Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Soo Gaba-gaboowday Tolaayeey Yaa Mujaahid .. Horjooge Al-Shabaab Ma Naxaan Ah Oo Gacanta Lagu Dhigay

Sunday - January 15, 2023




Ciidamada Xoogga dalka iyo dadka deegaanka macawiisleyda ah ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo katirsan deegaanada hoosyimaada gobolka Galgaduud.

Deegaanka gacanta soo galay maanta ayaa ka mid ahaa goobaha ay sanadaha badan ka talinayeen Kooxda Al Shabaab balse ay isaga baxeen saacado ka hor markii ay heleen xogta ah in duulaan lagu soo yahay halkaas.

Dhinaca kale Horjooge ka tirsanaa Al Shabaab islamarkaana lagu magacaabo Cabdi Cali Gadiid ayaa ciidanku gacanta ku dhigeen xilli la sheegay inuu saanad hub ah u waday al shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dawladda ee kusugan Galgaduud ma aysan sheegin faah-faahino badan oo ku saabsan ninka horjoogayaasha Shabaab ka tirsanaa ee gacanta lagu dhigay.

Dhanka kale Al Shabaab ayaa la sheegay inay ceelashii biyaha laga cabi jiray degmada Xarardheere ay Sun ku shubeen maadaama ay guluf dagaal wajahayaan iyo ciidamo ay maqleen in halkaasi ku sii socdaan.

Dadkii ku dhaqnaa Xarardheere ayey Al-Shabaab amreen inay magaalada ka qaxaan saacado ka hor sabab ay ku sheegeen in la faarujiyo magaalada xeebta dhacda Gobolka Mudug oo ay ciidanka Huwanta ah dhowr jiho ka weerari doonaan.