ku qanciyo in loo badalo cariga jabaan, taaso ahayed qorsho ay hoos ahaan ka dambeeyeen madaxdi jawaasiisti dawlid Ruushka oo dooneysay in looga soo waramo xogta dalka Jabaanka oo markaas xulufo la ahayed Nazigi Jarmalka .. ugu dambeyna basaaski Richard Sorge wuxuu ku guuleystay inu hawlgalkisi basaasnimo u ku abuuro shabakad basaas oo reer jabaan isaga ku xiran.

Basask Richard Sorge, wuxuu halkaas iyo xiriir faican si toosa iyo mid dadbanba la yeeshay safiirki Jarmalka ee joogay dalka jabaan, wuxuuna inta badan wararka xasaasiga ah ka heli jiray safiirkaas iyo masuulin qaarkeed jabaaneys ah oo ay is barteen kuwaaso si saaxiib-nimo ah ula socodsiiyey in ciidamada Jarmalku u xayd-xaydanayaan weerar ay ku qaadi-doonaan dalka Ruushka iyado qorshaha yoolka u yahay in magaalada Mooskow la qabto .. wuxuu kalo tabiyey in Ciidamada Jabaan aysan u socon dhinaca dalka Ruushka balse qorshahoodu yahay duulaanka dhinaca China iyo Eshiya, hasa-ahaate warkan oo la gaarsiiyey Madaxweynihi Soveetka-Ruushka Stalin waa la marsiin-waayey, balse xanaaq kula dhacay jaasuuskiisi oo yiri "wa been iyo huu-haa oo Richard marku khmriga liq-liqo ayuu wuxuu rabo isaga hadlaa oo aniga iyo Hitler waxaan kala saxiixanay heshiis dhigaaya in 10-Sano la is nabadgaliyo", kadib fikradi Richard oo aan weli la liqin ayaa mar dambe sidu soo sheegay isla markiiba xaqiiqadi dul timi Ruushki oo ciidamadi Jarmalka waxay weerar kadis ah ku soo dhaqaajiyeen Ruushki oo 10-km loo soo jirsaday Caasimadi Moskow .. Ruushki oo weerarka ku hambaaburay waxay dib u xasuusteen tabinti Basaaski Rechard oo markiiba shaleyto galeen

Ugu dambeystiina basaaski Richard Sorge sabab khalad yar oo ay gashay Naag jabaan ah basaasnimada kala shaqeyneysay ayaa sabab u ahayed in la ogaado oo la qabto .. Naagtaas qaladka ay gashay waxay ahayed iney lacag Dolar khidmad u siisay gabar shaqo u qabatay, kadibna gabadhi oo lagu arkay dollar sarifaneysa ayaa la qabtay oo la yiri lacgtaan yaa ku siiyey, dabadeedna tilmaanti iyo lacgta meeshay ka timid waxaa baaris lagu ogaaday shabakadi basaasiinta oo u horkacayey Richard Sorge .. dhamaantooda oo u ku jiro Richard fagaaraha faras magaalaha Tokiyo ayaa harka cad lagu daldalay.

Ruushkiina halkaas waxaa uga dhacay khasaaro aan la soo koobi-karin, oo waxay ka tiiraanyoodeen qiimaha u basaaskaas ugu fadhiyey iyo sida marki hore dhambaalkiisi deg-dega ee ka kacaay loo rumeysan-waayey, laakiin amuurta laga xumado ayaa ahayed marku soo tabiyey in shaki laga qabo u jiro lana ogaaday oo yiri "talo ii soo siya waxaan raba inaan baxsado'e, laakiin madaxweyne Stalin ayaa amar ku bixiyey inu halkiisa si joogo illa amar dambe laakiin waxay ahayed mar ay talo faraha ka baxday oo meel-kasta albaabada loo xiray