Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Jimca Wanaagsan Jimca Barakeysan .. Sheeko Xikmada Badan " Wiil-yahow Sodon iyo Sadex Sano Ee Aad ILa Socotay Maxaad Cilmi Ah Oo Iga Baratay"

Thursday - December 29, 2022



Mid ka mid ah culumada waa-weyn ayaa waxa uu su'aal weydiiye mid ka mid ah ardeydiisi oo ku yiri: ILa goormaad ila saaxibtay? .. Ardeygii ayaa ku jawaabay: waxaan kula saaxibay mudo laga joogo Sodon iyo Sedex sano" 33" !

Sheekhii ayaa wuxuu mar kale weydiiye ardeygii : mudadaas aad ila joogtay maxad iga koror-satay ama aad iga baratay? .. Ardeygii ayaa ku jawaabay: mudadaas aan kula joogay waxaan kaa koror-saday 8 arimood !

Sheekhii oo ku baraarugay hadalki ardeyga ayaa yiri : Alle ayaa xumaan ka nasahan Wiilyahow cimrigeyga ayaad ila qeybsatay igamana kororsan ilaa 8 arimood oo kaliya ?
Ardeygii ayaa yiri : haa kaama koror-san wax ka badan 8 Arimood mana rabo in aan been kuu sheego!

Sheekhii ayaa ku yiri : Shiikhi oo yaaban ayaa yiri bal soo tiri waxaad iga baratay waxaan rabaa in aan maqlo?
Ardeygii :1- waxaan Eegay adoomada Alle waxaana arkay in mid kasta oo mid ah uu leeyahau saaxib hadii uu dhintana uu ka haraayo saaxibkaas sidaa darteed waxaana la saaxibay wanaaga maxaa yeelay wanaaga igama haraayo xitaa qabriga ayuu ila galayaa

2- Waxaan arkay ayaada quraanka oo micnaheeda yahay "Ruuxii ka cabsada la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun) Wuxuu u dheelman doona Janno" sidaa daraadeed waxaana ku dadaalay nafteyda sidii aan ugu reebi lahaay hawada ilaa eey qalbigeyga degto daacada ilaahay.

3- Waxaan eegay dadka waxaana arkay in qof walba uu heesto Shey qaali ah una ilaaliyo sheygaas si uusan u lumin kadib waxaan arkay aaayda quraanka oo micnaheedau yahay " Waxa agtiinna ah wuu dhamaan waxa Eebe agtiisa ahna wuu hari" taa darteed markasta ay gacanteeydu soo galaan wax qiima leh waxaan aadiyaa dhinaca alle (sadaqada)....

4- Waxaan eegay dadka waxaana arkay in qof walba uu ku faano Maalkiisa iyo Nasabkiisa ka dib waxaan arkay Aayada quraanka oo leh "Ruuxa ugu sharafta badan Eebe agtiisa waa kan idiinku dhawrsashaha badan waxaana bartay Taqwada ama Alle ka cabsiga ilaa aan xage alle ka noqdo mid sharaf badan.

5- Waxaan eegay dadka waxaana arkay iyaga oo isku Xaasidaya Nimcooyinka iyo waxa Alle ku maneestay kadib waxaan arkay ayaada quraanka oo leh "anagaa u qaybina rizqigooda nolosha adduunyo, sidaa daraadeed markii aan ogaaday qeybinta Alle waxaan ka tagay xaasidnimada".

6- Waxaan eegay dadka waxaana arkay iyaga oo midba midka kale cadow ku ah, midba midka kale dilaya kadib waxaan arkay aayada quraanka oo leh "Sheydaanka waa colkiina (cadowgiina) idinkana Col ka yeeshay waxaana ka tagay ama aan iska iloway cadaw tinimada bini-aadamka waxaana Cadow ka dhigtay Sheydaanka oo kaliya"...

7- Waxaan eegay dadka waxaana arkay in mid walba oo ka mid nafsadiisa ka been sheegayo si uu helo quud kuna sifeynaayo nafsadiisa waxayna ahay kadib waxaan arkay aayda quraanka oo Micnaheedu tahay "Dhul socod kasta Risqigeedu wuxuu saaranyahay Eebe wuxuuna ogyahay meeshey ku Hoyan ooy u dheelman dhammaanna Kitaab Cad yey ku sugan-yihiin waxaana ogaaday in aan ahay mid ka mid ah adoomaha Alle kamana been sheegin xaalada heyga si aan u helo quud".

8- Waxaan eegay noolayaasha waxaana arkay in mid kastoo ka mid ah uu talo saarto mid isaga oo kale ah ka dib waxaan arkay aayada quraanka oo leh micnaheedu tahay "Ruuxii eebe Tala saarta Eebe waa ku filan yahay ruuxaas Ka dib waxaan ka tagay ama aan iska iloway tala saarashada noole kale waxaan ku dadaalay tala saarashada Eebe...

Ugu Dambeyn Shiikhii ayaa yaabay sida wiilkaas u soo koobay qiimaha badan ee dhiintu na nafartay .. Shiikhi ayaa ardeygi madaxa u salaaxay oo janadi ugu duceeyey