Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Akhbaarti Zamaanki Hore .. Taariikhdi Islaamka Waxaa Ku Jirta Xiliyo Khawaarijta Al-Shabab Ay Tacadiyo Waxshnimo Ka Geysteen Arlada Shaam .. Hogaamiyahooda Waxaa Lagu Magacaabi Jiray " Shabib"

Monday - January 9, 2023



Taariikhda islaamka waxaa ku jirta xiliyo lala dagaalamay khawaarijta Al-Shabaab oo u dhiganta Shabaabka Maanta ka jira Somaliya ..  Khawaarijtaas Al-Shabaab oo ahaa kuwa anshax-daran waxay aad u xoogeysteen waqtigii xukunkii dawladi Umawiyiinta, kuwaaso ka faa’ideysanaayey Dagaalkii Muslimiinta dhexdeeda ahaa ee bilowday kadib dhimashadii wiil u awoowe u ahaa amiirkii Macaawiye ibnu Abu Sufyaan oo isna la oran jiray Macaawiye ibnu yaziid, waa sida hadda ay Shabaabka Somaliya uga faaideysteen bariiqashada dawladnimada Somaliya

Haddaba waxaa jiray Nin Al-Shabaabka-Khawaarijti Shaam ka tirsana oo lagu magacaabi jiray ( Shabiib ) .. Waa ninka ay ku abtirsato Khawaarijta markaas dalkaas ka dilaacday oo waxaa magaciisa loogu nisbeyn jiray ciidankiisa oo loogu yeeri jiray "Shabiibiyah".

Ninkaas iyo Naagtiisa Ghazaallah oo basar-xumadooda halaag badan u geystay dadyawgi Reer Shaam, waxay Nadar ku mareen in ay Baqdaad Qabsadaan oo waliba Ghazaalah waxay ku nadartay in ay Masjid Jaamaca Baqdaad ku dhex yaal in ay ku tukato Labo Rakcadood oo sunna ah oo mideeda hore ay Akhrineyso Suratul Al-Baqrah midda Labaadna ay akhrineyso Suuratul AL-Cimraan, weyna ka dhabeysay oo magaladdii Baqdaad ee weyneyd bay qabsadeen.

Al-Shabaabki Shaam, oo dhibkoodi maalinba maalinta ka dambeysa si kordheysay, waxaa markaas loo baahday in uu dagaalkaas ka soo qeyb galo Amiirkii Geesiga ahaa ee Xijaaj ibnu Yusuf .. Xajaaj Waa Ninkii Ciraaq oo loo taag waayey Edbiyey ee yiri Hadalkiisii caanka ahaa : waxaan u jeedaa Madaxyo bislaaday oo u baahan in la guro

Xajaaj wuxuu ahaa Geesigii dhidibadda u Aasay xukuumadihii Ummawiyiinta ee 70 sano ka talineysay Carradda Muslimiinta gaar ahaa arlada Shaam ..Waa Ninka uu Amiirkii Cumar bin C/siiss RC uu yiri : Haddii Ummaduhu iskugu faanaan xagga xumaanta annagu waxaan ku faani laheyn Xijaaj ibnu Yusuf .. Xajaaj Bin Yuusuf waa ninki markii geeridu u timi yiri: ILaahoow dadku waxay u haystaan in aadan i cafineynin ee i cafi.

Xajaaj Bin Yuusuf, Khawaarijti Al-Shabaab cagta cagta u saaray oo dagaal adag buu kala hor tagay illa markii danbe Shabaabki la jabshay .. Hogaamiyihi Khawaarjta al-shabaab ee magaciisa la oran jiray "Shabiib" Colkiisii markii la jabshay waa la baacsaday sida loo eryanaayo ayuu faraska ku kor seexdaa oo gamaan-yoodaa, su mar ayuu intuu soo kaco colkii ka hor yimaadaa oo qaar ka laayaa, sidaas markii ay muddo ku socotay ayey buundo Wabi ku yimaadeen , markaas buu Hogaamiye Shabiib Buundadii Faraskiisii kala dhacay, Halkaas buuna ku dhintay .

Markii Subaxdii maydkiisii la soo baxshay ayaa Xijaaj Bin Yuusuf caloosha ka jeexay oo wadnihiisii soo saaray kadib ayaa la arkay Wadne yar oo adag oo markii dhulka lagu dhufto sidii banooni bood-boodaaya .. 
Hogaamiye Shabiib Hooyaddiis oo 80 jir ah waxay aheyd khawaarijiyat al-shabaab Dhawr mar baa la yiri : Wiilkaagii Shabiib waa la dilay, waxayse markasta weydiin jirtay waxa lagu dilay markii la yiraahdo Waran ama Seef ama Toori waxay dhihi jirtay Shabiib ma dhimanin ee waxkale sheega

Hasa-ahaate Markaan markii loo sheegay in uu wabi ku dhacay oo maashooday, waxay tiri : Maanta ayuu dhintay, maxaa yeelay ayey tiri markaan Uurka ku waday Shabiib ayaan ku riyooday Aniga oo caloosha dab ku sida. Dabna biyo uun baa bakhtiiya!