Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Talaa Tiri Hay Rog-rogin - Been Baa Tiri Ani i Raac - Xalaal Baa Tiri i Reeb .. Shirki Golaha Wada-Tashiga Qaran Iyo Qodobo La Isku Mari La'yahay

Monday - December 26, 2022




Mogdisho- Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Isniinta maanta ah waxaa ka furmay magaalada Muqdisho. Waxaa xaadiray dhammaan madaxda maamul goboleedyada oo uu xitaa ka mid yahay madaxweynaha ay xiisadda colaadeed haysato ee Cabdicasiis Laftagareen.

Shirkan ayaa si gaar ah looga wada hadlayaa laba qodob oo ka haray shirkii hore, kuwaas oo dhinacyada ay dib ugula noqdeen dadkooda, haddana miiska la yimaadeen iyaga oo soo lafogurey.

Qodobadan oo ay si rasmi ah u faafisay Madaxtooyadda ayaa kala ah kala xadaynta awoodaha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyo federaalaynta garsoorka.

Galdogob Times oo aragtay mid ka mid ah dokumendiyada laga doodayo ee dhanka awood qeybsiga ayaa waxaa muuqata in dowladda federaalka si buuxda loogu dhaafay arrimaha dibedda.

“Balse waxaa la kala qeybsanayaa inta badan arrimaha kale sidda difaaca,” ayay illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo kuna dhow wada-xaajoodyadda sheegeen.

Dowlad goboleedyada ayaa, sidda ay xogta muujineyso, waxaa dhankooda ay qaateen awoodo kale oo badan, balse kormeerka waxaa la siiyay dowladda federaalka.

Lama ogga in la baahin doono faahfaahinta qodobada lagu heshiiyay ama in kaliya lasoo bandhigi doono war saxaafadeed kooban, balse waxaa hubanti ah in qodobada laga hadlay ay yihiin kuwa aad u badan, inkasta oo ay jiraan waxyaabo aan xiligooda la gaarin.

“Xitaa waxaa laga hadlay qodob si weyn u quseyn doona warbaahinta kaas oo ah xuquuqda dhawrista xogta oo la siiyay dowladda federaalka Soomaaliya,” ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Hogaan walba oo yimaada xukunka Soomaaliya waxa uu isku-dayaa in uu wax ka badalo siyaasadihii xafiiska uga horeeyay isla markaana uu la ekeysiiyo sidda maamulkiisa kusii jiro karo waxaana taas ay curyaamisay dhismaha hay’adaha dowliga ah sarrana u qaadey wax is-dabamarinta.