Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Kororso Aqoontaada .. Yaa Boqor U Ah Habar Dugaag Iyo Haada Duusha .. Hab-fakarkoodu Muxuu Yahay?

Saturday - January 14, 2023



Habar-Dugaag marka ay kaynta joogaan waxaa ugu xarago badan, uguna geesisan Libaaxa. Mase aha kan ugu caqliga badan ama ugu xajmiga wayn. Waxaa jira xayaawano uu ka midyahay Maroodigu, oo ka awood badan laguna sheego in haddii la tarbiyeeyo in uu ka mid-yahay xayawaanka kuwooda ugu caqli badan.

Hadaba hadii uu Maroodigu jir ahaan iyo caqli ahaanba ka garaad sareeyo Libaaxa. Muxuu Libaaxu u noqday boqorka kaynta? .. Jawaabta oo kooban waxaa lagu sheegaa in ay tahay hab-fakarkooda ama sida ay labadoodu u kala fakaraan.

Libaaxu; Maroodiga waxa uu u yaqaanaa Cunto wayn oo isaga loogu talo galay. Isla markaana waxa uu raadiyaa tab iyo xeelad kasta oo uu dhulka ku dhigi-lahaa si uu cuntadaa wayn u cuno .. Maroodiguna waxa uu Libaaxa u yaqaanaa bahal wax cuna, oo hadaanu iska celin ama aanu ka cararin dhibaato gaarsiinkara.

Markaa Maroodigu kaynta uu libaaxu joogo, wuu ka cararaa ee kuma sii nagaado. Waana sababta uu Libaaxu kaligii Boqorka kaynta u noqdo ilayn cid kale oo ka hab-fakar saraysaa ma jirtee. Sidaas darteed ayay ku maah-maahaan " If Size Mattered, The Elephant Would Be The King Of The jungle" oo macneheedu yahay: Haddii xajmi-weyni macno samaynayso, Maroodiga ayaa kaynta maamuli lahaa.

Shimbirka Haadda/Baalalayda: Sidoo kale si la mida sida uu Habar-Dugaagga Libaaxu ugu xarago iyo xifaalo badanyahay. Haadda duushana waxaa u ugu xarago iyo xifaalo sareeya Galayrka/Gorgorka (Eagle) .. Waxaa jirta Haad badan oo ka awood badan Galayrka oo duusha, laakiin xarago iyo hab-fakarkaba uu ka sareeyo. Badina Haaddu (Baalalaydu) uma soo dhawaato, waayo waxa ay aaminsanyihiin in uu halis ku yahay.

Waxaa-se jira hal shimbir oo markasta oo uu Galayrku duulyo, isku daya in uu ka dul-qaraabto, Xasharaadka iyo waxa dul saaranna Alle swc jeclaysiiyay, kaas oo ah TUKAHA.
Hadaba, marka uu Galayr ku duulayo ee uu meel dheer ku socdo, iskuma mashquuliyo TUKAHA korkiisa ama dushiisa ka qaraabanaya. Taas badalkeeda, waxa uu u kala furaa baadadkiisa, waxaanu isku dayaa in uu marba marka ka danbaysa kor u sii baxo. Ilaa uu gaaro meel hawada Oxygen-ta aanu TUKUHU ka qaadan karim, oo hawada caadiga ah ka baxsan.

TUKUHU marka uu Oxygen waayo, waa neef qabatoobaa, ka dibna aayar ayuu soo dhacaa isaga oo Mayd ah .. Markaa TUKAHA haku mashquulina, kaliya ka fakar in aad kor uun u socoto, isagaa ayaar soo dhiciye.
Sheekadan iyo sharaxaadda aan isku barbar dhigay Habar-Dugaag iyo Hab-fakarkooda, maaha mid aan anigu alifay/sameeyay ee waa mid aan soo naqilay/ergistay, si aad cashar uga barataanna waan soo tarjumay "